Dhibanihii ducadiisa Alle ajiibay! (Sheeko gaaban)

0
Thursday April 21, 2016 - 10:37:16 in Maqaallo by
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibanihii ducadiisa Alle ajiibay! (Sheeko gaaban)

    Waxaan jeclaystay in aan idin la wadaago sheekadaan oo aan ka soo guurinayo dhakhtar aan saaxiib nahay oo ay ku dhacday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan jeclaystay in aan idin la wadaago sheekadaan oo aan ka soo guurinayo dhakhtar aan saaxiib nahay oo ay ku dhacday.
"Anigoo aad u da’ yar ayaa qoyskyega oo deganaa meel tuulo ah ay soo weerareen ciiadamada xabashida oo ay caado u ehayd inay soo weeraraan degaananda soomaalidu ay dagto, waxay halkaas ku laayeen qoskayga badankiis oo ay ugu horreeyaan labadayda waalid alle ha u wada naxariistee.

Waa la iga soo waday tuuladii qoyskeyga lagu gumaaday oo waxaa la ii eegeeyay eedaday oo daganeed magaalada oo isoo korisay illaa aan waxbarashayda dugsiga sare ka dhameestay iyadoo aad ugu dadaashay inaysan i dareensiin in aan wax tabayo.

Dugsigii sare markaan dhameestay, ardaydii asxaabtayda ahayd intii waxbarasho sare awood u heysay dibadda ayay aadeen, aniguse way ii suuragali wayday.

Waxaan aad ugu hammin jiray in aan barto dhakhtarnimo laakiin wadadeeda iima muuqan, qarashkeedane ma haynin, meel aan ka baran karane ma joogin.

Anigoo iska joogo maalin maalmaha ka mid ah ayaan waxaan maqlay in wadan ka mid ah wadamada carabta laga helay deeq waxbarasho oo shareecada diinta lagu baranayo, waan xaraystay, sidaas ayaan ugu safray deeqdii waxbarasho ee ii soo baxday.

Muddo labo sano markii aan waday waxbarashadii ayaan waxaan go’aansaday in aan caafimaad barto oo aan deeqdeydii waxbarasho ku badasho mid dhakhtarnimo, way ii suura gali waysay, meel kasta oo warqad u qorto waa la iga soo diiday.

Waxaan maalin maalmaha ka mid ah go’aansaday in aan booqdo wasaaradda waxbarashada si aan codsi taakuleyn ku socdo wasiirka aan u geeyo.

Markii aan tagay xafiiskiisii waxaa i qaabilay horjoogaha xafiiska wuxuuna ii sheegay in codsiyadaan uusan xafiiskaan ku shaqo lahayn oo aan meesha iskaga tago.

Jawaabtaasi way ii cuntami waysay oo waxaan go’aansaday in aan iska fadhiisto xafiiska banaankiisa waa intaas oo aan wasiirka oo soo baxayo la kulmaa oo aan warqada u dhiibtaa, waxaana iga go’nayd in aan la kulmo intii ay rabto ha igu qaadato.

Markii aan 5 maalmood ku dhawaad aan sidaa samaynayey, ayaan waxaan ogaaday in xafiiskaba uu leeyahay albaab gadaale oo laga soo galo lagane baxo oo meel cidla ah aan fadhiyay.

Anigoo quus taagan ayaan waxaan u soo daadagay masjid ku yaalay wasaarada dhaxdeeda si aan ugu tukado, xoogaane ugu nasto, laba rakco oo aan dukaday kadib waxaan si quus iyo ciil ku jirto alle uga baryay inuu umuurahayga ii fududeeyo oo haddii kheyr iigu jirto arrintayda ii sahlo.

Salaadii duhurka ayaa la gaaray, safka salaadda ayaa dhinac ka galay markii salaada duhurkii laga baxay ayaa nin igu agdukanayay i salaamay, markuu dareemay in aan ajnabi ahay oo wuxuu i waydiiyay wadanka aan ka imid iyo hadafka booqashada wasaarada!!

Waxaan u sheegay in aan ahay arday soomaaliyeed oo in muddo usbuuc ku dhaw aan wasaarada u imaanayay si aan ula kulmo wasiirka oo aan codsi aan wato ugu gudbin lahaa.

Intuu garabka gacanta iga saaray ayuu wuxuu i yiri: ina keen?


Wuu isoo waday xafiiskiisii ayuu i geeyay waaba wasiirkii laftirkiisa oo aan aragtidiisa muddo usbuuc ah raadinayay!!!

Waan rumaysan waayay nasiibkeyga, waraysi dheer ka dib oo aan xiriir la lahayn codsigeyga, weliba koob cabitaan qabow la socdo wuxuu iga ballan qaaday inaan waxbarasho caafimaad oo free ah heli doono, wuxuu la hadlay dhowr xafiis oo kala duwan, wuxuuna igu xiray nin kale oo qaabilsanaa arrimahaas, wasiirkane wuxuu isiiyay taleefanka xafiiskiisa oo wuxuu igu dhahay: Toos ii soo wac haddii aad dhib la kulantid”.

Ninkii la ii diray markaan u tagay, istaaga ayuuba iiga soo kacay iyadoo filan waa’ igu noqotay, wuxuuna iila hadlay qaab ixtiraam ku jiro, howlahaygii waxaa la iigu dhameeyay 2 maalmood kaliya, sidaas ayaana deeq waxbarasho caafimaad oo free ah ku helay, la iina ogolaaday in aan fadhiisto jaamacaddii oo bilo i dhaaftay.”

Waxaan saaxiibkey waydiiyay: sidee ka yeeshay deeqdii waxbarasho kale ee shariicada islaamka aad ku baranaysay?
Wuxuu ii sheegay inuu labadii jaamacadoodba ka soo wada baxay, oo hadda dhakhtarnimo ku shaqeeysto, masaajidne uu casharo diini ah ka bixiyo!!.

Cajiib Cajiib!!.

Aniga waxaan sheekadaan ka faa’ideestay in haddii aad dhibaato la kulantid in aad alle codsigaaga u gudbisatid adigoo aadan u baahanin horjooge ama waqti booqasho toona, bal ila eeg akhristow wiilkaan markuu bini’aadankii ka quustay oo uu alle-bari ugu dhaqaaqay ayaa wasiirkii masjidka loogu keenay oo weliba salaadda dhinaciisa loogu xiray.

 

Xigasho: SomaliDoc



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip