Kenya oo dib u Bilaabeysa Dhismaha Derbiga Xaduuda Soomaaliya ay la leedahay

0
Sunday April 24, 2016 - 19:24:21 in Wararka by
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo dib u Bilaabeysa Dhismaha Derbiga Xaduuda Soomaaliya ay la leedahay

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa shaaciyey inay sii wadi doonaan dhismaha Xayndaabkaasi oo dhererkiisu dhan yahay 700-KM, kaasi oo uu sheegay in loogu talagalay in lagu hakiyo weeraradda ay Alshabaab ka geysteen gudaha Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa shaaciyey inay sii wadi doonaan dhismaha Xayndaabkaasi oo dhererkiisu dhan yahay 700-KM, kaasi oo uu sheegay in loogu talagalay in lagu hakiyo weeraradda ay Alshabaab ka geysteen gudaha Kenya.

Joseph Nkaissery ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la kulmay Odayaal Somali, wuxuuna xusay inuusan Xayndaabkaasi xakamayn doonin dhaqdhaqaaqa dadka isaga kala gooshayo labada dhinac ee Xuduudka Somalia iyo Kenya wadaagaan.

"Xayndaabkani waxa uu inaga taageerayaa inaan hubino dadka, sida Alshabaab ee isaga kala gudubayo labada dhinac, balse, lama celinayo, lamana xadidayo dadka caadiga ah” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray in Baro laga soo galo, lagana baxo la sameynayo Degmooyinka Mandera, Ceelwaaq, Libooya iyo Degaannadda kale ilaa Degmadda Laamu, isla markaana ay Boliska, Saraakiisha Waaxda Canshuuraha iyo Xafiisyo kale laga hirgelinayo goobahaasi.

Xayndaabka ay Kenya dib u bilaabayso ayaa la sheegay inuu isku xirayo dhamaan Xuduudka Somalia iyo Kenya, laga bilaabo Degmadda Kiunga ee Gobalka Lamu ilaa Xuduudka Mandhere iyo Ethiopia ee Webiga Daawa.

Dhinaca kale, Wargeyska The Standard oo warkan qoray ayaa sheegay inuu Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya la kulmay Odayaal ka soo jeeda Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, halkaasi oo ay Xarakadda Alshabaab bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan ku dileen in ka badan 80 Askari oo ka tirsanaa Ciiddanka Kenyan ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip