Ruushka iyo Mareykanka oo ka wada hadlaya sidii aanay isugu dhici laheyn

0
Saturday October 10, 2015 - 11:02:07 in Wararka by
  • Visits: 734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka iyo Mareykanka oo ka wada hadlaya sidii aanay isugu dhici laheyn

    Ruushka iyo Mareykanka ayaa dib u bilaabaya wada hadalada ku saabsan sidii aanay labada dal isugu dhicin, marka ay sameynayaan duqeymaha cirka ay ka wadaan Ruushka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruushka iyo Mareykanka ayaa dib u bilaabaya wada hadalada ku saabsan sidii aanay labada dal isugu dhicin, marka ay sameynayaan duqeymaha cirka ay ka wadaan Ruushka.

Mareykanka ayaa kol hore walaac ka muujiyay in isku dhac uu ka dhasho xilliyada ay socdaan duqeymaha, kadib markii Ruushka uu bilaabay duqeymo uu ka fulinayo gudaha Suuriya.

Sarkaal u hadlay Waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay in wada hadalada ay bilaabanayaan dhamaadka todobaadka.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu joojinayo weerarka ay ku hayaan kooxda Daacish ee dalka Suuriya, iyadoo arrintan loo sababeeyay inuu guuldareystay istiraatiijiyadii dagaalka Daacish.

Ruushka ayaa lagu eedeeyay inuu wali beegsanayo kooxaha ka soo horjeeda dowladda Suuriya ee taageerada ka hela reer Galbeedka.

Daacish ayaa la sheegay inay fursad ka heshay duqeymaha Ruushka ku bartilmaameedsanayo kooxaha mucaaradka, taasna ay keentay inay qabsadaan dhul cusub.

Dhinaca kale Mareykanka ayaa joojiyay qorshe uu ku tababari lahaa illaa 15 kun oo askari kooxaha mucaaradka ah, si ay ula dagaalamaan Daacish iyo dowladda Bashar Al-Assad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip