Madaxweynaha Maamulka Puntland oo dib ugu laabtay Magaalada Gaalkacyo, xilli uu ku sugnaa muddooyinkii dambe Magaalada Nairobi(SAWIRRO)

0
Saturday October 10, 2015 - 12:53:41 in Wararka by
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Puntland oo dib ugu laabtay Magaalada Gaalkacyo, xilli uu ku sugnaa muddooyinkii dambe Magaalada Nairobi(SAWIRRO)

    Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-10-2015 siweyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug , kadib markii uu ka soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-10-2015 siweyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug , kadib markii uu ka soo laabtay safar shaqo oo uu ku tagay Dalka Kenya. Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobalka Mudug , Maamulka Degmada Gaalkacyo, Waxgarad, Cuqaal, Dhalinyaro , Haween iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha iyo wefdigiisi si habsami leh ugu soo dhaweeyey Garoonka.

Soo dhaweyn kadib ayaa Madaxweynaha loo soo gudbiyey hoygiisa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana uu halkaasi kula hadlay Warbaahinta qeybaheeda kala duwan isagoona sharaxaad ka bixiyey safarkii shaqo ee uu ku tagay dalka Kenya.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in kulamo muhiim ah uu dalkaasi kula soo qaatay safiiro iyo madax sare oo katirsan beesha caalamka , waxaana uu kala soo hadlay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Puntland iyo arrimo kale oo muhiim ah .

‘’ Waxaan madaxdaasi kala soo hadlay sidii ay Puntland uga taageeri lahaayeen kaabayaasha dhaqaalaha Puntland , arrimaha bulshada iyo nabad-gelyada ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’ Sidoo kale waxaan la kulanay jaaliyadda Puntland, iyana wadanka ayaan uga waranay isbadalka wanaagsan ee ka socda , waxaana rajeyn in isbadalkaasi ka muuqdo hay’addo badan oo ay khusayso ‘’ Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

‘’ Waxaan aad ugu faraxsanahay colaadii ka taagneyd dhanka howdka in hadda meel fiican marayso , odayaashii howshaa galayna waan bogaadinayaa , mar kalana waxaan ku baaqayaa in Nabadda la adkeeyo ‘’ Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Puntland waxaa si dardar leh uga soconaya mashaariic badan kuwaasi oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, oo sanadba sanadka ka dambeeya sii kobcaya.

Gaas 1 Gaas 2 Gaas 3 Gaas 5 Gaas 6 Gaas 7 Gaas 8 Gaas 9 Gaas 10




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip