Hay'adda Nabad Suggida Somaliya oo la bogaadiyay

0
Sunday April 24, 2016 - 19:20:06 in Wararka by
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Nabad Suggida Somaliya oo la bogaadiyay

    Madaxda Qaranka iyo shacbiga Somaliyeed, ayaa aragti isu midda ku bogaadiyay Hay'adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ka dib markii ay fashilisay weeraro xiriir ahaa, oo Ururka Al Shabaab uu doonaayay inuu ka gaysto Magaalada Muqdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Qaranka iyo shacbiga Somaliyeed, ayaa aragti isu midda ku bogaadiyay Hay'adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ka dib markii ay fashilisay weeraro xiriir ahaa, oo Ururka Al Shabaab uu doonaayay inuu ka gaysto Magaalada Muqdisho.

Xoogaga Nabad Suggida, ayaa Jimcihii fashiliyay laba gaari oo mintidiinta Al Shabaab ay doonayeen inay ku weeraraan maqaaxi ku taala Isgoyska Zoope Ee Galbeedka Magaalada Muqdisho. Nabad Suggida waxay kaloo xilligaa gacanta ku dhigtay ugu yaraan laba ka mid ah dagaal-yahanada mayalka adag ee Al Shabaab.

Madaxda Qaranka, ayaa dhambaalo bogaadin ah u diray Taliska Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka, sida ay kaga feejigan yihiin weerarada uu cadowgu maleygaayo in uu ka gaysto Caasimadda.

Bulshada Somaliyeed, ayaa Warbaahinta iyo barraha bulshada ku wada xiriirtaba ugu hambalyeeyay Taliska Nabad Suggida, hawlgaladii ugu dambeeyay ee ay ku fashiliyeen weeraradii uu yoolka argagaxisadu ahaa inay kaga gaystaan Xarunta Somaliya.

Waxaa wax lagu mahdiya ah, iyadoo muddo billo ihi aanay Ciidamada Qalabka Sida helin wax mushaaraad ah, in ay hadana u heelan yihiin ka hortagga weerarada ay damacsan yihiin kuwa diidan jiritaanka Qaranka.

Haddii shacabka Somaliyeed ay si buuxdo ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, ayaa waxaa hubaal ah in ay soo afjarmi doonto xagalcaadinta uu cadowgu ka wado Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee dalka.

Dadka badankii wuxuu qabaa, maadaama ay Shabaabku yihiin cadow si isu midda u waxyeelaynaaya shacabka iyo Ciidamada Somaliyeedba, aan markaasi la huri karin in heel qura looga soo wada jeesto.

Al Shabaab waa cadowga ugu wayn ee maanta daaalka tooska ihi kula jira Dowladda Dhexe Somaliya & Maamul Goboleedyada Wadanka ka dhisan.

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip