Taliyihii ugu horreeyey ee ciidamada AMISOM oo geeriyooday iyo AMISOM oo tacsi u dirtay.
Muqdisho:Ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco
Madeira iyo guud ahaan bahda AMISOM waxay la murugeysan yihiin geerida ku timid Major General Levi Karuhanga, oo ahaa taliyihii ugu horreeyey ee ciidamada AMISOM.
Madeira iyo guud ahaan bahda AMISOM waxay la murugeysan yihiin geerida ku timid Major General Levi Karuhanga, oo ahaa taliyihii ugu horreeyey ee ciidamada AMISOM.
Maadaama uu ahaa taliyahii ugu horreeyey ee AMISOM, Jeneraal Levi Karuhanga wuxuu dhidibbada u taagey hannaanka taliyeyaashii xilkaas uga dambeeyey u fududeeyey gudashada waajibaadkooda shaqo, islamarkaana guulo la taaban karo u horseeday hawlgalka ciidama AMISOM ay magaalada Muqdisho uga xoreeyeen kooxda Al-Shabaab.
Danjire Madeira iyo guud ahaan bahda AMISOM waxay uga mahadcelinayaan qoyska Jeneraal Levi Karuhanga, dadka reer Uganda iyo dowladdoodaba, kaalintii uu ku lahaa hawlaha lugu xasilinayo Soomaaliya, wuxuuna noqon doonaa astaan dhiirrigelineed oo lama illaawaan ah.
Taliyihii ugu horreeyey ee ciidamada AMISOM oo geeriyooday iyo AMISOM oo tacsi u dirtay.
Muqdisho:Ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco