Cali Khaliif oo u jawaabay C/Weli Gaas, go'aan culusna ka qaatay arrimaha Soomaaliya (Dhageyso)

0
Sunday April 24, 2016 - 21:35:30 in Wararka by
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Khaliif oo u jawaabay C/Weli Gaas, go'aan culusna ka qaatay arrimaha Soomaaliya (Dhageyso)

    Madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo Cali Khaliif Galleyr oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa markii ugu horeysay go'aan hor leh ka qaatay arrimaha dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan aakhirka sanadkaan 2016-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo Cali Khaliif Galleyr oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa markii ugu horeysay go'aan hor leh ka qaatay arrimaha dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan aakhirka sanadkaan 2016-ka.
Madaxweyne Cali Khaliif oo u waramayay idaacadda VOA-da oo u jawaabayay hadal ka soo yeeray C/Weli Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuusan isagu awood u lahayn inuu odayaasha maamulka Khaatumo ama degan gobolada uu ka taliyo odayaashooda inuusan ku khasbi karin inay Garowe tagaan.

"C/Weli Gaas awood uma laha inuu odayaasha maamulka Khaatumo ku daro isimada Puntland” ayuu yiri Cali Khaliif Galleyr oo sheegay in maamulkiisu qeyb ka yahay midnimada Soomaaliya, ilaa taas laga helana uu ku taagnaanayo wadadaas.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa sheegay in maamulkiisu qeyb ka ahayn hannaanka dowladda Federaalka ay ku dooneyso inay dalka uga dhacaan doorashooyin, isagoona sheegay in dalka la kala qeyb qeybinayo, taasina aanu isagu dooneynin.

Audio Player


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip