Warkii Sh/Hoose Armuu la mid yahay lixdii Imaam ee la Diley?!

0
Wednesday April 20, 2016 - 19:42:20 in Maqaallo by
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warkii Sh/Hoose Armuu la mid yahay lixdii Imaam ee la Diley?!

    Waxaa maalahaan la hadal hayey War sheegaya in Ayeeyo iyo Lix Caruur lagu Gubeu Meel la yiraahdo Dudumo oo u dhaxeysa Marka iyo Shalaanbood , waxaana Warkaa aad u qaatey inta badan Warbaahinta Gudaha iyo Dibada hase yeeshee Warkaas wax Dabagal ah oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalahaan la hadal hayey War sheegaya in Ayeeyo iyo Lix Caruur lagu Gubeu Meel la yiraahdo Dudumo oo u dhaxeysa Marka iyo Shalaanbood , waxaana Warkaa aad u qaatey inta badan Warbaahinta Gudaha iyo Dibada hase yeeshee Warkaas wax Dabagal ah oo lagu sameeyey ma jirto Xaqiiqdiisa, la ismana weydiin Cidda uu sida rasmiga ah uga soo yeerey Warkaas, waxaa kale oo mudan in la isweydiiyo, Goorta, Goobta, Sababta, iyo Magacyada Qoyska dhibaatadu gaartey
Markaan Dhageystey Wareysigii ugu macquulsanaa ee uu ka soo yeerey Warkaan Dhiilada Xambaarsan oo ay qaateen Warbaahinta kala duwan, waxaa ku jirey Su’aal ahayd Mudane Masuul ma tagtey Goobta ay Mashaqadu ka dhacdey? markaasuu ku jawaabey Masuulkii la wareystey "Meeshaa Ma tagi karo oo Waxaa ku sugan Shabaab” waxaa kaloo la weydiyey Su’aal ahayd, dadka Deegaanka qof ka mid Teleefankiisa ma na sii kartaa si aan u helno Faahfaahin dheeraad ah? Waxaa uu ku jawaabey "meesha waa baadiyo qoyska la laayeyna Maalinkii ayey soo degeen, Dadkii kale ee ka haray Qoyska Dhibaatadu gaartey meeshii waa ka Guureen si ay lafahooda ula baxsadaan”

Xaqiiqdii aniga oo saxafi ah warkaas kuma deg degeen waayo waxaa uu u baahan yahay Xuuraansi iyo Dabagal aad u dheer sababatoo ah meesha sida warku u dhacayo waxaa isku haya waa Beelo Walaalo ah oo uu Dagaal u dhaxeeyo, waxaana halkaas ka iman kara Warar badan oo is Khilaafsan oo aan Xaqiiqda ku saleysneyyn oo ku fadhiya Sad Bursi waxaan soo Xasuustey War uu hada ka hor uu noo sheegey Tafafirihi hore ee BBC-da Yuusuf Garaad

"Waxaa BBC-da uu war ka soo gaarey Muqdisho kaasoo oo ahaa in Masjid ka mid ah Masaajid Muqdisho lagu diley Lix Imaan, Yuusuf Garaad wuxuu sheegey in Warkaas uu yahay War Muhiim ah, meelo badan uu muqdisho ayuu wacney mid waliba waxaa uu sheegey in Warkaas uu maqley uusana Xaqiiq kale hayni, Wariyayaashii BBC-da ayaa Miiska soo Wada fariistey waxaa loo qayb samey Dhowr qaybood kuwa yiraahda Waa war Muhiim ah Waxaa uuna u qalmaa in la sii daayo kuwa kale waxay ku adkeysteen in wakaas Dabagal badan lagu sameeyo

Hadba talo waxa ay soo yeerto, mid ka mid ah Wariyayaasha BBC-da ayaa Su’aal Layaab lahayd ka soo yeertey taasoo ahayd "Waaxaa idiin weydiiyey Goorma ayey Masaajida Muqdisho yeesheen Lix Imaam”? Yuusuf oo hadalkii sii wata ayaa yiri "Waa is fiir fiiriney waxaana noo baxdey Xaqiiqda oo ah in Hal Masjid Lix Imaam yeelan Karin ” sidaas ayaana Warkaas lagu joojyey oo loo ogaadey in aanu Sal iyo raad toona lahay, sidoo darteed isku soo duuboo warkaas ka soo yeerey Shabeelada hoose waxaan dhihi lahaa dib ha loogu laabto hana la xaqiiqjiyo sababtoo ah hadii uu jiro war dhibaatadisa leh hadii uusan jirina ma jiro oo waa beeni raad ma leh.

NB waxyaabaha iigu dhaliyey in aan warkaan qoro waxay ahayd markii laba nin oo aan saaxiibo nahay oo ka soo kala jeeda Qabiilada isku haysta Shabeelada Hoose uu mid ii sheegey in Caruurta la laayey uu adeer u yahay, kii kalena uu ii sheegey in Caruurta la laayey ay ilmo adeer yihiin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail aminkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip