Midowga Yurub oo ka Dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay joojiso Ciqaabta Dilka

0
Saturday October 10, 2015 - 11:51:18 in Wararka by
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub oo ka Dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay joojiso Ciqaabta Dilka

    Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay inaanay marna raalli ka ahayn ayna ka soo hor-jeedo ciqaabta dilka ah oo dhan, iyadoo ciqaabta dilalka ah ay ka dhigan tahay ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha iyo sharaftiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay inaanay marna raalli ka ahayn ayna ka soo hor-jeedo ciqaabta dilka ah oo dhan, iyadoo ciqaabta dilalka ah ay ka dhigan tahay ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha iyo sharaftiisa.

Midowga Yurub ayaa intaas ku daray inaan loo baahnayn in dil toogasho lagu fuliyo dadka dambiyada kala duwan gala; iyagoo xusay in joojinta dilalka toogashada ah ay kaalinta 1-aad kaga jirto ahmiyadaha Midowga Yurub.











Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia [UNSOM] ayaa diiwaan-geliyay 2015-ka oo keliya dilalka 29-qof oo ay fulisay maxkamadda millateriga. Iyadoo Midowga Yurub ay ku boorriyeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya inay ka fogaadaan isticmaalka maxkamadaha ciidamada in lagu qaado kiisaska rayidka ah.

Sidoo kale, Midowga Yurub wuxuu dalbaday in nidaamka xuquuq-dhowrka leh si buuxda loogu hoggaansamo; iyadoo nidaamka saxda ah ee rafcaanka ahna la meel mariyo.


Midowga Yurub waxay ugu baaqaysaa dhamaan maamulada ka dhisan Soomaaliya inay si deg-deg ah u joojiyan

xukunka dilka ah oo ay hir-geliyaan sharciga ku habboon arrintaas; kaasoo ujeeddadiisu tahay in la baabiiyo xukunka dilka ah.

Waan la soconaa in Soomaaliya ay ka go’an tahay sida ku cad heshiiskii ugu dambeeyay (2011-kii) ama Universal Period Review (2011-kii) oo lagu heshiiyay sida ay u hakin lahayd adeegsiga ciqaabta dilka iyo sidoo kale inay ka codaysay kal-fadhiga 69-aad ee golaha Qaramada Midoobay (2014-ka).

Ugu dambeyn, Ururka Midowga Yurub ayaa xusay inay diyaar u yihiin sidii ugala shaqayn lahaa madaxda Soomaaliyeed arrinkan; ayna taageersan yihiin sidii ay u dhisan lahayd nidaam garsoor oo casri ah oo baahida bulshada Soomaaliyeed buuxiya; isagoo dhowraya xuquuqda aadanaha ee caalimiga ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip