WARBIXIN: Nidaamka Federaalka Soomaaliya oo caqabado hor leh dalka ku soo kordhiyay 'Khataraha qaranimada & mowjadaha cusub'

0
Wednesday April 13, 2016 - 12:11:18 in Maqaallo by
  • Visits: 1103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Nidaamka Federaalka Soomaaliya oo caqabado hor leh dalka ku soo kordhiyay 'Khataraha qaranimada & mowjadaha cusub'

    Tan iyo markii ay dalka ka dhalatay xukuumad dalka ku maamuleysa nidaamka loo yaqaano "Federaalka" waxaan maalin walba u soo joognay arrimo khatar ku ah qaranimada dalka Soomaaliya, is barbar yaaca hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii ay dalka ka dhalatay xukuumad dalka ku maamuleysa nidaamka loo yaqaano "Federaalka" waxaan maalin walba u soo joognay arrimo khatar ku ah qaranimada dalka Soomaaliya, is barbar yaaca hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, is qabqabsiga beelaha, dagaallo ku saleysan xuduudaha gobolada dalka iyo arrimo kale oo fara badan.
Dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya ayaa lumisay awoodii ay u lahayd inay iyadu hoggaamiso nidaamka Federaaliga ee dalka ka hana qaadaya, hase yeeshee maamul goboleedyada dalka ayaa arrimahaasi gaashaanka u daruuray, bacdamaa Madaxweynayaalka faraha badan mid kastaba iskiis uu isku maamulo isagoo isku arka inuu yahay dowlad ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.

Inkasta oo aan horay u aragnay ama dhegaheenu maqleen Madaxweyne goboleed oo leh "Ma aha arrin ay dadkeyga raalli ka yihiin ama iigu soo wakiisheen”, waxaana taasi daliil cad u ah Madaxweynaha Puntland C/Weli Gaas oo aakhirkii aqbalay nidaamka 4.5-ka in lagu soo doorto aqalka Baarlamaanka iyadoo waliba arrimaha layaabka noqotay ay ahayd in heshiiska Dowladda iyo maamulka Puntland damaanadqaado Dowladda Itoobiya oo mataleysa ururka IGAD.

Dhibaatada Soomaaliya uu u geystay nidaamka Federaalka ma aha wax halkaan lagu soo koobi karo, hase yeeshee cida mas’uuliyadda qaadeysa waa madaxda ugu sareysa dalka iyo kooxo shisheeye dullaaliin ah balse gashan shaarka wadamada caalamka oo doonaya inay sii dheereystaan mashruuca ay ku qabaan sii hurinta mushkiladda dalka Soomaaliya.

Bal eeg 25-sano kaddib heshiiskii doraad lagu saxiixay Villa Somalia, wuxuu qeexayaa in dalka aysan ka jiri karin dowlad dhexe, isla markaana Madaxweynayaal darajada ka siman balse aan isku tayo ahayn ay talo ka dhaxeyso, iyadoo Madaxweynaha dowladda dhexe aanay jirin awood uu dalka ku maamuli karo.

Shacabka Soomaaliyeed oo aan wax badan ka fahamsaneyn nidaamka Federaaliga ah ayaa khasab ka dhigay in Dowladda dhexe ee Federaalka ah boorar ku dhejiso waddooyinka Muqdisho ay ugu sharxeyso faa’iidooyinka uu leeyahay nidaamka Federaalka.

Dowlad hab beeleed ku dhisan oo laga asaasay gobolada dalka waxay horseedeen in daaqadda laga saaro ciidamada qalabka sida ee uu dalku leeyahay, kuwaasi oo iyagoo markii horeba ay heysteen duruufo dhinac kasta leh, aan helin mushaar joogto ah iyo daryeel in hadana nidaamka Federaaliga ah burbur xoog leh u geysto jiritaankooda, eeg shirkii wada tashiga maamul goboleedyada waxay dalbadeen in dib loo eego.

Arrimuhu si kastaba ha ahaadaane waxaaba intaas oo dhan ka sii daran in beelaha degan magaalada Muqdisho ay iyana qeyla dhaan ka soo yeerto, iyagoo isku qabqabsanaya cida Muqdisho xukunto iyo halka uu ku dambeynayo aayaheeda isla markaana beel kasta dooneyso inay ka dhex muuqato oo talada Muqdisho wax laga siiyo, iyadoo odayaasha beelaha Hawiye ayba daaha ka rogeen inay iyagu Muqdisho masiirkeeda leeyihiin beelaha kale ee Soomaaliyeed-na marti ku yihiin.

Marka la eego habka ay madaxda Soomaalida sheegayaan inay dalka ay uga dhaceyso doorasho xukuumad cusub sanadka 2016-ka ayaa isna noqonaya "Ka Daroo dibi dhal”, kaddib markii maamul goboleedyada awood loo siiyay inay soo xulaan Baarlamaanka, aqalka odayaashana lagu soo xulo qaab degaan.

Waxaa iska cad in xaalka Soomaaliya uu yahay "jugjug meeshaada joog” haddii uusan ka sii darin inta madaxda sandareertada ku qaata burburinta midnimada Soomaaliya iyo inay u adeegaan shisheeyaha nacabka ku ah dhismaha Dowlad awood leh oo maamusha dalka, taasina ay ku bedelaan burburka iyo baaba’a qaranimadii ay Soomaaliya ku caana maashay 25-sano kahor.

Waxaa Qoray: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)


jabriil37@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip