FADLIGA AY LEEDAHAY AAMUSNAANTA.

0
Sunday April 24, 2016 - 12:50:52 in Maqaallo by
  • Visits: 2964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    FADLIGA AY LEEDAHAY AAMUSNAANTA.

    Waxaa la soo Weriyey in Nabigeena CSW, uu Maalin waayey Nin la oran jiray Kacab markaasuu Dadkii weydiiyey oo yiri:- Ninkaas yaa ka War haayo ?, markaas baa loogu jawaabay:- wuu Xanuunsan yahay Ninkaasi. Markaasuu Nabig CSW, baxay isagoo soo Booqanay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la soo Weriyey in Nabigeena CSW, uu Maalin waayey Nin la oran jiray Kacab markaasuu Dadkii weydiiyey oo yiri:- Ninkaas yaa ka War haayo ?, markaas baa loogu jawaabay:- wuu Xanuunsan yahay Ninkaasi. Markaasuu Nabig CSW, baxay isagoo soo Booqanayaa markuu u soo Galay ayuu yiri:- Kacaboow Bishaareyso.

Dabeed Kacab Hooyadii ayaa tiri Kacabow Tahniyad ayaan kuu soo Dirayaa Jannada ku Bishaareyso maadaama Nabiga CSW, kuu Bishaareeyey.

Dabadeed Nabigeena CSW ayaa yiri:- waa Tuma Gabadhan Rajada Wanaagsan ka Muujineysaa Xagga Alle?
Kacab ayaa yiri:- Nabi Alloow waa Hooyadeey.
Intaas ka dib Nabiga CSW, wuxuu yiri:- oo maxaa ku Ogeysiiyey Islaantaas laga yaabee in Kacab inuu yiri Hadal aan Macno lahayn ama uu Diiday Xoolo aan Qani (Tajir) ka Dhigi doonin.


Sida ka muuqata Xadiskan Qofku si kastoo u Wanaagsan yahay haddana waxaa Suuro gal ah in Hadalkiisa oo aanu Koontaroolin ama Sadaqada uusan bixin waayo, iney wax u Dhimayso Wanaagiisa.
Hadaba walaal ma tahay Qof Afkiisa ka adag oo is ilaaliya mise waad ka Hadashaa wax kasta.
Waxaa kale oo laga soo weriyey in Cibaadadu tahay Toban Qeybood, Sagaak waxay ku jiraan Aamusnaanta.
Waxaan ka Fahmaynaa hadalkan sare in ay aad Muhiim u tahay in Qofku is ilaaliyo si Cibaadadiisa Sagaal Qeybood ku Badbaadiyo,
Dad Xikmad ayaa waxey yiraahdeen:- Qofka Carabkiisa u ilaashada Illaahay Dartii, Illaahayna wuxuu ku Abaal mariyaa Maalinta uu Geeriyoonayo Qofkaasi ayaa Shahaadada Illaah u Fududeeyaa Carabkiisa.
Qofka Carabkiisa ilaashan waaya ee Daaq geeya Sharafta Dadka Muslimiinta ah Cawradoodana ka Sheekeeya oo Raacraaca Illaahay Maalinta Qofkaasi Geeriyoonayo ayaa Carabkiisa loo Diidaa inuu Ashahaato.
Nabiguna wuxuu yiri CSW:- Qofka Hadalkiisu Bataa Dhacdhaciisaa Bata, Qofka Dhacdhiciisu Batana Dunuubtiisaa Badata, Qofka Dunuubtiisu Badatana Naartuu Xaq u leeyahay.
mucaad ibnu jabalna wuxuu weydiiyey Nabiga CSW: Camalada kuwee ugu Fadli badan?
wuxuu yiri Nabiga CSW:- Carabka inta uu soo saaray ayuu yiri kaas Iska ilaali.

Cali Bin Abii Daalibna wuxuu ku yiri inankiisii Xasan:- Xasanow Carabkaaga Illaasho waayo Qofka Khasaarihiisu waa wixii uu ka yiraaho Carabkiisa.

WQ: Abuukar Gaab
Wabillaahi Towfiiq

xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip