Wasaaradda caafimaadka oo xaqiijisay in cudurka shub biyoodka uu ka dilaacay Jubbada Dhexe

0
Saturday April 23, 2016 - 11:33:29 in Wararka by
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda caafimaadka oo xaqiijisay in cudurka shub biyoodka uu ka dilaacay Jubbada Dhexe

    Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 82 Qof soo uu soo ritay cudur lagu sheegay in uu shuban Biyood yahay, kaasi oo 12 qof oo ka mid ah dadka uu soo ritay ay ugu geeriyoodeen deegaanno hoostaga Gobalka Jubbada Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 82 Qof soo uu soo ritay cudur lagu sheegay in uu shuban Biyood yahay, kaasi oo 12 qof oo ka mid ah dadka uu soo ritay ay ugu geeriyoodeen deegaanno hoostaga Gobalka Jubbada Dhexe.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijineysa in magaalada Bu’aale oo ah Magaalo Madaxda Gobalka Jubbada Dhexe uu cudurku soo ritay 21 qof, hal ruux oo kamid ahna uu u dhintay, magaalada saakoow waxa uu cudurku soo ritay 54 qof, 11 ayaa u dhimatay, Halka Magaalada Jilib uu cudurkaasi soo ritay 7 qof, mana jirin wax dhimasha ah.

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA ay la xiriirtay ayaa sheegtay in xogtan ay Wasaaraddu soo uruurrisay, welina ay wadaan baritaanka xogta saxda ah ee laga helayo deeganada fog fog ee dhibaatadu ka jirto.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa hoosta ka xarriiqday in Wasaaradda Caafimaadku ay gurmad caafimaad la garab taagsantahay Dadka xanuunkaasi uu soo ridanayo, iyadoo ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso sidii ay ula tacaali laheyd xaladdaasi Cafimaad darro.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip