Ciidanka Yahuudda oo haweeney reer Falastiin ah ku dhex toogtay goob basaska laga raaco (SAWIRRO)

0
Saturday October 10, 2015 - 12:45:09 in Wararka by
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Yahuudda oo haweeney reer Falastiin ah ku dhex toogtay goob basaska laga raaco (SAWIRRO)

    Ciidanka Maamulka Yahuudda, ayaa haweeney reer Falastiin ahayd waxay ku dhex dileen goob basaska laga raaco, ka dib markii ay ku eedeeyen in mindi ku hubeysneyd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Maamulka Yahuudda, ayaa haweeney reer Falastiin ahayd waxay ku dhex dileen goob basaska laga raaco, ka dib markii ay ku eedeeyen in mindi ku hubeysneyd. Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Basaraa Zidan Taufik Abad, ayay Ciidanka Yahuudda rasaas la dhaceen, xilli gacmaheedu ay kor u taagnaayen. Laba askari oo Yahuudi ah, ayaa rasaasta la dhacay haweeneydaasi. Dhacdadan waxay Jimcihii ka dhacday Magaalada Afula.

Basaraa Zidan oo ahayd hooyada saddex carruur ah, ayaa waxay Master of Chemical Ingineering ka diyaarineysay Jaamacadda Prestigious Technion.

Magaalada Dimona, ayaa waxaa Jimcihii lagu xiray nin Falastiini ah, ka dib markii uu mindi ku dhaawacay wiil 16 jir oo Israeli ahaa iyo askari ka tirsan Booliska. Magaalada Jerusalem, ayaa sidoo kale lagu xiray wiil Falastiini ah, oo mindi ku dhaawacay wiil 14 jir Israeli ah.

Laamaha ammaanka Israel, ayaa sheegay inay soo badanayan dadka Falastiiniyiinta ee mindiyaha ku hubeysan, isla-markaana beegsanaya dadkooda, waxayna ku hanjabeen in ciqaab adag wejihi doonaan kuwaasi.

Qalalaasaha ka taagan Daanta Galbeed iyo Bariga Magaalada Jerusalem, ayaa Jimcihii ku fiday Magaalada Gaza, xilli ay hareereyen Ciidanka Israel.

Isku dhacyo shalay dhex maray shacabka reer Gaza iyo Ciidanka Israel, ayaa waxaa lagu sheegay inay ku dhimatay lix qof oo reer Gaza ah, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay.

Warbaahinta Caalamka, ayaa wax ka qortay in baqdin weyn la soo deristay dadka Yahuudda, ka gadaal markii ay soo bateen weerarada la sheegay inay kaga imanayan dadka mindiyaha hubeysan.

Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa toddobaadkan ka baaqday safar uu ugu amba bixi lahaa dalka Jarmalka, sababo ku aadan qalalaasaha u dhaxeeya Falastiin iyo Israel. Netanyahu waxa uu Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Israel, uu ka mamnuucay in la booqdo Bariga Qudus, si looga hortaggo rabshado waaweyn oo dhaca.

Falastiin Falastiin1 Falastiin2 Falastiin3Falastiin4 Falastiin5 Falastiin6 Falastiin7Falastiin8 Falastiin9 Falastiin91 TOPSHOTS-ISRAEL-PALESTINIANCONFLICT-ATTACKFalastiin93 Falastiin94 Falastiin95




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip