TAAJIRKA BAAHAN.

0
Saturday April 23, 2016 - 19:15:49 in Maqaallo by
  • Visits: 1302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAAJIRKA BAAHAN.

    Haddii taaladii sayid Mohamed ,jigjiga u qaxday,haddii Adiguna ( walaalkeey /walaasheey ) laguu abuuray duruuf kugu kaliftay in aad qaxdo adiga oo aan rabin qax. Haddii duurjoogtiina la qixiyay,dhirtiina dhuxul ahaan loo qaxiyay,geed yahuud ama cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii taaladii sayid Mohamed ,jigjiga u qaxday,haddii Adiguna ( walaalkeey /walaasheey ) laguu abuuray duruuf kugu kaliftay in aad qaxdo adiga oo aan rabin qax. Haddii duurjoogtiina la qixiyay,dhirtiina dhuxul ahaan loo qaxiyay,geed yahuud ama cali groob lagu bedelay(waa geed dhirta kale baabiya oo aad u fidaya dibadana laga soo dhoofiyay) sida adigaba Oromo iyo uun kale kuu bedelayaan,fir-kaagana meel kale lagu tarminayo. iyadoo falastiin lala rabo dad aan dhul laheeyn ,somaliyana dhul aan dad laheeyn.haddii laguu qorsheeyay xera qaxootiga aduunka ugu weeyn iyo kaakuma si dad
nimadaada loo bedelo,haddii horaantiiba laguu fududeeyay in aad qaxooti nimo u tagto wadanada reer galbeedka ,kadibna balag laguu suray ,raja been ahna laguu bidhaamiyay oo duud ximbaar iyo tahriib aad ku raadisay. Dalka inteenii ku soo hartayna naloo dajiyay qorsha kala qaybin ah iyo maamuula guracan federal qabiilna fud soo yiri,dalkiina dowlada shisheeye & shirkado la hoos geeyay. Heestii ( inkastoon sabool ahay sacabada ma hoorsado haddana waan sariigtaa soomali baan ahay) .Armaa la beeneey rabaa heesta.deeqaha lagu siinayo dabadaa la heeystaa.(fiiri sawirka) waana laguugu sawiraa( fiiri kan kale) si duli nimo ah ayaa laguu siinaa (fiiri sawirka kale) .waxaana leedahay dhul barwaaqa ah fiiri sawirka kale inta u dhaxeeysa Hargeesa iyo Borame bilicda Alla siiyay xilli roobaadka.

BAL ILA ARAG WAJIGA KOOWAAD.


Haddii aan la hureyn federaal waxaa haboonaan laheed in la yiraa: laba gobal iyo wixii ka badan oo ku dhax yaal 8 dii gobol mid ka mid ah.laguna soo koobo 8 dii gobol oo faraciina ku dhax jiro. Taa waxaa diidaya aragtida siyaasadeed ee IGAD oo ah in dowlad gobaleed kasta ay Ethiopia xuduud la leedahay isla markaana Bad leedahay.
Tusaale: Hadii ex- Jubada hoose( Basa Juba) oo Hadda ah Jubada hoose iyo Jubada Dhexe , waxa ay leeyihiin Bad laakin xuduud lama laha ethiopia, si qorshaha ethiopia uu u hirgalo waa in Gedo laga soo jaro Ex- Jubada sare (alta juba) oo ka koobneed Baay, Bakool iyo Gedo, markaa waxaa soo baxaya dowlad gobaleed ethiopia xad la leh Badna leh, dhinaca kale haddii ex- jubada sare laga jaray gedo waxaa soo haraya Baay iyo Bakool oo ethiopia xad la leh laakiin aan bad laheeyn , si mar kale qorshaha ethiopia u hir galo waa in lagu daro shabeelada hoose, markaa waxaa soo baxaya gobal Ethiopia xad la leh badna leh, dhan ka kale waxaa la yiri Hiiraan iyo shabeelada dhexe ha la is raaciyo waxaa soo baxaya gobal cusub oo isku xira ethiopia iyo badda, galguduud iyo gobalada ka sareeya ee 8dii ka mid ah, hore ayeey badda iyo ethiopia isagu xirayeen.
Ethiopia waxaa u suura galaya in ay gobaladaa tartansiiso dhaxdooda kadibna mid kasta uu raqiis ku gado danta laga yeesho bacdamaa ay muhimadoodu isku mid noqotay. Waa arrin ku adag caqliga qofkii yaqaan dadka iyo deegaanka somalida,laakin Mr. Nicholas kay iyo Mr.Maxamed Cabdi Afey dhinaca aragtida Caalamiga ah ayey noo Jajuubayaan, berrina London iyo Nairobi ayeey isaga noqonayaan dalalkoodii. adna waxaad la rafan doonto sixidda dhibkii aad ka dhaxashay,danleeyda kalena weey raaci doonaan.Haddii xalka lagu saleeyo fikrado expire ah, cut and paste, trial and error. guul ma lagu gaarayaa. aan Gobalada Qaar soo qaadano.
GOBALKA SH/HOOSE
Maxasuusataa burburka ka hor ,tabeelayaal ku dhaganaa lambar afar,oo ay laheed shirkad dhinac Romania ka laheed oo dahab ka soo saari laheed inta u dhaxeeysa Mogadishu iyo marka. ????. ma ogtahay xeebta xamar illaa marka sabta loo wada cabirtay????? Sh/hoose, qabiila soomaali ahi kuma dirirsana!!!!!,ee kuwa kale ayaa ku dirirsan,waa kuwama????
Shabeelada hoose ayaa lagu muran sanyahay,degmada Afgooye waxa ay aheed degma gobalada qaar ka dakhli badan,hadii iskeed loo madax baneeyo ama ex- Banadirkeedii ay ku dhax jirto waxa ay noqonee Kuwait yar,si dhaqaalaheeda loola qaybsado oo deegaan kale loogu biilo, ayeey gobaladu ugu tartamayaan. Qoryooleey waxaa ay ka dad badan tahay gobalada qaar, consumers ama macaamiil badan ayeey leedahay iyo wax soo saar, Bad iyo Webi ka sokoow waa gobalka kaliya ee la hubiyay in shidaal, Gaas, iyo dahab dhoofintoodu sahlantahay uu leeyahay. Gobalada ku tartamaya ka sokoow, shirkado ayaaba milkiyada sh/hoose sheegtay.
Tusaale : shirkada shidaalka Kilimanjaro oo sheegata 5% Amsas qoryooleey afgooye. Hantideeda waxaa ka mid ah deegaanka afgooye qaarkii oo rahan ay u dhigatay,ceelka qoryooleey 1, illa 1961 ayaa la ogaa in uu buuxo.waxaa ay sheegeen in khabarka ugu wanaagsan uu yahay in 8 da ceel ee deegaanka laga heli karo shidaal iyo gaas la hubiyay iyagoo leh sidan : (the Good news is that all the above eight wells either flowed oil and gas and some had strong shows. The Cariole basin is one of the most underexplored basins in the world that has proven petroleum system presence….”Kilimanjaro Capital currently has a 5% interest in the Amsas-Coriole-Afgoi (ACA) Block of 1,161,400 acres with a prospective oil resource of 21 million barrels and 130 billion standard cubic feet of sales gas (Bscf) according to an independent NI 51-101 Evaluation of Prospective Resources.)
Su’aasha ayaa ah dhulkaa nabadu kama jirtee maxeey qorsheeysteen?. Mar hore ayeey kireeysteen cidii nabadgalyada u sugi laheed , ma laga yaabaa in ay yihiin kuwa hadda isku heeysta madaxda gobalada oo heshiis hoose qaarkood kula jiraan bacdamaa shaqada la doonayay in la bilaabo 2014 gudahiisa .waxaa ay leeyihiin sidan: ((Kilimanjaro has obtained partners to provide security and logistic solutions for the exploration block. The company has progressed into deep discussions with partners to carry out the drilling operations and is excited about the plans to drill the first test well in 2014. )) waa meel u jirta 30-50 KM Mogadishu oo AMISOM na ka shaqeeyso sida uu leeyahay madaxa Kilimanjaro.( The block sits only 30-50 kilometers from Mogadishu in a strategic region in which African Union peacekeepers are operating.) wuxuu leeyahay howsha waxaa bilaabay shirkad la dhihi jiray ,Somal Sinclair Oil 1960s,waxaase la wareegay dowladii somaaliya 1970kii,dib ayaa loo bilaabay 1980 iyadoo Bangiga aduunku maalgalinayo ,waxaase dhacay dagaalkii Somalia ,wuxuu leeyahay dowladii KMG ayaa u saxiixday Amsa bloga qoryooleey Afgoi 2008.mid kalena waa jiray 2013.ma dowladaa mise duul kale,cida wax u saxiixday ?. Xagee laga helaa Kilimanjaro ((Kilimanjaro Capital Limited .35 New Road, P.O. Box 198, Belize City, Belize +44 (0) 20 3239 1362 ….info@kcap.biz …www.kcap.biz.)) meesha maxaa lagu tuhmay: (Contingent Gas Reserves Estimates (Afgoye Area, Millions of Standard Cubic Feet).Most Likely: 120,603 MMscf.Low: 71,722 MMscf.High: 197,238 MMScf.Contigent Oil Reserves Estimates (Coriole Area, Millions of Stock Tank Barrels of Oil).Most Likely: 17,348 MSTB.Low: 9279 MSTB.High: 35,915 MSTB,Oil Zone Coriole (1) to Gas Zone Afgoye (1) = 80 Km.*All estimates provided by Chapman Petroleum Engineering Ltd.))
YAA ISKA LEH OO MAAMULA.
Dadkan sheeganaya masuuliyada shirkada mala aamini karaa.Damac ayaa hayee yeeyna dadka isaga keeyna dirin.waxaa madax u ah: Mr. Zulfikar Rashid. Waa Asiyaan ku dhashay Ugandha, reerahiisu waxa ay u guureen Mambasa waa cid ku caana beerashada caleenta shaaha ,Bunka, iyo qasabka sokorta,waqtigii Gen. iidi Amiin ayaa cidiisa Ugandha laga eryay ka dibna waxa uu dagay Canada.
Waxaa kale oo ka mid ah shirkada Mr.Clement Chidi-Ife Chigbo – wuxuu ku dhashay Gobalka Biyafara ee Nageria ,wuxuuna ka shaqeey jiray maxkamada sare ee Nageria. Sidoo kale Mr.Thomas Easton.wuxuu bartay xuquuql insaanka ,wuxuuna ka shaqeeyay maxkamada ku yaal mareeykanka . maba ahan dad shidaal wax ka bartay. Yaa u ah lataliyayaal.Mr. Ebenezer Derek Mbongo Akwanga.waa arday PHD hadda wada ,wuxuu ka mid ahaa jabhadihii koofurta dalka Cameroon , wuxuu ahaa maxbuus siyaasadeed intii uuna u baxsan dalka Nageria.
Waxaa isna la taliye u ah Dr. Darko Trifunovic , oo ku takhasusay la dagaalanka argagixisada, iyo Dr. Joel Batila MD oo ah taqtar Hindiya wax ku bartay ,muddo 30 sanno ah ayuu ahaa jabhad u dagaalama sidii gobalka Cabinda uu uga go’i laha dalkiisa Angola.(dadkan dowladu may iska fiiriso taariikhdooda inta aan heshiis lala galin ,maxaa ummadda loogu haligaa dad dalalkoodii kala gooynayo) la taliye kale waa, Mr. Wilce, oo isna ku takhasusay nabad sugida ciidamada iyo dhaqdhaqaaqyada madaxa banana. Qofka kaliya ee somaali ah ee la taliye u ah waxa ay ku sheegeen Dr. Cabdullahi oo ku dhashay Somalia degana Somalia iyo Victoria-Australia, asaasihii Amsas Consulting Pty, waxa ay leeyihiin wuxuu isku soo sharaxay madaxweeyna nimada Somalia 2004?.Wuxuuna ka mid ahaa asaasayaashii dowlada gobaleedka Puntland 1996-98.waxaa kale oo uu madax ka yahay Xisbiga cadaalada iyo horuumarinta somaliyeed (SJDP) oo xaruma waa weeyn ku leh Puntland iyo Shabeelada Dhexe ee jowhar???.
GOBALADA DHEXE.
Aan u gudubno gobalada dhexe, iyana faragalin shisheeye Kama maqano.waxaa sii dheer looma dhama gudaha iyo mid dibada, tan dhaxdeenaa annaga ku filane tan dibada oo dhinacyo badan, aan hal dhinac ka soo qaadano. Heshiiska gobalada dhexe waa heshiis la xiriira macdanta Uraniyum halaga qayb galiyo dowlada Iraan, oo hore howla uga waday deegaanka, 4tii sano ee u dhambeeysana dhowr tan oo dhagxaa uga raratay. Intii aan lagu dhawaaqin maamulka gobalada dhexe maalma ka hor waxaa tagay gobalada dhexe wafdii sheeganaya in uu Iraan ka socda oo aan la ogeeyn cidda uu soo maray, wuxuu isaga gudbay tuulooyin ayna xittaa somalida kala kooxaha ihi isaga gudbi Karin, waxaa xigay wafdi reer galbeed ah oo tuulooyinkii qaar tagay , dad kana weeydiiyay muxuu ahaa wafdigii Iraan? Maxeey idiin sheegeen?meelaha ayna tagi Karin laakin Iraantu tagtay waxa ay u direen xog doon Somali ah, maalma yar kadib arrintii waa lagu baraarugay ,wafdi kale oo ethiopian ah ayaa tagay.
Gobalada kale aan adiga kuu dhaafo….qoraalkan,wixii aan khalday waad beeni kartaa ,dhaliili kartaa ,wax ka sixi kartaa,
Qore. yahy Amir.

XIAGASHO:-SOMALIWEYN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip