FAALLO: Nidaam aasaas looga dhigay cadaalad darro, dhamaadkiisa waa Burbur.

0
Friday April 15, 2016 - 23:26:58 in Maqaallo by
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO: Nidaam aasaas looga dhigay cadaalad darro, dhamaadkiisa waa Burbur.

    Dowladnimada Somalia burburka ku yimid waxaa aasaas u ahaa Cadaalad darro ay dalka ku hogaamiyeen Dowladi madaniga ahayd 1960-1969 iyo dowladi militariga ahayd ee 1969-1991, waxaana burburkaa af u ahaa in dadki ka gadooday cadaalada darradaa uunan ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladnimada Somalia burburka ku yimid waxaa aasaas u ahaa Cadaalad darro ay dalka ku hogaamiyeen Dowladi madaniga ahayd 1960-1969 iyo dowladi militariga ahayd ee 1969-1991, waxaana burburkaa af u ahaa in dadki ka gadooday cadaalada darradaa uunan gadoodkooda fadhi u ahayn in ay xaaladaas jirtay wax ka bedalaan ,balsa yoolka wuxuu ahaa kaliya in qolo walba kursiga kore ay markeeda ku fadhiisato sidi ay caddaalad darradi ay halkeeda uga sii miisi lahayd.
Ilaa haddeerna siiyaasada Soomalida waxay heysaa waddadaas,dadka haddeer na horkacayana kuma jiro mid wado xaalad ka duwan xaaladaas aan kor ku soo sheegay. waxaansa intaas ka dhib yareyn wixi aan dhib soo marnay in aanan ku cibra qaadan, waayo dowlada aan haddeer ku jirno dhisideeda waxaan fadhi muuqdo uga dhigaynaa caddaalad darradi burburisay dowladihi hore oo aan ka dheragsan nahay halka aan haddeer joogno in ay caddaalad darradaas sabab u ahayd.

Calaa kulli Xaal ,ilaa iyo burburki waxaa la abuuray dowlad ,maalinba dhismaheeda uu soo marayay xaalad adag, tan haddeer waxay abuurtay Federal kor looga keenay Soomaali iyo sida laysu raacinayo maamulada Federalka , dhib kama taagno in loo istaago u istaagida dhisida nidaam maareeyo danaha ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan maamul walba iyo hortiisa.

Hordhac gaaban keddib waxaan rabaa in aan si cad u taabto boogta nagu taal si uun indheera garadkeena ugu yaraan daawo ugu helaan caddaalad darrada dalkeena ka jirto. ilaa iyo haddeer aasaaska dowladan ,marxalad walba waxaa fadhi looga dhigayay "Xaq lama rabo ee xal ayaa la rabaa”, ma aqaan Erayaadaas miinada ah cidda na soo dhax dhigtay.laakin waxaan hubaa in ay burbur kale oo nagu dhaco dabada ku wadato, haddii aynan haddeer cuqalada Soomaalida aynan horjoggsan si caqli ah waddada qaldan ee aan ku socono haddeer.

U fiirso Federal waxaa u horeeyay Puntland oo ka abuurantay wada hadal ka dhax dhashay dadka deggan deegaankaas ,Puntland ma xukunto dhulka uu sheeganayo maamulkeeda inuu hoos yimaado, waxaa taa u dheer ,dhaqanka maamulkeeda waxaa si aad ah uga muuqdo dhaqanki dowladi dhaxe ee sabab u ahaa burburka ku yimid dowladnimadi Soomaliya, yacnii maamulkaas waxaa horkacayo dad magac dhaban oo aan isbedelin.

Somaliland oo iyaga ku dhawaaqday gooni u istaag, waxay ku dhisanatay wada tashi dadka deegaankaas ka yimid ,balsa iyadaba kama taliso deeagaanada uu sheeganayo maamulkaas ,dhaqanka dowlada waa isla dhaqanki dowladi dhaxe oo ay iyaga waqtiyadi hore u arkayeen inuu yahay dhaqan dikatatoorinimo iyo Qabiil ,yacnii waa uun sidi putland, waxba kalama duwana ,kamana duwano in hal qabiil horboodayo dowladnimadi iyo maamulki oo dhan.

Markaan hoos ugu soo daadegno ,maamuladan ay abuurtay DFS, qaab dhiskooda waxay aad uga sii hooseeyaan labada maamul ee aan kor ku soo sheegnay, ilaa iyo haddeer ma jiro maamulada dhismay mid ku yimid caddaalad iyo wada tashiga dadka la leeyahay waxaa laydiin dhisay maamul federal ah.

Fiiri waxa ka taagan Juba ,oo mas’uulka u sareeyo yahay jabhad wadaad ku sheeg ah ,wuxuu suldada ama awooda maamulka ku yimid rabitaanka dowlad shisheeye oo dana gaar ah ka leh dalka soomaaliya, kamana taliya wax ka badan laba degmo.

Fiiri Koofur Galbeed ,weli lasykuma soo qaadin caasumadi lagu heshiiyay in maamulkaas ku shaqeynayo goormuu maamulka tegayaa(Barawe), sidoo kale mas’uulka ugu sareeyo maamulkaas kuma imaan rabitaan sax ah iyo nidaam cad oo layska wada dhax arkayo oo ka yimid dadka deggan deegaanka goballada aasaaska u ah dhismaha federaalka koofur galbeed, waxaa intaas kuu dheer waxaa maamulkaa si buuxdo gacanta ugu haayo ciidamada dowlada Itoobiya ,maamulkaas ma sameyn karo dhaqdhaqaaq muuqdo oo aaan Addis ababa laga soo meerin ,waa uun sidi Juba land ,marka laga reebo in hogaamiyaha uunan si toos ah ugu imaan dabaabad Xabashi leedahay sidi Jabhad Axmed Madoobe.

Ka daranoo dibi dhal ,Galmudug waa la dhisay oo kaliya ,maamulkina meel uu ku shaqeeyo ha sheegin ma haayo,magaaladi lagu dhisay waxaa maamulka ka hor dhistay reer, magaalada Galkacyana waxay leedahay green line, magaaladi loo unkay in ay caasumad noqotana waxay fadhi u tahay koox hubeysan oo laba shay oo kala daran huwan ,wadaanimo uu Qabiil hagoog u yahay, lama tegi karo Dhuusamareeb,guriceel iyo matabaan iyada oo aan raggaas wax laga weydiin, waxaa intaas ula jiro in magaalooyin kale ay ku jiraan gacanta shabaab.

Yaab,yaab ka yaabkiis iyo amakaag ,Shaeelaha dhaxe iyo Hiran dadka deggan waxaaa loogu yeeray in ay u dhega-nuglaadaan maamulka DFS iyo in loo dhisayo maamul federal ah oo ah isku darka shabeelaha dhaxe iyo Hiran. durbaba waxaa soo muuqday dhisida maamulka in ay ku dhax jirto masaalix shakhsiyadeed oo ay horboodayaan madaxda dowlada federalka Somaliya ,taana waxay keentay beelo waaweyn oo ka soo jeedo Hiran in ay ku gacan seyraan ka mid noqoshada dhismaha maamulkaas tan iyo inta laga helayo dib u heshiisiin dhab ah oo reer Hiran dhaxmarto ka hor ka qeybgalka shirka Jowhar ee dhismaha federalk Sh-dhaxe iyo Hiran, sidoo kale beelaha deggan Shabeelaha dhaxe kuma yaro qeylo dhaan iyo dulmi ayaa ku jiro sida wax loo maamulayo. intaas oo jirto haddana DFS waxay rabtaa in ay halkaa ka dhisto maamul u dhigmo kii ay ka dhistay Galmudug ,haddii sida haddeer wax loo wado hawsha ku dhamaato, maamulka la dhiso ma tegi karayo caasumadi loo alkumay(Buuloburte) iyo Beledweyne iyo meela kale oo ka mid ah shabeelaha dhaxe.

Yamay Yam ,Yaxaas ku qaad yam, Maagalada Muqadisho oo ah halki ugu dambeysay ee laga burburiyay Dowladnimadi Soomaaliya ,ah halki u dambeysay oo ka qeyliso caddaalad darradi dalka lagu maamulayay wixi ka horeeyay burburki dowladnimo, ah halki haddana wixi dhib ahaa ee ku dhacay u sabartay ,ogolaatayna in iyada gudaheeda mar kale dib looga aasaaso dowladnimo Soomaaliyeed ,Muqdishadaaas kumaba jirto wax qeybsiga siyaasadeed ee maamulada federaalka ee dalka,yacnii Muqadisho waxay u muuqataa halki cadaalada darradi dalka ka jirtay laga burburiyay iyo halki lagu suntay in cadaalad darra kale lagu hogaamiyo dalka iyo dadkiisa mar kale ,aasaaska caddaalada darradana fadhi looga dhigo in dadka deggan Caasumada Soomaliya xuquuqdoodi siyaasadeed laga soomiyo iyada oo caddaalad darradaas si cad uga wada muuqato dhismyaasha maamulada Federaalka ah guud ahaan.

Haddaba Su’aasha waxay tahay mas’uuliyiinta horboodayo in dalka mar kale yeesho nidaam uun dadka ku hogaamiyo caddaalad ,miyaynan ogeyn in burburki Soomaaliya ku yimid ay caddaalad darro fadhi u ahayd ,haddaba maxaa maanta ku qasbayo in ay mar kale dhisaan dowlad aasaaskeeda yahay caddaalad darro , berrina keeni karto in dib loogu noqdo burburki aan lahayn waxaad uga soo kabataan dhista.

Inta goori goor tahay ,kolay ka filanmaayo in ay arrintan hoose ka imaan doonto DFS iyo madaxdeeda waqtigan, balsa hogaamiyaasha soo socdo waxaan ugu baaqayaa in si dhaqsiya wax looga bedalo hawsha siyaasadeed ee Soomaliya iyo sida haddeer loo maareynayo oo caadaalad darro badan fadhi looga dhigay sida ka muuqato hawlaha siyaasadeed ee dalka oo dhan. 14/04/2016.

 

Abdallah Moallim Mahamud


Moallem10@Hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip