Maamulka Gobolka Banaadir oo furay Tababar ku saabsan fulinta Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada

0
Thursday April 21, 2016 - 10:11:24 in Wararka by
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo furay Tababar ku saabsan fulinta Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka furay magaalada Muqdisho Tababar ku saabsan Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada uu yeelanayo Maamulka Gobolka,iyadoo Tababarkan uu si rasmi u furay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka ee dhinaca Arrimaha Bulshada, waxaana ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka furay magaalada Muqdisho Tababar ku saabsan Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada uu yeelanayo Maamulka Gobolka,iyadoo Tababarkan uu si rasmi u furay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka ee dhinaca Arrimaha Bulshada, waxaana ka qeyb galay maamulada degmooyinka, agaasimayaasha gobolka iyo garyaqaanka dowladda hoose.

C/qaadir Muxyadiin Axmed (Dalxa), Maareeyaha Mashruuca Horumarinta Dhaqaalaha Deegaanka ee Doowladda Hoose ee Muqdisho oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in diyaarinta habraacaani uu soo maray marxalado kala duwan iyadoo xiligaani si toos ah uu ugu soo daadagay Maamulka Gobolka waxa uuna intaa uu ku daray in ahmiyad gaar ah uu u lahaan doono Doowladda Hoose ee Muqdisho dhanka Doowlad wanaaga oo ay ka dhalanayso islaxisaabtan, hufnaan iyo ka wada qaybgal shaqooyinka iyo adeegyada horumarineed ee Gobolka.

Guddoomiye Kuxigeenka gobolka ayaa sheegay in xlligaani ay shaqooyin farabadan horyaalaan maamulka gobolka oo ay ka mid tahay hoowlaha la xiriira maaraynta Qandaraasyada kaa soo uu hagi doono habracaa Iibka.

Labadii sano ee ugu danbeeysay ayuu maamulka Gobolka ka shaqeeynaya arrimaha la xiriira kobcinta dhaqaalaha iyo hagaajinta adeegyada ay bixiso Doowladda Hoose iyadoo ay jirtay mashaariic dhoowr ah oo laga fulinayay Gobolka ee la xiriira arrimahaasi.

 

habraca (1)habraca (2)habraca (3)habraca (4)habraca (5)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip