Kenya oo si damaanad ah ku sii deysay Wadaado ku xirnaa Magaalada Mandheera

0
Saturday October 10, 2015 - 11:08:34 in Wararka by
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo si damaanad ah ku sii deysay Wadaado ku xirnaa Magaalada Mandheera

    Booliska Magaalada Mandheera qaybta la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, ayaa si damaanad ah ku sii daayay 8 ka mid ah 12 wadaad oo lagu eedeeyay inay dhalinyarada Gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan Magaalada Mandheera ay xaqjireeyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Magaalada Mandheera qaybta la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, ayaa si damaanad ah ku sii daayay 8 ka mid ah 12 wadaad oo lagu eedeeyay inay dhalinyarada Gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan Magaalada Mandheera ay xaqjireeyaan. Ciidamada Booliska ayaa Wadaadadan waxa ay ka soo dhex qabteen gudaha Magaalada Mandheere, waxa ayna dhigeen xabsiga, iyadoo muddo baaris ay ku socotay.

Waxaa suuragashay dadaal badan oo ay sameeyeen dadka Magaalada Mandheere iyo ehelada wadaadadan inay fududeysay in si damaanad ah lagu sii daayo 8 ka mid ah 12-ka wadaad ee ciidamada la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ay xireen.

Sideeda wadaad ee la sii daayay ayaa lagu amray in labadii isbuuc mar iska soo xaadiriyaan xafiiska argagixiso la dirirka ee Magaalada Mandheera halka 4-ta kale lagu sii haayo xabsiga ilaa Booliska baaritaanada ay ka soo afjarayaan.

Magaalada Mandheera waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ay ka dhacaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka oo ay geystaan Ururka Al Shabaab.

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa tacadi kala duwan u geysta dad aanan raad ku laheyn Ururka Al Shabaab, xilli ciidanka ay raadinayaan dad taageera Shabaab oo ku sugan Magaalada Mandheera.

Dowladda Kenya ayaa qaati ka taagan ammaanka Magaalooyinka ay maamusho, gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari oo si joogto ah falal lidi ku ah dhanka ammaanka ay uga dhacaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip