Sidoo kale Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay in nidaam ka duwan kii hore doorashadan ay u dhici doonto, islamarkaana Xildhibaanada cusub soo xulidooda ka dhici doonto dhamaan xarumaha Dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah Federaalka.
"Doorashada waan ka qaybgalayaa, Ajandaheeda ayaan la imaan doonaa sidii markii horeba aan ula imid Ajandihii lixda Tiir oo wax badana ay ka dhaqangaleen, tan dambena marka la gaaro waxaan la imaan doonaa Ajandaha ama maana feestada dadka Somalida aan u balan qaadi doono hadii Alle Yiraahdo.”Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha Somaliya ayaa sidoo kale ka hadlay dhalinyaradii tirada badneyn ee dhawaan ku le’atay badda u dhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga, waxaana sababta dhalinyarada ay u tahriibayaan uu ku sheegay inay tahay Dhaqaale raadis.
"Daruufaha ugu badan oo Somaaliya ka jira oo ay dadka uga tagaan waa Dhaqaalo.” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Shiikh oo intaasi ku daray in Dowladiisa ay dad badan shaqaaleysiisay.
Shacabka Somaliyed ayaa Madaxweyne Xasan ku dhaliila inuusan dhageysan aragtida Bulshada iyo inuusan wax la taaban karo ka qaban dalka Afartii sano ee uu xilkaan haayay, inkastoo hada 4 bil u dhiman tahay.
Xasan Sheekh oo sheegay inuu yahay Musharax, sheegayna inuu la imaan doono Ajande cusub
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Mareykanka ku sugan ayaa shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan qabashada hogaanka dalka Somaliya, marka la gaaro Doorashada waqtiga doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo.