Muwaadin Somaliyed oo lagu dilay dalka Australia

0
Thursday April 21, 2016 - 12:10:09 in Wararka by
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Somaliyed oo lagu dilay dalka Australia

    Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Australia lagu dilay Muwaadin Somaliyed oo lagu magacaabi jiray Mohamud Mohamed Muktaar, kaasi oo ahaa Taksiile.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Australia lagu dilay Muwaadin Somaliyed oo lagu magacaabi jiray Mohamud Mohamed Muktaar, kaasi oo ahaa Taksiile.

Dilka muwaadinkaan Somaliga ah ayaa wuxuu ka dhacay Deegaanka Fizroy, xilli Marxuumka uu ku sii jeeday aqalkiisa oo deegaankaasi ku yaal, waxaana dilkiisa ka dambeeyay Nintoorey ku hubaysan.

Marxuumkaasi oo 31 jir ahaa ayaa la sheegay in Toorey looga dhuftay qaarka sare ee Jirkiisa, xilli uu sii geli lahaa Dhismaha uu la deganaa Waalidkiisa.

Saraakiisha Boliska ee Saldhigga Fitzroy Police Station ayaa sheegay in lagu dadaalay sidii loo badbaadin lahaa Muwaadinkasi Somaliyed, balse uu isla goobtii uu ku naf baxay abaarihii 11:30 Fiidnimo ee xalay.1461219454490r0_0_727_410_w1200_h678_fmax

Falka dilka Muwaadinkaan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay Nin Dheer oo xiran Dhar madoow, kaasi oo toorey gacanta ku sitay sida qaar ka tirsan Warbaahinta dalkaasi ay qorayeen, iyaga oo soo xiganaya dad arkaayay xilliga weerarka uu dhacaayay.

Saraakiisha Baarista Booliska waxa ay sheegeen inay ku dadaalayaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen gacan ku dhiiglaha ka dambeeyay falkaasi dilka ah ee loo geystay Muwaadinka Somaliyed.

Ehelada Marxuumka ayaa si aad ah falka dilka ah uga naxay, iyadoo Booliska ay ka dalbadeen in la adkeeyo baaritaanada la xiriira dilka Muwaadinkaasi loo geystay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip