Siyaasadda ah:kala qaybi,kaddibna xukun,Soomaaliya keliya kuma socote,xataa..?

0
Tuesday April 19, 2016 - 11:32:26 in Maqaallo by
  • Visits: 1283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasadda ah:kala qaybi,kaddibna xukun,Soomaaliya keliya kuma socote,xataa..?

    Qaybta Kowaad Waxaan filaya in qof kasta oo siyaasadda u dhuun duleela lana socda waxyaabaha ka socda dunida,uu garan karaa,sida loogu halgamayo in waddamada carabta iyo islaamkuba la kala dhig dhigo,qoortana la isku geliyo,dabadeedna laga dhigo daw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybta Kowaad Waxaan filaya in qof kasta oo siyaasadda u dhuun duleela lana socda waxyaabaha ka socda dunida,uu garan karaa,sida loogu halgamayo in waddamada carabta iyo islaamkuba la kala dhig dhigo,qoortana la isku geliyo,dabadeedna laga dhigo dawlado aan awood lahayn waxna isku tari karin,isna xukumi karin,kaddibna ay gaalladu urursadaan khayraadka ku jira waddamada carabta iyo islaamka,kaddibna Isra'el laga dhigo madax sharafeedka dawladaha taagta daran ee carabta iyo islaam ku sheegga.
Ololahaas lagu kala dhig dhigayo lana kala qaybqaybinayo,dunida carabta iyo muslimkaba, ma’ahan mid imminka bilowday,laga soo bilaabo dagaalkii khaliijka ee kowaad,kaasoo qoorta la isku geliyay Ciraaq iyo Iran,wuxuuna dagaalkaas socday siddeed sannadood (1980kii ilaa 1988kii),waxaana dagaalkaasi ku naf waayay in ka badan hal milyan oo ruux,waxaana halkaasi lagu jebiyay,awooddii Ciraaq oo iyadu waa Ciraaqee oo qarka u saarnayd in ay ka baxdo dunida saddexaad,bacdamaa ay ku barwaaqaysan tahay beeraha iyo betroolka.

Mareykanka iyo galbeedka oo iyagu ku buhoobay siyaasadda ah in awoodda carabta iyo islaamka la daciifiyo ayaa ah hadafkoodu in xoog loo yeelo Isra’el,si aysan u soo hungureysan carabta iyo islaamka,kuna fekerin in ay dagaal ku soo qaadaan Isra’el,oo iyadu waa Isra’ele lagu haysto in ay xoog ku haysato dhulal carbeed iyo baytal maqdas.

Dagaalkii Ciraaq iyo Iran markuu istaagay ayaa weli la arkay in Ciraaq ay awood leedahay, waxaa markaasi la fekeray oo Mareykanka iyo xulufadiisuba ay ku fekereen,sidii dagaal kale loo abuuri lahaa,waa kaa Ciraaq laga dhaadhiciyay in Kuweyt ay ka mid tahay qayb ka mid ah dal weynaha Ciraaq,sidaas daraadeed,2dii Agosto sannadkii 1990,Ciraaq waxay duullaan ku qaadday Kuweyt,amiiradii Kuweytna waxay u baxsadeen Sucuudiya,ciidankii Ciraaq ee Kuweyt qabsadayna waxay bililiqaysteen hantidii madaxda Kuweyt iyo tii qaranka,labo maalmood kaddib markuu dagaalkaasi socday,waxaa ciidankii Ciraaq u suuraggashay in gebi ahaanba ay la wareegaan Kuweyt,laguna dhawaaqay in Kuweyt ay ka tirsan tahay Ciraaq.

Culumadii Sucuudiya waxay soo saareen fatwo la isku khilaafay,kaasoo sheegayay in ciidanka Mareykanka loo yeeran karo iyo in aan loo yeeran karin,waxaana la qaatay fatwadii ahayd in loo yeeri karo si looga hartago ciidankii Ciraaq ee ku soo duullay Kuweyt,waxayna taasi keentay in Mareykanka iyo xulufadiisa ay xoog uga saaraan Kuweyt ciidankii Ciraaq, dibna ay Kuweyt ugu soo celiyaan amiiradii Kuweyt 26kii Febraayo sannadkii 1991kii, Mareykanka iyo xulufadiisuna waxay helaan fursad ay ku soo galaan khaliijka.

Intaas keliya kuma ekaanine Mareykanka iyo xulufadiisa,waxay abaabuleen dhallinyaro jidbaysan,kuwaasoo laga soo dhaadhiciyay in ay iska tuuraan madaxdooda,Tuunis ayay ka bilaabatay,waxayna dadkii jidbaysnaa ku guuleysteeen in madaxweynihii Tuunis Bin Cali ay ridaan,dalkana ay ka eriyaan,qorshihii labaadna wuxuu ahaa in qoorta la isku geliyo shacabka Tuunis.

Dhallinyaradii ku kacday madaxdooda waxaa ka mid ahaa Qadaafigii Liibiya oo isagoo rabay in uu u baxsado dal Afrikaan ah,la kashifay,waxaana kashifay saaxiibkiisa Faransa, halkii lagu qabtay ayaana lagu gowracay,waana siyaasad Isra’el ah,hadduu saaxiibkooda ka soo horbaxo,waxay qorsheynayaan dilkiisa,siyaasadda kale ee ku xigtay waxay ahayd in shacabkii Liibiya qoorta la isku geliyo,lagana dhigo sidii Soomaaliya oo kale,dalalka maanta oo awooddooda la daciifiyay waxaa ka mid ah:Masar,Ciraaq,Suuriya iyo Yemen, gudahooda ayaana laga abuuray mashaakilo badan,weyna adag tahay in maanta ay ka hadlaan qadiyadda Falastiin iyo dhibka Isra’el ay ku hayso shacabka Falastiin iyo baytal maqdasba.

Ulajeeddadu waxay tahay in mandiqada carabta dib loogu celiyo xadkii koox kooxda iyo mad-hab mad-habka iyo qabiil qabiilka ahayd,sidii ay ahaan jirtay bilowgii qarnigii na soo dhaafay,waxaana la doonayaa in dawladaha carabta iyo islaamka laga dhigo dawlado yaryar oo tabar daran,dhexdoodana laga abuuro qalalaase iyo iska hor-imaad.

Wargeyska New York times oo soo baxay 29kii september 2013 wuxuu shaaca ka qaaday in shan dawlad carbeed laga dhigo 15 dawladood,shantaasina waxay kala yihiin:Sucuudiya, Ciraaq,Suuriya,Yemen iyo Liibiya,waxaana ku sii xigta Masar iyo Suudaan.

Dagaallada ka dhacaya carabta iyo waddamada islaamka,ma’ahan mid iska yimid,balse wuxuu ahaa mid la qorsheeyay,u fiirso sida hujuumka loogu yahay islaamka,haddii laga yimaado taariikhda fog,waxaan la soconaa markii midowgii Sofiyeeti lagu jebiyay Afghanistaan,wuxuu madaweynihii Mareykanka ee Nikson uu qoray buug,wuxuuna ku sheegay:in maanta aan jebinay xoog weyn,kaasoo ah midowgii Sofiyeeti,waxaa inoo haray xoog kale oo weyn una baahan in la jebiyo,wuxuun u jeeday islaamka,dhacdadii been abuurka ahayd ee 11 september waxay horseeday in Mareykanka iyo xulufadiisa ay islaamka u arkaan argaggixiso,waxaa kaloo been noqotay in Ciraaq ay haysato hubka Nuklearka.

Arrinkaasi qaybinta ah oo la kala googgoynayo carabta iyo waddamada islaamka, Mareykanka iyo reer galbeedkana ay wadaan,waxaa markiisa hore xusay wargeys ka soo baxa ciidanka Mareykanka sannadkii 2007,waxaana wargeyska lagu sheegay in Sucuudiya loo kala qaybinayo ilaa shan dawladood,hadalkaasina waxaa dib u soo celiyay wargeyskii aan soo sheegnay ee New York Times oo soo baxay 29kii september sannadkii 2013,qaybintaasina waxay faa’iido iyo danba u tahay Isra’el.

Sidee Soomaaliya loo kala jarjaray

Waa inoo qaybta labaad inshaa Allah

Maxamedeyn

Den Haag/Holland

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip