Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay Amniga Gobolka Banaadir (Sawirro)

0
Sunday April 24, 2016 - 19:17:52 in Wararka by
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay Amniga Gobolka Banaadir (Sawirro)

    Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan gaar ah looga hadlayay ammaanka iyo horumarinta adeegyada bulshada ee Gobolka Banaadir,iyadoo kulankan ay ka qeyb galeen Guddoomiye kuxigeenk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan gaar ah looga hadlayay ammaanka iyo horumarinta adeegyada bulshada ee Gobolka Banaadir,iyadoo kulankan ay ka qeyb galeen Guddoomiye kuxigeenkada Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo Agaasimayaasha dowladda Hoose.

Kulankan oo ka dhacay Aqalka dowladda Hoose ayaa looga hadlayay arrimaha amniga, nadaafada, bilicda iyo horumarka, iyadoo si gaar ah Wasiirka ugala hadlay Mas’uuliyiinta Gobolka arrimaha adeegyada aas aasiga ee bulshada iyo sida lagama maarmaan u tahay.

Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Maxamed Axmed Diiriye ayaa ugu horeyn uga warbixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha waxyaabaha u qabsoomay maamulka, dhinacyada amniga, nadaafada, bilicda iyo dhismayaasha wadooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa bogaadiyay guulaha uu ku tallaabsaday Maamulka gobolka iyo waxbqadka uu la yimid Guddoonka cusub, isagoo xusay in dib loo dhisay wadooyin muhiim ah, sida wadada isku xirta Sayidka iyo Bakaaraha iyo tan Buulo Xuubey.

Mr Odawaa ayaa sheegay in kulankan oo ahaa mid kala war qaadasho iyo tala qaadasho, isla markaana ay tahay mid muhiim ah oo mar walba loo baahan yahay.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in is bedel weyn uu ka jiro Gobolka Banaadir, isagoo tilmaamay kaalinta amniga ee Gobolka iyo howlihii uu qabtay tan iyo markii amniga lagu wareejiyay.

wasiir-0dawa (1)wasiir-0dawa (2)wasiir-0dawa (3)wasiir-0dawa (4)wasiir-0dawa (5)wasiir-0dawa (6)wasiir-0dawa (8)wasiir-0dawa (7)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip