Dhalinyaradii ka badbaaday doontii dhawaan ku qalibmatay badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya, ayaa la dejiyay dalka Greece, halkaasi oo ay hada ku sugan yihiin.

0
Thursday April 21, 2016 - 12:07:37 in Wararka by
  • Visits: 586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaradii ka badbaaday doontii dhawaan ku qalibmatay badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya, ayaa la dejiyay dalka Greece, halkaasi oo ay hada ku sugan yihiin.

    Dadka la badbaadiyay ayaa ka kooban yihiin 23 Soomaali ah, 11 Itoobiyaan ah, lix Masaari ah iyo qof u dhashay dalka Suudaan. TV-ga Al-Jazeera oo dhalinyarada warbixin ka diyaariyay ayaa waxa ay ka sheekeeyeen safarkii Qatarta badnaa ee Badda ku so

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka la badbaadiyay ayaa ka kooban yihiin 23 Soomaali ah, 11 Itoobiyaan ah, lix Masaari ah iyo qof u dhashay dalka Suudaan. TV-ga Al-Jazeera oo dhalinyarada warbixin ka diyaariyay ayaa waxa ay ka sheekeeyeen safarkii Qatarta badnaa ee Badda ku soo mareen iyo xaaladihii ay la kulmeen.

Dhalinyarada qaarkood waxay sheegeen in ay arkayeen Saaxiibadoodii ay safarkan halista ah soo wada galeen oo dhimanaya, qaarkoodna dalbanaya gurmad badbaado ah, laakiin aysan waxba u qaban karin.

Mid ka mid ah Dhalinyarada ayaa sheegay inuu arkaayay saaxiibadiisa oo ku dhawaaqayaa "Icaawi Icaawiā€¯ Laakiin wuxuu sheegay inuusan waxba u qaban karin.

Waxa ay sheegeen Dhalinyarada xaalad qatar ah inuu yahay Tahriibka, islamarkaana Dhalinyarada kale ee qorshahooda uu yahay inay tahriibaan muhiim ay tahay inay iska daayaan tahriibka.

Dhalinyaradan ayaa la siiyay Warqado deganaansho ah oo ay ku joogi karaan dalka Greece.

BadbaadayBadbaaday (1)Badbaaday (2)Badbaaday (3)Badbaaday (4)Badbaaday (5)Badbaaday (6)

xigasho:-dhacdo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip