Dhegeyso: Sheekh Shariif oo Shaaciyey Rajada uu ka qabo in uu ku guuleysto Madaxweyne.

0
Sunday April 24, 2016 - 19:56:16 in Wararka by
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhegeyso: Sheekh Shariif oo Shaaciyey Rajada uu ka qabo in uu ku guuleysto Madaxweyne.

    Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaaliga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey rajada uu ka leeyahay in uu mar kale ku soo laabto kursiga madaxweynenimada Dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaaliga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey rajada uu ka leeyahay in uu mar kale ku soo laabto kursiga madaxweynenimada Dalka.

Shariif ayaa sheegay in uu yahay Musharax u taagan jagada Madaxweynimada, marka dhowaan la gaaro doorashada Madaxweynaha, taasi oo la qorsheynaayo in ay ka dhacdo gudaha dalka.

Wuxuu sheegay in ololahiisa doorashada uu bilaabayo, isagoo rajo aad u wanaagsanna ka muujiyey in uu ku guuleysan doono.

Mudooyinkii ugu dambeeyay Sheekh Sharif waxa uu olole iyo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo uu taageero ugu raadinayo musharaxnimadiisa ka waday wadamo dibada ah.

sheekh_shariif

Wuxuu sheegay in uu dhowaan Booqan doono deegaano kala duwan oo dalka Soomaaliya ah, Socdaalkaani oo loo maleynayo in uu ku raadinayo Kalsooni iyo taageero.

Waxa uu ku sugan dalka Sacuudiga, halkaasi oo madax kala duwan iyo dad magic leh uu kula kulmey, isla markaasina uu kala Hadley qorshihiisa.

Dhinaca kale, wuxuu ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku dhimatay badda

Sheekh Shariif wuxuu sanado madaxweyne ka ahaa Dalka Soomaaliya, xilli dowladiisu ay ahayd dowlad ku meel gaar ah, hase yeeshee, waxaa looga guuleystey doorashadii ugu dambeysay ee dalka ka dhacdey, taasi oo uu xasan Sheekh Maxamuud ku helay Cod.

Markii uu waayey Xilka Madaxweynenimada ayuu Sheekh Shariif Dalka isaga tegey, isagoo mudooyinkii ugu dambeeyay ku noolaa Dalka Mareykanka.

Waxaa dhowaan la filayaa in hawada la soo geliyo bog loogu talo galay ololaha doorashada madaxweyne Shariif, sida ay baraha internet-ka dhowaan ku shaaciyeen qaar ka mid ah taageerayaashiisa howlahaasi u qaabilsan.

Shariif waxa uu soo hogaamiyay Midowgii Maxkmadaha oo mar la dagaalamey hogaamiye kooxeedyadii ka dhisnaa, Awoodana ku lahaa meelo dalka ka mid ah, wuxuu sidoo kale hogaamiyay Isbahaysigii Asmara oo markii dambe wada hadalka la galay dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf Axmed.

Ma aha Sheekh Shariif Kaliya Ragga u xusul duubaya Jagada Madaxweynenimada Soomaaliya, iyadoo qaarkood ay horey ugu hungoobeen jagadaasi.

Sheekh Shariif oo ka hadlaya qorshihiisa musharaxnimada Halkan ka dhegeyso.

Audio Player

Sharmaarke Maxamed Cali (Madka)

Dulqaadka.com (Dulqaadka Media)

Muqdisho-Soomaaliya

E-mail:dulqaadkanews@gmail.com

XIGASHO:-DULQADKA.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip