RA'YI: Xamar Waa la kala Leeyehee Xaqa Dadkuu Sheega

0
Sunday April 24, 2016 - 13:01:06 in Maqaallo by
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RA'YI: Xamar Waa la kala Leeyehee Xaqa Dadkuu Sheega

    Maalin kasta waxaa dhegaheena ku soo dhaco ama aan maqalnaa Maqaam gooni ah ayeey yeelaneysaa Magaalada Mogadisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin kasta waxaa dhegaheena ku soo dhaco ama aan maqalnaa Maqaam gooni ah ayeey yeelaneysaa Magaalada Mogadisho.

Haddii si caddaalad ah wax loo qeybsanayo Xamar Dadka Dega Diyaar ayey u yihiin, waxaana kufilan waxa ay heystaan sida Badda iyo Barriga.

Haddiisa la yiraahdo haleys Boobo sida hadda ka socoto meelo badan oo Somaliya Gobaleeda ka mid ah iyo Magaalada Muqadisho Dadka Dega Xamar inteey heystaan ayeey intooda kale ku darsankaraan, Sidaas iney Sameeyaanna awood ayeey u leeyihiin laakiin waxey xushmeynayaan Martida la Nool.

Xamar Cidna looma Diiddana iney ku noolaato laakiin waxaa Gardarro Cad ah oo aan Geedna loogu soo Gambanin  ah Teydana anaa iskale Taadana kula lihi,,,,

Dib U Mlicso Gabaygii Qiimaha lahaa ee Abwaan Subkane

GABAY:-

Adduunkoo dhan waa kala Xirmoo leeys Haqiri Waayay

Xadka Duulimaadka iyo Maraakiibta Xiraneyso

Birrinka kuwii kala Xirtaa Xaye ah oo Noole

Xayeeskiiska Maantaahu Waakii Naka la Xiraye

Xamar Waa la ka la Leeyehee Xaqa Dadka u Sheega,

Xig-Maddaa Qofkii Garanayoow dib iyo xusuus yeelo

Midkeey ka xiltahoow ka Xagjiroow Duubo xarigaaga

Ima Xigo Nin Xaaraan Cunoo Xarig Ilaah Gooyay

Ima Xigo Nin Xoog igu Dayoo Xulufo Ii doonta

Xeel Dheerayaasha iyo Shacbigaan Xarafka Gaarsiine

Xukuummad u dhaxeeysana Oggole Xamar ineey Joogto

Xisaab loo dhan yahay aan Jeclaa Xubin inaan yeesho

Xayesiiska beentaahu waa kii nahala xiraye

Xamar Waa la Kala Leeyihee Xaqa Dadka u Sheega,

Xeer- Beegti Aanan dooranbaa Xabadka Ii taagtay

Xaabada iyo Cowskaan Dhax Gali igula soo xuubtay

Anna Xarafka miinkaan ka Maray Inaan Xilkaa Dhiibo

Xishood kii Horaa Iigu Filan Xarigna kii Xiise

Xayesiska Maantaahu waakii naka la Xiraye

Xamar waa la kala Leeyehee Xaqa Dadkuu Sheega,

Xaq la Duugo iyo Baadilkoo Xididdo loo yeelo

Xaqiraadda iyo Beeta iyo Xummo la Taageero

Xaqiiq laga Fogaadiyo Runtoon Xaabka laga Qaadin

Xaashaa Lilaahiye  waa wax Gobi ka xarrakootaahe

Xamar waa la kala Leyehee Xaqa Dadkuu Sheega

Waxaa Qoray: Sayid Hassan Ali




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip