WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER E MAANTA OO AH SABTI 23-KA ABRIILE 2016-KA

0
Saturday April 23, 2016 - 11:29:50 in Wararka by
  • Visits: 1144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER E MAANTA OO AH SABTI 23-KA ABRIILE 2016-KA

    MADAXWEYNAHA "MACQUUL MA AHAN IN 10 SAN OO KALE AY AMISOM SII JOOGTO SOOMAALIYA" Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxmuud ayaa sheegay in ciidam ada AMİSOM ay door weyn ka ciyaareen horumarka xaga amaanka Soomaaliya mudada ay joogee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA "MACQUUL MA AHAN IN 10 SAN OO KALE AY AMISOM SII JOOGTO SOOMAALIYA" Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxmuud ayaa sheegay in ciidam ada AMİSOM ay door weyn ka ciyaareen horumarka xaga amaanka Soomaaliya mudada ay joogeen balse aysan dadka Soomaaliyeed rabin in wadanka ay mudo kale oo badan ay baaqi kusii ahaadaan.

 

 

Madaxweynaha ayaa hadalkaan shee gay mar uu ka jawaab celinayey su,aal Ar bacadi la weydiyey isaga oo jooga xarun ta Machadaka Nabada ee Magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka. Su,aasha oo aheyd sida uu u arko Mido wga Yurub oo yareynayo taageerada uu siiyo AMİSOM ayuu madaxweynaha she egay in markaan la gaaray xilligi la taage eri lahaa ciidamada qaranka Soomaaliy eed.

‘’AMISOM waxay dalka yimaadeen sa nadki 2007, sanadka danbe waxaa u buu xsameysa sanadkoodii 10aad. Mudada ay joogeen waxaa dalka ka qabsoomay wax badan sida federaalka oo la dhaqan geliyey, dastuurka dalka oo la qoray iyo doorashadi wadanka ka dhacday iyo tan sanadaakn dhici doonta oo ay amaanka door ka ciyaari doonaan. Suurtagal ma ahan marka in 10sano oo kale ay nala sii joogaan maxaa yeelay waxaan rabnaa in ay noo badalaan ciidamadeena qaranka.’’ Ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in aduunka uu markaan ku daalay taageer ida AMİSOM, sidaasi daraadeedna hada la joogo waqtigii qalab ahaan iyo dhaqa ala ahaan uu caalamka ka caawin lahaa ciidanka qalabka sida iyo hey’adaha ama anka Soomaaliya. Wuxuu xusay in hada ay dalka ka socdaan wadatashiyo iyo dad aalo lagu xoojinayo ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya si ay ula wareegaan guud ahaan amaanka dalka oo hadda intiisa badan ku tiirsan ciidamada ka socda Midowga Africa.

Ugu danbeyntii madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladiisa ay xooga saartay ka miradhalinta dib u heshiisiinta iyo sidi loo dhayi lahaa boogaha iyo dhaawacy ada soo kala gaaray umada Soomaaliye ed dagaaladi sokeeya ee dalka ka dhac ay.Madaxweyne Xasan Sheekh oo maa lmahan ku sugan dalka Mareykanka ayaa shalay oo Jimca aheyd magaalada New Yorkuga qeybgalayo shir ay madaxda ad duunka ku saxiixi doonaan heshiiska wax ka qabashada cimilada aduunka.

DHALINYARO TAHRIIB DOON AH OO KA DHOO FI RABAY GAROONKA MUQDISHO OO LA QABTAY

Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay 11 dhalinyaro oo doonayay inay tahriibaan ka qabtay garoonka diya aradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dhalinyaradan ayaa la sheeg ay inay sii mari rabeen dalka Kenya, si ay ugu sii gudbaan dalka Masar.

Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Jen. C/llaahi Gaa fow ayaa sheegay in dhalinyaradan ay wateen Fiisooyin Masar ah, isagoo xusay inay ku wareejiyeen laanta dambi baarista dowladda ee CID.

"Waxaa shalay subax qabanay 11 dhallinyaro ah waxa ay rabeen in ay kaba xaan garoonka aadan cadde ka dibna da lka Kenya ay ka sii tahriibaan oo ay naft ooda qatar galiyaan, hoggaankana arrinta an xil ayaa ka saaran mana ogolaan doo no in dad tahriib u socda ay garoonka ka dhoofaan”ayuu yiri Gen Gaafoow.

Dowladda Soomaaliya ayaa dorraad amar ka soo saartay dadka tahriibaya iyo kuwa Mukhalasiinta ah ee dadka tahriib iyo, iyadoo la qorsheynayo in ciidamo ga ar ah loo sameeyo ka hortagga dhalli nyarada tahriibeysa.

DADKA KU DHAQAN G/HIIRAAN IYO SH. DHEXE OO SOO DHAWEEYAY WEBIGA OO BIYO KEENAY

Ku dhawaad Saddex bil ood oo Deega annada uu Webiga Shabeelle ka maro Soomaaliya Meelaha qaark ood isku bede lay garoon kubada ku caya arto, ayaa la arkayaa waqtigan wabbiga oo wadda biyo tan dhaaf ah, kuwaasoo kasoo rogmaday roobabka ka da'aya dhu lka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Hacabka ku nool gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa si weyn u soo dhaweeyay isbeddelka uu sameeyay We biga oo inta badan ay ku tiirsan yihiin Ce elasha Biyaha siiya xaafadaha ay ku nool yihiin shacabka Beledweyne iyo Jowhar.

Biyo la'aanta muddada dheer uu wajahay Webiga Shabeelle, ayaa meelaha qaar kood waxaa ka dhashay Cudurro aan la garaneyn, kaddib markii dadka inta aan awoodin in ay iibsadaan biyo nadiif ah khasab ku noqotay inay cabaan biyaha Webiga oo Waqtigaas ahaa kuwo aad u Wasaqeysan.

Laakiin xilligan la joogo biyaha webiga waa kuwo la isticmaali karo, madaama u wado tar xoog leh oo meesha ka saaray dhamaan wixii wasaq ahaa ee markii hore dhax ceegaagay. Ugu danbeyn, Inkastoo sababta ugu weyn ee isbedelka ku ke enay Webiga lagu tilmaamay roobabka xil iga gu'ga ee ka da'aya deegaannada W/q ooyiga Soomaaliya gaar ahaan dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in la furay biyo xireeno markii hore Dowl addeegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ay ku Sameeyeen Webiga, iyagoo ka ca bsi qaba daadad ka dhasha roobabka da' aya iyo biyaha webiga marka ay isbiir sadaan.

BADMAREENADA HAWLGALKA ATALANTA OO KHIBRAD LA WADAAGAY CIIDANKA BADDA JABUUTI

Xubno ka tirsan ciidanka ilaalada Xeeb aha dalka Jabuuti, ayaa lagu martigeli yay markabka sitay Calanka Hawlgalka Atalanta ee loo yaqaano FGS Bayern. Si ay uga qaybqaatan Tababarro xirfadeed oo xagga badda ah. 17kii xubnood ee ka tirsanaa ciidamada badda, waxay Taba bar maalin ah la qaateen Badmareenn ada Jarmalka ah ee FGS Bayern la soc day. Waxayna ka faa’iideysteen xirfado aad u qiimo badan oo ay ka mid yihiin; sida loo daaweeyo Ruuxa jirran marka la gu jiro Badda, habka loo fuulo markabk iibta ee xargaha loo daaadsado, habka loo isticmaalo radiyaha iyo waliba sida da ayactir loogu sameeyo martoorka Marka bka.Taliyaha ciidanka FGS Bayern Md. Markus Bruggemeir ayaa kusoo dhawe eyay gurada Markabkiisa xubno ka tirsan Ciidanka ilaalada badda ee Jabuuti. Isa goo ku Faraxsanaa sida guusha leh ee ay booqashadii u dhacday iyo weliba Isfah ama ka yimid xagga luuqada.

"Ciidanka FGS Bayern, Waxaa u suu rogashay inay u gudbiyan Xirfado bad an oo la xiriira hawlgallada badda ciidama da ilaalada xeebaha wadanka Jabuuti, si weyn ayay ugu bogeen tababarkaas,” ay uu yiri Bruggemeir.

Ugu dambeyntii, Tababarrada noocan oo kale ah, ayaa waxay ka caawiyaan Gobolka kor u qaadidda hay’adaha ku ha wlan Awoodaha badda. Siday uga difaaci lahaayeen biyoohooda iyo waliba sidii ay badmareenada uga badbaadiyaan wee rarada burcadbadeedda.

BEERALAYDA BALCAD IYO AFGOYE OO SHEE GAY INAY DAYACTIRAYAAN BIYO XIREENKA SABUUN

Guddiga beeralayda Afgoye iyo Balcad ayaa dhowaan kulan ay yeesheen waxa ay ku go’aansadeen inay dayactir ku sa meeyaan biyo xireenka Sabuun iyagoo booqday halka biyo xireenkaas uu wabiga ugaga soo daro biyaha lagu keydiyo ee deegaanka Xawaadley. Beeralaydan oo soo saarta inta badan khudaarta iyo geed miroodka laga cuno magaalada Muqdisho ayaa waxa saam eyn ku yeeshay wax soo saarka beerah ooda muddo bil ah oo uu guray wabiga Shabelle.

Xaaji Naasir Cali Axmed oo ka mid ah Ururka ay ku mideysan yihiin Beeralee yda labada Shabeelle ayaa sheegay in beeraleeyda labada gobal oo Iskaasha na ya ay dib u dayactir ku sameynayaan Bi yoXireenkii hore ee Keydka Biyaha.

Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Beeraleeyda labada gobal ee Shabe ellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose Xas an Barkhadle Wardheere ayaa ugu baaq ay beeraleeyda Soomaaliyeed in ay ay isku tashadaan oo ay gacmaha hoorsan.

Ururka beeralayda labada gobol ayaa dhowaan waxa ay dayactir ku sameeye en biyo xireenka Balcad iyagoo ka faa’I deystay mudadii koobneyd oo uu wabigu qalalnaa sida uu soo sheegay weriyaha jowhar.com ee magaalada Balcad.

Beeralayda ku waraabta wabiga Sha belle ee degmooyinka Balcad iyo Afgoye ayaa neef weyn ka soo fuqday kadib mar kii ay soo gaareen biyaha wabiga Shab elle. Shalay subax ayaa beeralayda waxa ay ku soo baraarugeen iyadoo wabiga uu biyo keenay iyadoo habeen hore magaa lada Balcad aan laga seexan iyagoo dad ku ay sugayeen imaanshaha wabiga.

Biyo Xireenka Sabuun oo u ahaa keyd beeralayda G/Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa burbur uu ka soo gaaray 20kii sano.

WASIIRU DOWLADAHA ARIMAHA GUDAHA: DOWLADDA WAA IN AY AHMIYADDA 1AAD SIISAA DHALINTA DALKA WAX KU BARATAY

Wasiiru dowlaha arimaha gudaha dow ladda Soomaaliya C/rashiid Max'ed Xidig ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ahmiyadda 1aad ee dha nka shaqada ay siiso dhalinyarada wax ku baratay dalka, islamarkaana joojiso da dka qurbajoogta ah ee looga faa'iideeyna yo fursadaha shaqo ee lasoo dhajiyo.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in inta badan ay dhacdo in dhalinayarada lagu xi ro shuruudo ay kamid tahay luuqadaha aj nabiga ah, arintaa oo uu xusay in ay tah ay mid aan loo baahnayn, muwaadinka wax bartayna aysan qasab ku ahayn in luuqad ajnabi ah uu yaqaan.

"Qofka haddii uusan luuqadda Ing iriiska aqoon mecneheeda maahan in uu jaahil yahay, waxaaba la arkaa in uu ka aqoon badan yahay kan luqadda yaqa an," ayuu hadalkiisii raaciyay. C/rashiid Xi dig ayaa ugu baaqay dowladda Soomaal iya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira in sidoo kale ay joojiyaan tababarrada, shi rarka iyo kulamada kale ee muhiimka ah ee loo aadayo dalka dibaddiisa, isagoo xusay in kuwa lagu qabto gudaha dalka ay ka faa'iidayaan dad badan oo Soom aaliyeed.

Wuxuu yiri "Shir ay madax isugu timid marka lagu qabto goob kamid ah dalka, waxaa ka faa'iidaya ganacsatadii hotelka, shaqaalihii joogay, raashiinka la cunayo dadkii laga soo iibiyay, kuwa dharka dha qaya iyo faa'iido intaa ka badan ayaa laga helayaa." Masuulkan ayaa sheegay in ha ddii aan sidaa la yeelin ay sii socon doon to tahriibta dhalinta, isagoo sheegay in dhalinyarada lagu abuuray cuqdad islam arkaana ay arkeen in wax fursad ah ayan uga banaaneyn dalka.

Hadalka wasiiru dowlaha arimaha gud aha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli doon ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah ay ku qalibantay badda u dhexeeysa Masar iyo Giriigga, ayadoo ay ku dhint een in ka badan 200 oo tahriibayaal So omaali ah, kuwaa oo qaarkood la waayay meydadkooda.

WARBIXIN UU SOO SAARAY GOLAHA AMMA ANKA OO LAGU AMMAANAY MADAXWEYNE XASAN IYO DOWLADA FEDERALKA

Warbixin uu soo saaray Golaha amm aanka ayaa waxa uu ku ammaanay Mad axweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowlada Federalka horum arka dhinaca siyaasada ah ee ka dhacay dalka Soomaaliya afartii sano ee la soo dhaafay. Golaha Ammaanka ayaa warbix intan soo saaray ka dib kulan uu 19kii bi shan warbixin kaga dhageystay madaxw eyne Xasan Sheekh, waxana uu goluhu si gaar ah ugu bogaadiyey dowlada Federa lka heshiiska laga gaaray nooca doora shada Soomaaliya ee 2016ka, taasi oo goluhu sheegay inay u gogol xaari doonto doorasho qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacda 2020ka

Warbixintan ayuu Golaha Ammaanka waxa uu ugu baaqay baarlamanka Soo maaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u ansixiyaan heshiika ay gaareen Mada sha Wadatashiga Qaran. Waxana ay xub naha Golaha Ammaanka ay markale she egeen inay rajeynayaan in wax waqti kor dhin ah aan loo sameyn hay’adda dowlad da Soomaaliya ee iminka jira,waxana uu goluhu walaac ka muuiyey xaaladda amni ee Soomaaliya isagoo ku tilmaamay mid aad u jilicsan.

Xubnaha golaha ammaanka ayaa qora alkooda ku cambaareeyey weerarada AlShabaab iyo qorashada kooxdaas ee car uurta, ayaga oo ku ammaanay ciidamada Amisom iyo kuwa qaranka Soomaaliyeed inay yareeyeen halista kooxdan.

Xubnaha G/Ammaanka ayaa waxa ay ku taliyeen in lasii wado weerarada Amisom iyo ciidamada DS ee ka dhanka ah AlShabaab, iyada oo la waafajinayo xeerka caalamiga ah ee dhowrista shacabka iyo xuquuqda aadanaha.

OBAMA OO UGU BAAQAY BRITAIN INAYSAN KA BIXIN URURKA MIDOWGA YURUB

Madaxweynaha dalka Maraykanka Bar ack Obama ayaa booqasho saddex maa lmood ah ugaga bilaabatay dalka Britain waxana uu ugu baaqay Britain inay ka sii mid ahaato Midowga Yurub. Warbixin la gu daabacay wargeyska The Telegraph waxyar ka dib markii uu booqashada ku yimid Britain ayuu Obama ku sheegay in ka sii mid ahaanshaha Britain Midowga Yurub ay sii xoojinayso saameynta ay u leedahay caalamka.

Qoraalka ayuu Obama ku sheegay in UK ay faa’ido ugu jiro Midowga Yurub ma rka la fiiriyo ganacsiga, shaqooyinka, kob oca dhaqaalaha iyo ammaankaba. Oba ma iyo xaaskiisa Michelle waxa ay u ham balyeeyeen boqorad Elizabeth oo u daba aldegeysa sagaashan guuradeedii ka soo wareegtay dhalashadeeda.

Obama oo ka hadlay mowqifkiisa Mid owga Yurub ee dalka Britain iyadoo afti loo qaadi doono arrintan 23ka June ayaa waxaa soo dhoweeyay siyaasiyiinta doon eysa in Midowga Yurub aysan ka bixin Bri tain. Hase yeeshee kuwa doonaya in Brit ain ay ka baxdo Midowga Yurub ayaa ku tilmaamay labo wajiilanimo mowqifka Ma daxweyne Obama.

Duqa London oo u ololeeya ka bixida Midowga Yurub Bris Johnson ayaa ku eedeeyay Obama in uu arrinkan soo dhex galo waxana hadal maldahan uu ku tilma amay Obama inuu yahay qof qeyb ka mid ah jirkiisu uu yahay Kenyan taasna ay ta hay sababta uu ugaga soo horjeedo Brit ian inay ka baxdo Midowga Yurub.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qab teen Madaxweyne Obama iyo Ra’iisal Wa saare Cameron ayaa waxa ay ugaga had leen waxyaabihii ugu muhiimsanaa ay isla soo qaadeen kulan maanta ay ku yeeshe en xafiiska Ra’iisal Wasaare Cameron.

Wadamo badan oo caalamka ah oo ay u gu horeeyaan Jarmalka iyo Faransiiska ayaa ugu baaqay shacabka Britain inays an ka go’in Ururka Midowga Yurub. Mada xweynaha Maraykanka ayaa ku booqday xarumahooda qoyska reer Boqor, waxana uu gacan qaaday wiilka yar ee George ka asoo ku ciyaarayay faras uu hadiyad ugu keenay Madaxweyne Obama.

TALIYIHII UGU HORREEYAY EE CIIDAMADA AMISOM OO GEERIYOODAY IYO TALISKA AMISOM OO KA HADLAY

Taliyihii ugu horreeyay ciidamada AMI SOM ee ka hawlgala Soomaaliya, Jen. Levi Karuhanga oo u dhashay dalka Ugan da, kaasoo dalka Uganda u dhashay, wa xaana geeridiisa ka hadlay Ergayga Mido wga Afrika ee Somalia, ahna Madaxa Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay AMISOM soo sa artay shalay ayaa lagu sheegay in erga yga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danj ire Francisco Madeira iyo Guud ahaan Bahda AMISOM, ay ka murugeysan yihiin geerida Jen. Levi Karuhanga.

"Maadaama uu ahaa Taliyahii u Hor reeyey ee Ciidamada AMISOM, ayaa Jen. Karuhanga wuxuu dhidibbada u taa gay hannaanka taliyeyaashii isaga dambeeyay xilka, isagoo sidoo kale u fud udeeyay gudashada waajibaadkooda sha qo, isla markaana guulo la taaban karo u horseeday hawlgalka ciidanka AMISOM ay Muqdisho uga saareen AlShabaab,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka AMI SOM.

Sidoo kale, Danjire Madeira iyo Bahda AMISOM, ayaa uga mahadcelinayay Qo yska, Jen. Karuhanga, shacabka dalka Uganda iyo xukuumaddoodaba, kaalintii uu ka qaatay hawlaha lagu xasilinayo So malia, wuxuuna noqon doonaa astaan dhi irrigelineed oo aan la illaawi doonin.

Dhanka kale Warsaxaafadeedka AMI SOM ayaan lagu xusin halka uu ku dhin tay taliyahan iyo Sababta geeridiisa, wax aana uu ahaa taliyihii AMISOM horkacay ay sannadkii 2007dii markaasoo ay ka hawlbillaabeen Soomaaliya. Ugu dambe yn, Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM oo ka socda dalal Afrikaan ah ayaa wax aa kuwoodii ugu horreeyay ay yimaadeen dalka sagaal sano ka hor, iyadoo ay ugu soo horreeyeen ciidamada ka socda dal ka Uganda.

DOWLADA KENYA OO KU TAAGEERAYSA $10 M BEERALAYDA QAADKA

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Ke nyatta ayaa saxiixay gargaar lacageed oo gaaraysa $10m una dhiganta 1bilyan oo Shilinka Kenya ah oo lagu taageerayo beeralayda qaadka beerta ee dalka Ken ya. Dowlada Kenya ayaa u aqoonsa tay qaadka inuu yahay dalag lacageed iyad oo beeralayda qaadka ay dhibaato ku no qotay mamnuucidii qaadka laga mamnu ucay dalalka qaarada Yurub.

Go’aanka ah in la taageero beeralayda qaadka ayaa ka yimid cadaadis ay hogaa miyaasha Meru ay ku dalbanayeen ka dib markii dalalka UK iyo Netherland laga ma mnuucay qaadka 2 sano ka hor. Uhuro ayaa jimcihii waxa uu ka hadlay madaxt ooyada Nayrobi isagoo saxiixay sharciga lagu taageerayo qaadka. Qaadka laga be ero Kenya ayaa intiisa badan waxaa loo iibgeeyaa dalka Soomaaliya iyadoo laca go faro badan ay ka helaan beeralayda


RUUSHKA OO SHEEGAY IN SOMALIA UU HUB KA IIBIN DOONO HADDII LAGA QAADO CUNAQABATEYNTA HUBKA

Xukuumadda Ruushka, ayaa shaac isay inay Somalia hub ka iibinayso, haddii Q/Midoobay ay si rasmi ah uga qaado cu nnoqabteynta hubka ah ee saaran. Afhay een u hadlay Xukuumadda Moscow ayaa shaaca ka rogay in Ruushku diyaar u ya hay inuu hub ka iibiyo Soomaaliya, ayna fulin doonto dalab uu sheegay in uu Soo maaliya kaga yimid, kaasoo ah in hub ay ka iibiso Ruushka, si ay Ciidamadeeda dib ugu dhisto.

Wakaaladda Wararka Ruushka oo soo xiganaysay Afhayeenka ayaa baahisay in ay Somaliya ka dalbatay dowladda Ru ushka inay ka iibiso hub casri ah, Wuxuu na Afhayeenu u sheegay Wakaaladda in Xukuumadda Ruushka ay fulinayso dalab ka kaga yimid dowladda Somalia.

"Ruushka diyaar ayuu u yahay inuu me elmariyo dalabyada dhanka hubka ah ee Caalamka uga imaanaya, sida Soomaali ya, waase haddii aysan saarnayn Cunnoqabteyno Hub,” ayuu yiri Afhayeenkan u hadlay Xukuumadda Moscow. Sidoo kale, W/A/D.Dalka Ruushka, Sergei Lavarov ay aa sheegay inay Xukuumaddiisu diyaar u tahay inay garwaaqsadaan inay Somali ya iska kaashadaan dhanka farsamadda milliteriga.

Dowladda Ruushka, ayaa hadalkeeda kusoo beegtay 2maalin ka dib markii uu RW Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharm a’arke uu Booqasho ku tagay Dalka Ruu shka, uuna la Kulmay W/A/D/Ruushka, Sergei Lavarov oo ay kada hadleen sidii uu Iskaashi dhanka ciidamada ah. RW So omaaliya, Sharma’arke ayaa kulanka uu la yeeshay Lavarov oo Moscow ka dhac ay kaga dalbaday Ruushka inay ka taage erto Dowladda Somaliya horumarinta dha qaalaha iyo xoojinta awoodda ciidamada Qalabka sida ee Somaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Som alia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maa lmo ka hor ka dalbaday Golaha Ammaan ka ee QM in Somaliya laga qaado Cunnoqabateynta Hubka ah ee saaran, si dib lo ogu dhiso ciidamada xooga dalka.

HOGGAAMIYAHA FALAAGADA SOUTH SUD AN OO LAGU AMRAY IN UU MAANTA OO SANTI AH UU KU LAABTO JUBA

Ururo iyo dalal Caalami ah ayaa u qa btay Hoggaa miyaha Muc aaradka dalka K/Sudan, Ri ek Machar in uu dib ugu laa bto M/Juba ee xarunta Waddankaas illaa Maanta oo Sabti ah,sida ay sheegeen guddiga Dhexdhexaadinta Xukuumadda iyo Muc aaradka Koonfurta Suudaan.

G/Guddiga Dhexdhexaadinaya dhi nacyada South Sudan, Festus Mogae ay aa Saxaafadda u sheegay Khamiistii dor raad in haddii lagu guuldarreysto hirgel inta heshiiskii ay Mucaaradka iyo Xuk uu madda K/Suudaan horay u kala saxiix de en ay Suurogal tahay inuu Waddank aas dib ugu laabto colaadihii Sokeeye.

"Haddaan Awoodi wayno inaan ku Gu ul eysano meelmarinta heshiiskii horay loo saxiiday, waxaa imaanaysa inuu heshi iskaas oo dhan burburo,” ayuu Mogae wa riyeyaal ugu sheegay M/Juba. Tan iyo ma rkii ay Colaadaha Sokeeye ka billowdeen Dalka K/Suudaan December, ee Sannad kii 2013kii, waxaa ku dhintay Tobannaan kun oo ruux, iyadoo ku dhawaad laba mily an oo qof ayay colaaduhu ku qasbeen in ay dalkooda ka cararaan. Go’aanka loo qabtay Hoggaamiyaha Mucaaradka Sou th Sudan, Riek Machar ee ahaa inuu ka ma dambeys uu ku laabto M/Juba, 23ka Abriil oomaanta ah ayaa Waxaa gaaray xubno xubnaha dhexdhex aadinta ee JMEC oo ay xubno ka yihiin; M/Afrika, M/ Yurub, China, Britain, Norw ay, Mareyk anka iyo weliba dubalaasiyiin kale.

Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Mucaar adka K/Suudaan, ayaa sheegay in Mach ar uu dib ugu noqdo M/Juba, uuna qayb ka qaadan doono fulinta Heshiiskii Dhinac yadu kala saxiixdeen, Sidoo kalena uu u dhaaranayo Xilka Madaxweyne ku xigeen ka, laakiin ma sheegin xilliga uu ku laaba nayo M/Juba ee ah Casimadda dalkaasi.

Riek Machar, ayaa dhawr jeer baajiyay Toddobaadkan dib ugu laabashadiisa xa runta Dalka K/Suudaan ee Juba, isagoo xukuumadda ku eedeeyay inay u diiday Juba ciidammo gaar ah oo isaga ilaalin la haa, inkastoo Xukuumadda Juba ay iska fogeysay eedeyntaas. Guddiga dhexdhex aadinta dhinacyada South Sudan ayaa ku goodiyay in haddii dhinacyadu ay ku ku guuldarreystaan fulinta Heshiiskii ay ho ray u gaareen ay Warbixintooda u gudbin doonaan G/Amaanka ee QM, Ururka M/fri ka dhinacyada kale ee ay quseyso.

"Haddii dhinacyadu ay heshiiskooda fulin waayaan illaa Berri, Waxaanu u gud bi doonnaan warbixinadooda; Ururka IG AD, Ururka M/Afrika, G/Ammaanka ee Q/ M.iyo dalalka kale ee lugta ku leh dhex dhexaadintan, si ay go’aanno uga gaara an,” ayuu hadalkiisa ku daray Mogae.

Ugu dambeyn, Deng Gai oo u hadlay Mucaaradka Dalka K/Sudan, ayaa u she egay Wariyeyaasha Shalay inay Aqbale en go’aankan kasoo baxay Caalamka, ay na fulin doonaan. Iyadoo Mas’uul isagana u Hadlay Xukuumadda Salva Kiir uu she egay inay ka go’an tahay fulinta heshiiskii sannadkii hore la kala saxiixday.

MACALLIMIINTA DUGSIYADA QUR’AANKA OO TABABBAR LOOGU SOO XIRAY MINNESOTA

Dalladda Midowga Dugsiyada Qur;aan ka Kariimka ah ee Gobolka Minnesota ee loo yaqaanno M.D.A, ayna ku midoobeen dhawr iyo toban dugsi oo ku yaalla Minne sota, ayaa soo Gunaanaday Siminnaar Soconayay La bo Maalmo od, kaasoo ahaa mid Sannadkii Saddexaad la qabana yo.Taba barkan ayaa wa xaa ka faa’ii da ys tay in ka badan 150 Macallin oo Wa xkadhiga Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Minnesota ku yaalla. Iyadoo simin aar ku uu uga duwanaa kuwii ka horeey ay culumada & aqoonyahanka lagu maa muusay inay casharrada ka bixiyaan.

Casharada Siminaarkan ayaa waxaa bixinayay culummo iyo macallimiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen; Sheekha weyn ee Gobolka Min nesota, Sh. Wul iid alManiisi, Sh. Hassan Salah oo ka mid ah culumada Gobolka New Jersey iyo Prof. Saciid Saalax Axmed oo waxkadhiga Jaamacada Minnesota. Iyadoo Ta babarkan uu Ujeedoyin muhiim ah lahaa.

Tababarka loo qabtay Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka, ayaa uje edkiisu ahaa in kor loo qaado tayada Mac allimiinta iyo in la baro Hannaanka waxbarista iyo sidoo kala fahanka iyo maamu lida Waalidka iyo ardayga iyo Hormarinta habka barista Qur’aanka iyo fahansiinta micnihiisa si ay ardaydu u fahmaan micn aha guud ee Qur’aanka Kariimka, kaas oo ay maalin walba akhriyaan. Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay habka ugu sahlan oo loo baro ardayga qorista. hingaadda, iyo Tajwiidka.

"Si aad ah ayaan maanta ugu faraxsa nahay in aan ka Qaybgalo Tababarkaan loo qabanayo Macallimiinta Madaarista Gobolka Minnesota,”, ayuu yiri Sheekh Hassan Saalix oo ka mid ah culummada xifdisan Qur’aanka ee sida weyn Caalam ka oo dhan looga yaqaanno. Guddoomiya ha Golaha Fulinta ee M.D.A, Ali Nasir oo tababarka waqti fara badan geliyay, ayaa ku boorriyay macallimiinta inay isku Xir naadaan, Dacwadoodana ay dardargeliy aan oo aysan intaas ku ekaan.

Madaxa Guud ee M.D.A, Abdiqani Garyare ayaa isagana si aad ah ugu farxay habka loo soo agaasimay xafladdan, isa goo sheegay inay ka duwanayd Siminaarr adii ka horreeyay ee nooceeda ahaa. Ma callimiinta ayaa iyaguna si weyn ugu farx ay Dowradaan cilmi korarsiga ahayd.

Dhanka kale, Waxaa laga dooday sidii loo Wanaajin lahaa xiriirka Macallinka iyo Ardayga ka dhexeeya, loona Naxariisto carruurta wax la barayo, waxaana laga ha dlay sidii carruurta loo jeclaysiin lahaa du gsiyada Qur’aanka Kariimka, loogu sam eyn lahaa waxyaabo ku jiida inuu cunug gu ku farxo hawsha wanaagsan ee uu qa btay. Ugu dabmeyn, Intii Tababarkani so cday, ayaa laga dareemayay Macalimi in ta wax ka dhiga Dugsiyada Qur’aanka Ka ri imka ee Minnesota Cilmijecayl iyo Dulqaad, isla shaqayn iyo isjaceyl ka dhexeeya.Tababarkan iyo kuwii ka horre eyay na si weyn ayaa loogu riyaaqay

KU SIMAHA MADAXWEYNAHA OO LA KULMAY SAFIIRKA MAREYKANKA U FADHIYA SOOMAALIYA

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna G/ F/S.Md.Maxamed Sh.Cusmaan "Jawaari” ay aa shalay M/Muqdi sho kulan kula qa atay Safi irka Dow ladda Mareyk anka u qaabilsan Soom aaliya. Kulan ka wa xaa Guddo om iye Jawaari ku wehliayey Xoghay aha guud ee Baarlama anka Md.C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) waxaana looga wada hadlay xi ligan howlaha hor yaala Baarlamaanka iyo tag eerrada ay u baahan yihiin.

Md.Jawaari” oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taagee rrada ay la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

C/WELI GAAS: "ODAYAASHA BEELAHA DEGAN SOOL, SANAAG IYO CAYN WAXAY KA MID YIHIIN PUNTLAND”

Madaxweynaha maamul goboleedka Punt land C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeeyay ka dhawaajiyay in gobolada uu ka arrimiyo maamulka Khaatumo ee Sool, Sa naag iyo Ceyn ay yihiin odayaashooda kuwii wax ka soo dhisay maamulka Puntland sana dkii 1998kii.

Md.Gaas oo ka hadlayay dood ka baxday idaacadda VOAda ayaa sheegay in beelaha degan saddexda gobol ee sam eystay maa m ulka Khaatu mo ay yihiin kuwa ugu muh iimsan ee maamulkiisa ku leeyihiin 17xildhibaan iyo wasiiro maamulka Punt land ka tirsan.

"Beelaha Sool, Sanaag iyo Cayn waxay ka mid yihiin Puntland” ayuu yiri C/Weli Gaas oo sheegay in odayaasha goboladaasi ay door muuqda ka qaateen dhismihii maamulka Pun tland, isagoona tilmaamay inay wax ka soo dhisayaan aqalka sare ee uu dalka yeelanayo sanadka 2016ka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in maamulkiisa ay hoos tegayaan dhammaanba odayaasha soo xulaya labada aqal, isagoona tilmaamay inuu isagu saxiixayo ergooyinka ra smiga ah ee Puntland u matalaya labada aqal ee soo dhisaya xukuumadda cusub ee dalka ka dhalaneysa.

HEESAA MAREYKAN OO CAAN AH OO MEYD KII SA LAGA HELAY WIISH GURIGIISA DHEXDII SA:

Heesaagii caanka ah ee u dhashay dalka Maraykanka (Prince) ayaa ku geeriyooday gur igiisa oo ku yaala magaalada ay Soomaalida ku badan yihiin ee Minneapolis ee gobolka Minnesota. Prince ayaa waxaa da’diisa lagu sheegay inuu ahaa konton iyo toddobo jir (57) wuxuuna geeriyooday isaga oo ku jiro wiish ku dhexyaalay gurigiisa. Heesaagan ayaa Wuxuu caan noqday dhamaadkii todobaat am eeyadii horaantii siddeetamaadka, wuxuuna aad ugu soo caan baxay heesaha ‘I wanna Be your Lover iyo ‘Little Red Corvette.

Waxaa loo arkayay inuu ka mid ahaa dadka ugu hal abuurka badanaa ee xiligiisa. Wuxuu iibiyay in ka badan boqol milyan oo album. Wuxuuna heeso kale oo soo caanba xay u qoray abwaano kale oo ay kamid yihiin. Madona, Chaka Khan,Tina Turner.

MADAXWEYNE XASAN "WAXA SACUUDI CARABI YA LOO DIRAAYO HABLO KELIYA MAAHA”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo wax laga weydiiyay walaaca laga qabo tallaabada ay Dowladiisa ku aqbashay inay hablo shaqaalo ihi ugu dirto dalka Sacuudiga, ayaa markale difaacay go’ aanka Dowladiisa. Madaxweynaha Somaliya oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa yiri "Waxa Sacuudi Carabiya loo diraayo gabdho keliya maaha. Rag iyo gabdh aba waa isugu jiraan, waa shaqaalo Sooma aliyeed, waa kow.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri "Qodo bka 2aad waxaa weeye, gabdhaha Soomaali yeed hadaba Sacuudi Carabiya way taggaan. Somaliya inta ay ka lugeeyaan, Badda Cas ka gudbaan, Yemen ay ku lugeeyaan, dhibaato badana ay kala kulmaan ayay taggaan Sacu udiga, iyagoo sharci haysanin markaas ayaa hadana dib loo soo tarxiilaa amaba ay muddo dheer xabsi ku jiraan.”

Madaxweynaha, ayaa yiri "Hadda waxaan ka hadleyno waxay tahay heshiis laba dowl adood dhex maray, xafiisyo masuul ka ah ilaal ada dadkaas iyo xuquuqdooda ka hadlidooda ayaa jira. Markaa Dowladda Somaliya waxay ka shaqaysay shaqaalihii tahriibka, lugooyada iyo dhibaatada ku tagaayay in la sharciy eeyo.”

Waxaa uu intaa ku daray "Kuwa hadda joo gga dalka Sacuudi Carabiya in sharci la siiyo, kuwa kalana ayagoo sharciyeeysan oo cidda ay u tagayaan, meesha ay ka shaqaynayaan iyo xuquuqda ay leeyihiin la garanaayo, oo xa fiis u qaabilsan Safaaradda Somaliya uu ka furnaan doono, meel ay u soo cabasho tag aan ayna leeyihiin, ayay taggi doonaan. Mar ka xaaladdii hore oo shaqaalaha Soomaalida ee Sacuudi Carabiya joogay waa xaalad aad iyo aad uga duwan, oo Dowladdii ay kaalin ku leedahay, masuuliyadeedana ay qaadayso.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dadka Somaliyeed ku eedeeyay inay dhaliilayaan hablaha loo shaqo geynaayo dal ka Sacuudi Carabiya, xilli sida uu sheegay ay Dowladda Somaliya ka warqabto waxa ay ku sugan yihiin

ERGEYGA GAARKA AH EE MIDOWGA AFRIKA OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA KU TIMID MAJOR GEN ERAL LEVI KARUHANGA, OO AHAA TALIYIHII UGU HORREEYEY EE CIIDAMADA AMISOM

Ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha Gu ddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaa liya, Danjire Francisco Madeira iyo guud aha an bahda AMISOM waxay la murugeysan yih iin geerida ku timid Major General Levi Kar uhanga, oo ahaa taliyihii ugu horreeyey ee ciidamada AMISOM.

Maadaama uu ahaa taliyahii ugu horreeyey ee AMISOM, Jeneraal Levi Karuhanga wuxuu dhidibbada u taagey hannaanka taliyeyaashii xilkaas uga dambeeyey u fududeeyey guda shada waajibaadkooda shaqo, islamarkaana guulo la taaban karo u horseeday hawlgalka ciidama AMISOM ay magaalada Muqdisho uga xoreeyeen kooxda AlShabaab.

Danjire Madeira iyo guud ahaan bahda AMI SOM waxay uga mahadcelinayaan qoyska Je neraal Levi Karuhanga, dadka reer Uganda iyo dowladdoodaba, kaalintii uu ku lahaa haw laha lugu xasilinayo Soomaaliya, wuxuuna no qon doonaa astaan dhiirrigelineed oo lama illa awaan ah.

GAWAARIDA WEERARADA LOO ADEEGSAN RABAY EE LAGU FASHILIYAY MAGAALADA MUQDISHO

Laamaha ammaanka ee M/ Muqdisho, ay aa waxay Jimcihii fashiliyeen gawaari la doo naayay in weeraro looga gaysto gudaha Ca asimadda Muqdisho. Gawaaridan waxaa lagu qabtay Isgoyska Cali Kamiin Ee Degmada Wardhiigley. 2dan gaari oo noocyadoodu kala ahaa NOAH iyo Spacio, ayaa midka NOAH la ga soo buuxiyay walxaha qarxa, halka midka kalana ay la socdeen laba nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Nabad Suggida waxay sheegtay in rag aasi ay doonayeen inay weerar ka fuliyaan maqa axi ku taala Isgoyska Zoope Ee Galbeedka M/ Muqdisho, kolka uu qaraxu dhaco ka dib.

Ciidanka Miino Baarista oo ka hawlgalay gaa riga qaraxa la soo saaray, ayaa waxaa u suur tagashay in qayb ka mid ihi ay furaan, halka qaybta kalana ay kula qaraxday laba ka mid ah Ciidankaasi.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane, ayaa xaqiijiyay in la ba askari ku dhaawacantay qaraxaasi, xilli ay ku hawlanaayeen kala fur furistiisa.

Afhayeenka, ayaa intaa ku daray in uu jiro nin Suxufi ah oo lagu magacaabo Fahad Ca bdi Gaas, kuna dhaawacmay qaraxaasi. Fah ad waa sawir qaade ka tirsan Telefishinka Qaranka, waxaana dhaawaciisa lagu sheegay mid fudud.

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qa ranka (NISA), ayaa waxaa lagu ammaanay tallaabada ay ku fashilsay weeraradii ugu dambeeyay, ee ay Shabaabku doonayeen in ay ka gaystaan Xarunta Somaliya.

WASAARADDA CAAFIMAADKA OO XAQIIJISAY IN CUDURKA SHUB BIYOODKA UU KA DILAACAY JUBBADA DHEXE

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuuma dda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 82 Qof soo uu soo ritay cudur lagu sheegay in uu shuban Biyood yahay, kaasi oo 12 qof oo ka mid ah dadka uu soo ritay ay ugu geeriyoodeen deeg aanno hoostaga Gobalka Jubbada Dhexe.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijineysa in magaalada Bu’aale oo ah Magaalo Madax da Gobalka Jubbada Dhexe uu cudurku soo ritay 21 qof, hal ruux oo kamid ahna uu u dhin tay, magaalada saakoow waxa uu cudurku soo ritay 54 qof, 11 ayaa u dhimatay, Halka Magaalada Jilib uu cudurkaasi soo ritay 7 qof, mana jirin wax dhimasha ah.

W/Caafimaadka ee XS.Drs Xaawo Xasan Maxamed oo W/Wararka Soomaali yeed SON NA ay la xiriirtay ayaa sheegtay in xogtan ay Wasaaraddu soo uruurrisay, welina ay wada an baritaanka xogta saxda ah ee laga helayo deeganada fog fog ee dhibaatadu ka jirto.

Ugu dambeyntii Wasiiradda Caafimaadka ayaa hoosta ka xarriiqday in W/Caafimaadku ay gurmad caafimaad la garab taagsantahay Dadka xanuunkaasi uu soo ridanayo, iyadoo ballan qaaday in DSoomaaliya ay u diyaar ga roobeyso sidii ay ula tacaali laheyd xaladda asi Cafimaad darro.

NATIONLINK TELECOM

OGEYSIIS

QIIMO DHIMIS BALAARAN

BISHAARO , BISHAARO, BISHAARO

Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK waxay macaamiisheeda sharafta leh u sameysay Qiimo Dhimis Dal & dibad ah Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabaneynsa 18 / 03/2016 waana adeega ku shubashada ah ( prepaid ka)

A.Wicitaanada Gudaha Dalka oo dhan ku shubo $1 kuna hadal140 daqiiqo Habeen iyo Maalin

 

B.Wicitaanada Dibada : ku shubo$1 oo ku hadal 10 daqiiqowadamada

·USA.

·CANADA

·CHINA.

·INDIA.

·AUSTRALIA.

·BANGLADESH.

·MALAYSIA.

·PAKISTAN.

·SOUTH AFRICA

·SWEDEN

 

NATIONLINK ISKUXIRAHA DADWEYNAHA

FAAHFAAHIN DHEERI AH, FADLAN WAC 100/222/333



 

 


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip