WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 10-KA OKTOOBAR 2015-KA

0
Saturday October 10, 2015 - 10:26:05 in Wararka by
  • Visits: 1457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 10-KA OKTOOBAR 2015-KA

    XULKA KUBBADA CAGTA NIGER OO 2-0 UGA BADIYAY XULKA SOOMAALIYA Xulka kubadda cagta Soomaaliya, ayaa 2-0 looga adkaaday cayaar ka tirsan is-reeb reebka koobka adduunka oo ay Ad dis Ababa kula ciyaareen xulka kubba dda cagta ee Niger.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XULKA KUBBADA CAGTA NIGER OO 2-0 UGA BADIYAY XULKA SOOMAALIYA Xulka kubadda cagta Soomaaliya, ayaa 2-0 looga adkaaday cayaar ka tirsan is-reeb reebka koobka adduunka oo ay Ad dis Ababa kula ciyaareen xulka kubba dda cagta ee Niger. Qeybta hore ee cayaarta, ayaa waxay ku soo idlaatay bar-baro gool la’aan ah, hasa yeeshee Moussa Maazou oo Niger u cayaara, ayaa Soomaaliya ka dhaliyay daqiiqadihii 58-aad iyo 61-aad laba gool oo deg deg ah.

Xulka kubbada cagta Soomaaliya ayaa iska qasaariyay fursado badan oo ay goolal ku dhalin karayeen, hase yeeshee xulka Niger ayaa ka faa’ideystay fursadihii ay heleen.

Lugta labaad, ayaa lagu dheeli doona waddanka Niger 13-ka bishan October, waxana labada waddan kii soo gudba wareegga xiga uu la ciyaari doonaa xulka Cameroon.Cayaarahan ayay qeyb ka yihiin is reeb reebka koobka adduunka ee sanadka 2018-ka lagu qaban doono Ruush ka.

DR. AXMED CALI DAHIR "WAA IN LA XIRAA CIDII BIXIN WEYSO CANSHUURAHA GURYAHA”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axm ed Cali Dahir ayaa amar ku bixiyay in la xiro cidii bixin weyso canshuuraha gur yaha, ka dib markii uu Habeen hore ka qe yb galay Munaasabad ka dhacday degma da Dharkeenley.

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in muwaadin kasta ay waajib ku tahay inuu bixiyo canshuur, waxaana uu xusay in Xa fiiska Xeer Ilaalinta la soo gaarsiiyo cidii bixin weyso.

"Waa in dowladda Hoose lagala shaqee yaa sidii loo qaadi lahaa canshuuraha gur yaha, cidii amarkaas u hogaansami weyso hala xiro, waana waajib qaran, oo in dalka dib loo dhisaa, bilicdii caasimadana la soo celiyaa”ayuu yiri Dr. Axmed Cali Dahir.

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in bixi nta canshuuraha guryaha (Property Tax) ay tahay canshuur adduunka oo dhan laga bixiyo, waxaana uu tilmaamay in canshuurtaas lagu dhiso sida Laamiy ada, Iskuulada iyo arrimo kale oo bulsha da wax u taraya sida uu yiri

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay inay bilaabatay qaadista ca nshuurta guryaha ee Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in la dhameystiray hana anka (systemka) iyo tariifadii lagu qaadi la haa canshuurta taasoo ah mid ay shacab ku wada arki karaan ahna mid hufan.

Mr Muungaab ayaa xusay in lacagta ca nshuuraha Guryaha ee sanadkaan lagu dhisi doono wadada halbowlaha u ah isu socodka Caasimadda ee loo yaqaano Wadada Wadnaha, taasoo bur bur aad u weyn ka muuqata.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hora anta bisha November ee sanadkan uu wa dadaas dhagax dhigi doono Madaxweya nah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamu ud.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mu ddooyinkii u dambeeyay waday qorshe lac ago canshuuro looga qaadayo guryaha ku yaala degmooyinka, iyadoo xilligii dowla ddii hore guryaha la canshuuri jiray sanad kasta, lacagahaasna ay dib ugu noqon jir tay shacabka, sida waxbarasho lacag la’ aan ah, caafimaad lacag la’aan iyo adeeg yo kale oo muhiim ah.

SHIRKII GOLAHA WASIIRADA SOMALIYA EE KHAMIISTA DORRAAD

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Dorraad yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, wax aana kulankan shir guddoominayay Ra’ii sul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxam ed Cumar Carteh, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Siyaasada Dowladda ee Naafada Qaranka, qorshe ku aadan horumarinta dalxiiska oo ay soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta iyo Da lxiiska iyo qodobo kale.

Kulanka ayaa ugu horeyntii waxaa looga dooday warbixin la xiriirta qaab siyaasad eedka Naafada Qaranka, waxaana shara xay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha C/wali Ibraahim Muudey, isaga oo xusay in qorshahan ay ku howlaneed Wasaarad du in muddo ah, ayna la kaashadeen dad khubaro ah, si loo helo siyaasad dhamey stiran oo ku aadan naafada Qaranka.

"Qorshahan waxaan ugu talo galnay in aan ku illaalino xaquuqda dadka Naafada ah, isla markaana loogu helo daryeelko oda, waana qorshe ay Wasaaraddu si ga ar ah isaga xil saartay diyaarintiisa” ayuu yiri Wasiirka Shaqada oo ka hadlayay shirka golaha Wasiirada.

Golaha Wasiirada ayaa cod buuxa ku meel mariyay qorshahan, waxaana ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh oo shirka guddoominayay uu ku adkeeyey mas’uuliyiinta Wasaarad da Shaqada inay ka shaqeeyaan sidii dad ka Naafada ah ay u heli lahaayeen xaqu uq dhameystiran oo la mid ah mida dadka caadiga ah, sidoo kalena ay dadka Naaf ada ah helaan fursadaha shaqo ee hay’a ddaha dowladda iyo weliba shirkaddaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Ma xamed Cabdi Xayir ayaa golaha Wasiira da sharaxaad dheer ka siiyay maalinta Dalxiiska caalamka oo ku beegneyd Sept ember 27.2015, isaga oo xusay in loo baa han yahay in la horumariyo siyaasada dal xiiska ee dowladda, maadaama ay dowl addaha caalamku ku xiran yihiin dhaqaala hooda dalxiiska.

XILDHIBAAN AADAN MADOOBE OO UGU BAA QAY XILDHIBAANADA INAY TANAASUL KA MUUJIYAAN ARINTA MOOSHINKA

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inay isku tanaasulaan si xal loogu helo dhibaatada ka taagan Muranka Moosh inka ka dhanka ah Madaxweynaha Soo malaiya.

Dorraad ayaa lagu waday in la isugu yima ado Kulan uu horay Guddoomiyaha Baarl amaanka Soomaaliya u iclaamiyay, kaasi oo lagu xalin lahaa Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somaliya Xasan Sh.Maxamuud, hayeeshe kulankaasi ayaa baaqday. Xildhibaan Aadan Madoobe, wa xa uu sheegayaa si xal loo helo inay muhi im tahay labada garab ee Xildhibaanada inay muujiyaan tanaasul ku aadan wax yaabaha ay isaga soo horjeedaan.

"Xildhibaanada waxaan leeyahay isku ta naasula, oo wax walba miiska wada hada lka ku dhameeya, waxaa inoo yaalla shaq ooyin badan aan xil iska saarno qabsoom idda kulamada baarlamaanka dibna aan u eegno marxaladda uu dalka ku jiro” ayuu yiri xildhibaanka.

Waxa uu sheegay xildhibaanka inay muhiim tahay in la’isku tanaasulo, isla ma rkaana wax walba oo la kala tabanayo la gu xalliyo wada hadal, meeshana laga sa aro is faham waa.

"Xildhibaanada waxay leeyihiin annaga wada hadal waanba ogoleene muxuu gud oomiyaha u leeyahay waa laga gudbay mooshinka, gudoomiyaha isna waxa uu leeyahay hadalka ayeey si kale u fahme en mooyee ee waxaan ka waday in wada hadal loo gudbay” ayuu yiri Aadan Mado obe.

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si cad u sheegay inays an ka qaybgaleyn kulanka wada xaajood ka Mooshinka ee lagu wado inay isugu yi maadaan Xildhibaanada Mooshinka kee nay iyo Madaxweynaha.

ROOBABKA EL NINO OO BISHAN KU SOO WAJAHAN SOMALIYA IYO HALISTA UU LEE YAHAY

Roobabka El Nino ayaa laga cabsi qa baa inay si weyn wax yeello u soo gaarsiiy aan Soomaaliya inta u dhaxaysa October iyo December ee sanadkan.

Cabsi la qabo ayaa ah in roobabkan ay fataahaad dhaliyaan gaar ahaan goboll ada ay maraan labada wabi ee Jubba iyo Shabelle. Isku tagga ururada aan dawliga ahayn ee Soomaaliya ayaa Dorraad soo saaray war saxaafdeed ay kaga digeen in khasaaraha ka dhasha fatahaadaasi ay sii xumayn karto xaaladda nololeed ee dadka dhibaatadu haysato

War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in dad tiradooda lagu qiyaasay 500 ilaa iyo 900 oo kun oo ka mid ah dadka hareeraha wabiyada ku nool ay waxyeeladu saama yn karto.

Qaramada Midoobay ayaa hore u she egtay in Elniinaha sanadkan uu la mid no qon karo kii ugu xumaa ee sanadahan da mbe soo maray Somalia oo dhacay tod obaiyo sagaashankii El Nino.

Muungaab:- "Bixiya Canshuuraha Guryaha Si Loo dhisoJidka Wadnaha”

Xaflad Si heer sare ah loo soo agaasi may ayaa habeen horeLagu Qabtay deg mada Dharkeynleey ee gobolka banaadir taas oo ujeedkeedu ahaa in la bixiyo Ca nshuuraha Guryaha si loo dhiso Jidka Wadnaha ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha G/banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Jeneral Xasan Ma xamed Xuseen”Muungaab” ayaa habeen hore Ku dhawaaqay In ay Bilaabatay Bixi nta Canshuuraha Guryaha loogana baaha nyahay dhamaan Gudoomiyeyaasha Degmooyinka G/banaadir in Fuliyaan .

"Waa in la Bixiyaa Canshuuraha Gury aha waxaana Ku dhisaynaa Jidka wadn aha Waxaan Ogolnahay In Nalagula Xisaabtamo Lacagtaas waa lagu Shubaya Acc.Banki Dhexe oo ah 1007 Hadii Ilaah Idmo waxaan jidka Wadnaha Madaxweyn aha Jamhuuriyadu Dhagax Dhigi Doonaa Gudaha Bisha October, 2015” Ayuu Yiri Guddoomiye Muungaab.

Sidoo kale Dhamaan Gudoomiyeyaa sha degmooyinka, Ciidanka ilaalinta dega anka,Ciidamada Booliska iyo Nabad Su gida G/banadir Waxaa la farayaa In ay la shaqeeyaan Ciidanka ilaalinta deegaanka oo qaadaya Canshuurta Guryaha Cidii Di ida in ay Bixiso canshuuraha guryaha Wa an In laga Soo Siibo( Laga soo Fujiyo) Alb aabka Guriga Sidii ay Ahaan Jirtay baris amaadkii oo la geeya Degmada.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka soo maaliyeed ayaa sidaas si Lamid u shee gay in ay waajib tahay in la bixyo Cansh uuraha Guryaha( Property Tax) waa ca nshuur laga bixiyo Aduunka oo dhan wax aa lagu dhisaa Laamiyada iyo iskoolada dhammaan hey’adaha Amaanka waxaan farayaa in D/Hoose kala shaqeeyaan Sidii loo qaadi lahaa canshuurtaas Shacab kuna wxay Xaq u leeyihiin In Ay nagula Xisaabtaman.

GudoomiyahaDegmada dharkeynley Cumar mayre Mocow oo ahaa Gudoomiya ha habeen hore Martida Loo ahaa ayaa Sheegay In ay degmadiisu Ugu Horeyn Doonto Bixinta canshuuraha Guryaha Dha mmaan shacabka Degan oo ugu Baaqayo in ay Noqdaan degmada Bixinta Bilowda.

Ugu dambeytii Gudoomiyaha G/banaa dir Ahan Duqa magaaladda Muqdsho Jen eral Muungaaboo xaflada soo Xiray ayaa sheegay in canshuuraha Guryaha laga qa adayo aan loo Isticmaali doonin Waxaan aheyn In lagu dhiso Jidka Wadanaha da dweynaha Soomaliyeedna Wuxuu Ugu ba aqay Maadaama ay ka qeyb qaateen dhis mihii Aqalka Dowladda hoose oo Lagu Dhi say Mashruucii dalkaaga dhiso Haatana aan rabno In aan Ku dhisno wadada Wad naha oo halbowle u ah isku Socdka Caasi madda Soomaliya. "Dhamaad”

WAR SAXAFADED XAFISKA MIDOWGA YURUB KU AADDAN MAALINTA ADDUUN KA/YUR UB EE LAGAGA SOO HORJEEDO CIQAABTA DILKA.

Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaal iya ayaa soo saaray war saxaafadeedkan oo ay ku raacsan yihiin madaxda safaarad ah a Midowga Yurub ee Soomaaliya. Nay roobi, Oktoobar 10, 2015

Midowga Yurub ayaa xaqiijineysa in aanay marnaba raali ka ahayn ayna ka soo horjeedo ciqaabka dilka lagu fuliyo kii saska oo dhan iyo xaaladaha oo dhan. Ci qaabta dilalka waxay ka dhigan tahay ku xadgudub halis ah ee xuquuqda Aadana ha iyo sharaftiisa aadaminnimo haddaba waa in an lagufulinin dambi kasta. Joojinta ciqaabta dilka mudnaan koowaad ayay u leedahay Midowga Yurub.

Sanadkan 2015ka, Hay'adda Qaram ada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOM, ayaa diiwaan gelisay dil ugu yaraan 29 qof oo ay mas'uuliyiin Soomaaliyeed fuliye en. Inta badan dilalkaas waxaa fuliyay maxkamadda milateriga ah. Waxaan si xo og leh ku boorinaynaa mas'uuliyiinta Soo maaliyeed in ay ka fogaadaan isticmaalka Maxkamadaha Ciidamadu inay kiisaska dadka rayidka xukumaan iyo inay hubiy aan in nidaamka xuquuq dhowrka leh si buuxda loogu hoggaansamo iyadoo nida amka saxda ah ee rafcaanka ahna la me el mariyo.

Midowga Yurub waxay ugu baaqaysaa dhamaan Maamuladda ka Dhisan Sooma aliya in ay si deg deg ah u joojiyan xukun ka dilka ah oo ay hirgeliyaan sherciga ku habboon arintas kaas oo ujeedadiisu tah ay in la baabiiyo xukunka Dilka ah. Waan la soconaa in Soomaaliya ay ka go'an tah ay sida ku cad heshiiski ugu dambeeyay (2011) ama Universal Period Review (20 11), oo lagu heshiyey sida ay u hakin lah ayd adeegsiga ciqaabta Dilka iyo sidoo ka le in ay ka codaysay kalfadhiga 69aad ee Golaha Qaramada Midoobay (2014) iy adoo raacsan heshiiskii 69/186 liddiga ku ahaa isticmaalka ciqaab Dilka. Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay sidii u kala shaqaynlahaa madaxda Soomaaliyeed ari nkan. Midowga Yurub waxay ku taageer taa Soomaaliya sidii ay dhisanlahayd nid aam garsoor oo casri ah oo wax ku ool leh oo baahidda bulshada Soomaaliyeed buu xiya isagoo dhowraya xuquuqda aadan aha ee caalimiga ah. DHAMAAD.

QM OO DAWLAD LOO DHAN YAHAY U DHISAY SA DALKA LIIBYA.

Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha wa ddanka Libya Bernardino Leon in dawlad midnimo qaran ah loo dhisyo wadanka Li bya taasoo lagu dhamaynayo colaada wa dankaasi ka taagan.

Bernardino-Leon-3Bernardino-Leon-3

Bernardino Leon waxaa uu sheegay in mar uu saxaafadda kula hadlayay dalka Morocco in dhinacyada siyaasadda ee is haya ay ugu dambeyn ogaaladeen inay dhistaan dawlad ay u dhan yihiin waxaana uu intaa ku daray in R/wasaaraha waddan ka uu noqon doono ninka la yiraahdo Fayez Sarraj oo ka tirsan kooxda hubey san ee haysata magaalada caasimada ah ee Tripoli.

Wakiilkaan waxaa uu sidoo kale ku dhawaaqay in R/wasaaruhu yeelan doono Sadex ku xigeeno iyo wakiilo dawlada ugu jira dhamaan dhinacyada siyaasadda dal ka Libya. Xubin ka tirsan golaha qaranka dalka Libya oo la yiraahdo C/salaam Bilaashaxir ayaa u sheegay inay aqoonsan doonin he shiiskaan iyo waxa kasoo baxay oo uu ku tilmaamay inay hal dhinac wataan.

Sidoo kale madaxa golaha wakiilada dalka Libya Ibraahim Al-Zakhiyaat oo iya gana ku shaqeeya magaalada Tabruuk ay aa heshiiskaas ku tilmaamay wax lagu qo slo.Dalka Libya tan iyo markii ay dhacday dawladii Ghadafi sanadkii 2011 waxaa uu lugaha la galay xaalad kacsan oo fawdo ah.

DOWLADDA MARAYKANKA OO HUBEYNAYA CIIDAMADA AMISOM SI AY AL-SHABAB ULA DAGAALAMAAN.

Waaxda difaaca dalka Maraykanka ay aa sheegtay inay hubeynayso ciidamada midawga Africa ee AMISOM ee Soomaal iya kula dagaalamaya Xarakadda Al-Shab ab. BU-Aviation-Case-U.S.-Department-of-Defense1-580x275

War ay waaxda Pentagon,ka Marayk anka ka soo baxay ayaa waxaa lagu shee gay in ciidamada AMISOM ay siinayaan hub ay ku sii wadaan howlgalka ay Soo maaliya ka wadaan ee ka dhanka ah Xara kadda Al-Shabab.

Sargaal u hadlay dawlada Maraykanka ayaa sheegay in qorshahaan oo ka mid ah dadaalka Maraykanku ku taagerayo na bad soo celinta Soomaaliya inay ugu talo galeen in ciidamada AMISOM ay heli do onaan hub ay ku awoodaan inay Al-Shab ab uga saaraan dhulka ay hadda Soomaa liya uga sugan yihiin hase ahaatee ma sheegin sargaalkaan nooca hub ee ay bixinayaan.

Sargaalkaan waxaa uu sheegay inay si doo kale hub ka iibinayaan dawladaha Afr ika ee ciidamadu Soomaaliya ka joogaan si ay iska difaacaan dagaalamayaasha Al-Shabab ee dalalkaasi weerara.

Maraykanku waxaa uu ka mid yahay wa damada sida weyn u taageeraa howlgalka AMISOM iyo dawlada Soomaaliya.

GANTAALO LAGA RIDAY MARKAB DAGAAL OO RUSHKU LEEYAHAY OO KU DHACAY DALKA IRAN.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan isbahaysiga NATO illaa 4 gantaal oo laga soo riday markab dagaal oo Rushku lee yahay oo loo waday dalka Syria ayaa ku dhacay magaalooyin ku yaala dalka Iran.

Saraakiil NATO ka tirsan waxaa ay xuseen in gantaalahaas oo ka weekday bartilmaameedkoodii ay u gudbeen dhan ka dalka Iran .

Lama oga khasaaraha ay gantaalaha asi geysteen illa a iyo hadda.

Dawladaha Iran iyo Rushku mi dna arri ntaan kama hadlin. Ar bacadii dawla du Rushku wax ay sheegtay in 26 gantaal oo la ga riday markab dagaal oo u taagan bad da Caspian, ka ay la bartilmaansadeen xarumo ururka Daacish ku leeyahay dalka Syria.

MUSHAAR LA’AANTA CIIDAMMADA DOWLADDA SOMAALIYA OO HALIS KU AH XASILOONIDA DALKA

Wakaaladda wararka Reuters oo heshey warbixin ay arrimaha Soomaaliya ka qortey hay’ada QM u qaabilsan cunaqabataynta hubka ee dalalka Eretria iyo Soomaaliya ayaa lagu sheegay in awood darida Soomaaliya ka heysato in ay bixiso mushaaraadka askartooda ama xataa ay siiso cuno waxa ay khatar galisey oo ay wax kama jiraan ka soo qaaday sanado badan oo howl adag ay ku jireen iyo guulihii ay ka soo hooyeen dagaalka ay kula jire en Al-Shabaab.

Labadii bil ee la soo dhaafey ayey warbixintu sheegtey in maleeshiyadka ku xiran Alqaacida ee Alshabaab ay u suurta gash ey inay qabsadaan xerooyin ay degenaayeen ciidamda nabad ila alinta, iyagoo dibna u qabsadey dhowr magaalo oo yaryar oo ay ka soo baxeen ciidamada dowladda oo ku yaalla gobolka Sh/ Hoose. Iyadoo aysan qofna fileyn in kooxda Alshabab ay dib u qabsado dhulkii hore ay uga saareen ciidamada Midowga Africa iyo kuwa Soomaaliya, ayaa waxaa hadda jirta cabsi laga qabo in dadaallo sanado socdey oo la doonayey in dib loogu habeeyo ciidamda ay meel cidlo ah ku soo dhaaan iyadoo askarta qaar ay ciidamada isaga tagayaan, qaar ay Isbaarooyin dhiganayaan, qa ar kale ay laaluush qadaanayaan, halka ay jiraan kuwo kale oo iyagana aaanan niyad u heyn in ay dagaalamaan.

Mushaar la’aanta ciidamada ee lixda bilood soo jiitameysay, ayaa waxa ay sii xumeysey xiriirka dowladda iyo deeq bixiyay aasha caalamiga ah sida Mareykanka iyo wadamada Yurub, ku waasoo balaayiin doolar ku maal galiyey in Soomaaliya lagu nabadeeyo, islamarkaana lagu xidido siibo xagjiriinta ku sii fid aya Geeska Africa.

"Inaad xukuntu ciidamo aan mushaar la siin waa dhibaato, waayo amaradaadu waxa ay ku dhacayaan dhago owdan” ayuu yiri Colonel Farah oo ka mida taliyayaasha milatariga koofurta Soomaaliya, isaga oo sheegey in askar badan oo aan mushaar qaadan ay isbaarooyin dhigteen wadooyinka iyagoo ku qal qal iya lacagana uga qaata dadka rayidka ah.

"Uma wadi kartid furumaha dagaalka , waayo waxa ay ku we ydiinayaan maxaan u dhimaneynaa?” ayuu yiri Colonel Farah oo la hadlaayey wakaalada wararka ee Reuters.

Reuters oo sida ay qortey aragtey nuqul ka mida warbixin ay soo wado Monitoring Group ayaa waxa ay xuseysaa in warbixin taasi ay sheegeyso in musuqu yahay hal sabab oo aanan musha aradka loo bixin. Warbixinta Monitoring Group ayaa ku eedeysey taliyayaasha militariga in ay si been abuur ah u kordhiyaan tiroo yinka ciidamada iyo iyadoo lagu takrifaley mushaaraadkii ciida mada loogu tala galey. Warbixintan ayaa loo qeybiyey golaha guud ee ammaanka la mana daabici doono ilaa iyo inta ay dhammaan xubnaha golaha ka eegayaan.

Soomaaliya waxa ay baari doontaa eedaha lagu soo gudbiyey warbixinta QM ayuu sheegey Abdisalam Caato oo ah afhayeen ka dowladda, isagoo intaas raaciyey in daryeelka ciidamda ay tahay muhiimada koowaad ee dowladda.

Soo xoogeysashada Alshabaab waxa ay walaac iyo cabsiba galineysaa waddamada dariska la ah Soomaaliya sida Kenya oo kale, oo ay kooxdu ku dishey boqolaal qof weeraro baahsan oo ay ku qaadeen, iyagoo Kenya ku ciqaabaya ciidamdii ay u direen Soomaaliya. "Bixinta mushaaraadka ciidamada waa mid ka mid ah qod obada ugu waaweyn ee aanu kala hadalno dowladda” Sidaasi waxaa yiri diblomaasi reer galbeed ah oo la hadley wakaaladda wararka ee Reuters, Isagoo intaas raaciyey in wakiilo kala duw an ay arrintaas kala hadleen madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud isagoo yiri "dhammaanteen arrintan si dhab ah ayaanu uga walaacsannahay”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii hore baddaley taliyi hii ciidamada isagoo ku dhawaaqey barnaamij ballaaran oo dib loogu habeynayo hey’adaha ammaanka wacadna ku marey in jiritaanka ciidamada qalabka sida ay noqon doonto muhiimadiisa koowaad. Waxaa kale oo uu madaxweynuhu carabka ku dhuft ey in mushaar bixin toos ah ama electronic ah loo sammeyn do ono ciidamda si looga fogaado in la lunsado malaayiin doolar.

Warbixinta Mintoring Group, oo ay aragtey wakaalada warar ka ee Reuters ayaa lagu xusey in madaxda saree e ciidamda ay aad sare ugu qaadaan tirada ciidamda si lacago badan loogu lu nsado, tiradaasoo ah mid aan jirin.

Monitoring Group, ayaa warbixinteeda ku sheegtey in "Dhowr dhacdo ayaa muujiyey qataraha si xun u maamulka dhaqaalaha iyo qataraha maanka ee arrintaas ka iman kara taasoo saam eyneysa ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya taasoo ka mu gweyn oo kali ah musuq ka dhex jira hay’adaha ammaanka dow lada federaalka”.

Warbixinta ayaa xustey in xadka ama heerka musuq maasu qa iyo xorriyada fara laga qaadka ah ee masuuliyiinta ciidamada qaranka ay dhaawacdey kalsoonidii deeq bixiyayaasha ay ku qabeen dowladda.

Dahir Adan Elmi, oo dhawaan laga badeley xilkiisii taliyaha ciidamda ayaa sheegey in eedeymaha QM ay yihiin mid aan raad alheyn isagoo sababta mushaar la’aanta keenteyna ku she egey dhaqaalihii dowladda usoo xaroon jirey oo hoos u dhacay balse aysan ahayn musuq.

Ra’iisul wasaare Sharrmarke ayaa u sheegey wakaalada war arkaee Reuters in guulaha Alshabab ee qeyba ka mid ah Shab eellaha Hoose ay leedahay uun saameyn yar.

Mar ay Reuters weydiisey mushaar bixin la’aanta ciidamda ayuu sheegey ra’iisul wasaraha in dowladiisu ay xoogga saarey so sidii ay meesha uga saari laheyd tirooyinka been abuurka ah ee ciidamada si loo helo tirada rasmiga ah ee ciidamada.

Dhanka kalena saraakiisha ciidamada qaar ka mida AMISOM ayaa qatar ka muujiyey ciidamada aan mushaarka qaadan ee ka bar bar dagaalamaya.

Deeq bixiyayaasha ayaa rajeynaayey in ka dib markii la wiiq ey Ashabaab gaar ahaana koofurta Soomaaliya in ciidamda Soo maalida ay la wareegi doonaan ammaanka meelaha ka baxsan magaalooyinka.

Stig Jarle Hansen, oo ah qabiir Jaamacada NMBU ee dalka Norway wax ka dhiga, ayaa sheegey in aysan Alshabab marna aysan tir tirmi doonin haddii aanan la sugin ammaanka meelaha miyiga ah taana waa inay Soomaalida lafteeda sameeyaan.

Barnaamij la doonaayey in la isugu dhafo ciidamada qabaa’ ilka loogana mid dhigo ciidamada xooga dalka ayaa u muuqda mid gabi ahaanba bur buraya, barnaamijkan ayaa ka socdey ma gaalada Kismaayo. Sida ay sheegeen waxgaradka qabaa’ilada deegaankaas boqolaal dagaal yahano ah ayaa isaga tegey askarta ka dib markii ay dowladdu bixin weydey mushaarkoodii.

Mid ka mida la taliyayaasha reer galbeedka ee dhanka am maanka yaa sheegey in labadii todobaad ee ugu danbeysey ay 1500 oo askar ah xareysneyd ay hadda ka joogaan 800 oo kal iya, iyagoo taana ku bedeshey isbaarooyin sharci darro ah.

Kooxd QM ayaa sheegtay in sixitaan lagu sameeyo dhaqaal aha ciidamada ay tahay mid halbowle u ah in la adkeeyo guulihii horey loo gaarey, si looga fogaado bur bur ku yimaada ciidamad an ka dib marka ay AMISOM ka baxdo Soomaaliya. Balse dhismaha niyada askarta sida Hassan Osman waa ay adkaan doontaa haddii aanan lagu caawin in ay reerahooda biilkooda bixiyaan.

Hassan oo sawirayey caqabadaha heysta ayaa sheegey in aadan faraxsanan karin, iyadoo dhinac ay kaala dagaalamayan Shaabab, dhanka kalana ay xaaskaagi ku weydiisaneyso warq adii furiinka. VOA

GUDDOOMIYE JAWAARI "WADAHADALLADA MOOSHINKA WEEY BILAABANAYAAN SHALAY”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaa lka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh. Cusmaan "Jawaari” ayaa sheegay in ma anta uu bilaaban doono wadahadalka ku saabsan arrimaha mooshinkii 12ka Augu st ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaan ka soo gudbiyeen.

Md Jawaari yaa sheegay in maalinnim ada shalay oo sabti taariikhduna ku bee gan tahay 10ka October 2015, saacadda 11:00ka barqanimo uu si rasmi ah u bil aaban doono wadahadallada arrimaha ku xusnaa Mooshinkii 12ka August 2015.

"waxaan ku wargelinayaa dhammaan Xil dhibaannada ah saxiixayaasha Mooshinkii 12ka August 2015 loosoo gudbiyey Gud doonka Golaha Shacabka iney shalay ka soo qaybgalaan wadahadalka oo ka bila aban doona Xarunta Guddoonka iyo Gud diyada Golaha Shacabka ee Villa Hargey sa 11:00ka Barqanimo” ayuu yiri Guddoo miyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Jawaari.

.SAFAARADDA SOOMAALIYA EE BOQORTOOY ADA SACUUDI OO KA WARBIXISAY XUJEYDA WAXYELADA AY SOO GAARTAY

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fa dhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya mu dane Daahir Maxamuud Geelle oo la ha dlay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay tirade Soomaalida ee sanadkani soo xajiyay, isagoo sheegay in sanadkani ay xajiyeen in ka badan 7000 oo Soomaali ah.

Safiirka ayaa tilmaamay inay ku dhint een dalkaasi dad Soomaaliyeed oo gudan ayay waajibaadka Xajka kuwaa oo la dum ay wiish, halka kuwa kale ay ku dhaawac meen, waxaana dadka dhintay ee Sooma alida ah, waxyeelada ay ka soo kala ga artay wiishkii ku dumay xujeydii faraha ba dneyd, iyo isbuurashadii dhacday intii ay ku guda jireen gudashada Waajibaadka Xajka.

"Sedex Qof oo Soomaali ah ayaa ku dhi matay wiishkii ku dumay xujeydii gudana yay waajibaadka xajka, halka ay ku dhaa wacmeen 2 xaaji oo Soomaali ah, dhibaat adii ka dambeysay ee isbuurashadii iyana waxaa ku dhintay 10 ruux oo Soomaali ah, halka 5 ruux oo kale ay ku dhaawacm een, weli waxaa jira 3ruux oo la la’yahay” ayuu Yiri Danjire Daahir Maxamuud Geelle.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhi ya Boqortooyada Sacuudi Carabiya mud ane Daahir Maxamuud Geelle oo sii had lay ayaa ka warbixiyay howlaha dadka So omaaliyeed ay ugu qabteen dalkaasi, isa goo sheegay in si hufan ay ugu qidmeey aan muwaadiniinta Soomaaliyeed ayna sii yaan dadka raba baasa boorada, ayna u fuliyaan adeegyada asaasiga u ah dad kaasi ay safaaradda laga doonayo.

SEPP BLATTER IYO MICHEL PLATINI OO MUDDO SAGAASHAN CISHO SHAQADA LAGA JOOJIYAY

Guddiga anshaxa ee FIFA ayaa muddo sagaashan xisho ah shaqada ka joojiyay Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter, Xogha yaha guud Jerome Valcke iyo Madaxw eyne kuxigeenka FIFA Michel Platini.

Shaqada ka joojintan ayaa ka dambey say markii Guddiga anshaxa ay ku soo oogeen eedeymo la xiriira musuq ma asuq.

Waxaa kaloo muddo lix sano laga ma mnuucay shaqaada Madaxweyne kuxig eenkii hore ee FIFA Chung Mong-joon, ka asoo sidoo kale la ganaaxay lacag dhan 100 kun lacagta Swiss-ka Blatter, Valc ke iyo Madaxweynaha Xirii rka K/cagta Yurub Platini ayaa waxaa baa ritaan ku haaya Guddiga anshaxa.

Sidoo kale waxaa saddexdan xubnood si KMG laga mamnuucay dhaq dhaqaaq yada Kubadda Cagta ah, waxaana ay she egeen in aanay jirin wax khalad ah oo ay galeen. Guddiga Anshaxa ayaa sidoo ka le fur ay baaritaan la xiriira in Platini uu bix iyay illaa labo milyan oo Euro sagaal sano ka hor. sep iyo bla

Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ayaa waxaa hareeyay eedeymo musuq maas uq,iyadoo horay loo xiray ilaa 14 xubnod, markii lagu helay inay laaluush Qaateen.

WASIIR KU XIGEENKA WASAARADDA GAA SHAANDHIGGA OO BOOQDAY DEEGAANKA LAMBAR 50

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Gaasha andhiga iyo Wafdi Saraakiil ah uu hogaa minayo ayaa shalay gaaray deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoo se. Cabdall Xuseen Cali,Wasiirka Kuxi geenka Wasaarada Gaashaandhiga ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehlinayay Abaa nduulaha ciidanka XDS, gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo saraakiil kale.

Wasiirka iyo saraakiisha la socotay ayaa deegaanka Lambar 50 kula kulmay waxgaradka deegaankaasi, waxeyna kala hadleen sidii ciidamada XDS loogu soo bii rin lahaa maleeshiyaad hubeeysan oo ku sugan halkaasi, kuwaasoo ah kuwa deega anka.

Waxgaradka deegaanka iyo Wafdiga Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga uu hog aaminayay ayaa isku afgartay in laga sha qeeyo sidii kor loogu qaadi amniga deeg aanka iyo waliba in si buuxda loola shaq eeyo maamulka deegaanka NO:50 ee gob olka Sh/hoose.

KOOXDA DACISH OO DISHAY SARKAAL SARE OO KA TIRSANAA CIIDAMADA IRAN

Dowlada Iran ayaa xaqiijisay in Jene raal Hossein Hamedina oo ka tirsan sar aakiisha sar sare ee militariga Iran lagu dilay habeen hore duleedka magaalada Aleppo. Jeneraal HusenHamedina ayaa hoggaaminay guutooyin ciidamada kha aska ah ee Iran u dirtay Siiriya si ay gacan u siiyaan militariga xukuumadda Bashar Assad, wuxuuna kala talinayey ciidamada dowladda Siiriya hawlgallada ay sida wa da jirka ah u bilaabeen ciidamada Basha ar Assad, Xisbullah iyo guutooyin ka soc da militariga Iran, kuwaasi oo dhanka ci rka ay ka taageerayaan diyaaradaha Ruu shka. Sidoo kale Jeneraal Hamed ina ayaa lagu xasuustaa inuu ahaa hogga amiyihii ciidamadii cagta mariyey mudaha raadyadii ka dhacay dalka Iran sanadkii 2009-kii xiligii ay doorashada dhaceysay, waxaana saarneyd cunaqabateyn ay ku soo rogeen dalalka Midowga Yurub qaark ood sida dalka Britain.

Dagaalyahanada ISIS ayaa la sheegay inay fuliyeen weerarka lagu dilay Jeneraal ka walow aysan ciidamada Iran weli faah faahin ka bixin qaabka uu weerarkaasi habeen hore u dhacay.

WARIYE C/NAASIR XERSI IIDLE OO GAARI UU KU JIIRAY MAGAALADA MUQDISHO

Wariye C/naasir Xersi Iidle oo ka mid ah Suxufiyiinta degan Magaalada Muqd isho, ayaa waxaa la soo sheegaya in sha lay uu gaari ku jiiray Magaalada, xilli uu ka soo baxay Xa run ta Jaamaca dda SIU.

Wariyaha oo miyir doorsoomay, ayaa waxaa lagula cara ray Isbitaalka Madi ina, oo xilligan wax looga qabanayo xaal adiisa caafimaadeed. Ardayda Jaamacad da aya a Suxufiga u qaaday Isbitaalkaasi.

Muuqaalo sawirran ah oo laga soo qaaday Suxufiga, markii la gaarsiiyay Isbi taalka Madiina, ayaa waxaa ka muuqana ayay dhaawacyo ka soo kala gaaray ma daxa iyo gacanta bidixda.

Xaaladda Wariye C/naasir Xersi Iidle, ayaa iminka ka soo rayneysay, iyadoona aanu dhaawaciisu ahayn, sidii markii hore loo maleynaayay.

20-kii bishii hore ee September, ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho ay ko lonyada Amisom ku jiireen Wariye C/rax maan Gacan, oo ka mid ah Suxufiyiinta Muqdisho ka hawlgasha. Waxaana shilk aasi ka soo gaaray dhaawac dhexe.

Warbixin ay Jimcihii shalay soo saa rtay Hay’adda U Dooda Xuquuqda Suxufiyiinta CPJ, ayaa waxay ku sheegtay in Somaliya ay tahay dalka ugu halista badan caalamka ee Suxufiyiintu ka hawlgasho.

Dowlada Talyaaniga oo lacag madax...

 Baaritaan lix bilood ay wadeen kooxda dabagalka u qaabilsan TV-ga Aljazeera ay ey kusoo saareen in dowlada Talyaaniga ay lacago madax furasho ah siisay Burcad badeed Soomaali ah oo haystay muwaadi niin kasoo jeeda Talyaaniga.

Macluumaad Sirdooon oo ay heshay Alj azee ra ayaa cadeena ya in wadahadal ay la gashay do wlada Talyaani ga koox Burc ad badeed Soomaali ah la isku afgartay in Talyaanigu uu bixiyo lacag dhan $525,000 si burcad badeedu ay u sii dayaaan laha ystayaal kasoo jeeda Talyaaniga sidoo kalana haysta dhalashada wadanka S.Af rika oo ay haysteen burcad badeedu.

Dowlada Talyaaniga Iyo S.afrika oo ay ka soo jeedaan Lahaystayaasha ay burca dbadeedu afduubka u haysteen ayaa ma rkii lasii dayaay waxay warbaahinta u she egeen in wax madax furasho ah aan laga bixin lahaystayaashaasi balse lagu sii daa yay howlgal ay iska gaashteen iyaga iyo ciidamada dowlada Soomaaliya wallow macmuulaadka hadda la helay ay waxba kama jiraan ku tilmaamayaan hadalada xukuumadaha Johanesberg iyo Rome.

Documentigan La helay ayaa muujin aya in Bruno Pelizarri iyo saaxiibtii Debbie Calitz oo kala haysta dhalashada S.afrika iyo Itly burcad badeeda Soomaalida ay ka qaateen lacag madax furasho ah oo gaare ysa $525,000 inkastoo labada dowladood ba ay arinkani dafireen.

Dowlada Talyaaniga oo arinkan wax la ga weediiyay wali kama aysan hadlin in lacagahan Nus Malyuunka Dollar gaaraya ay siisay burcad badeeda Soomaalida iyo inkale.xigasho:-radiokulmiye.com/knn/

ABAALMARINTA NABADDA EE NOBELKA OO GUDDI KA DHISAN TUNISIA AY KU GUULEY STEEN

Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka sanadka 2015, ayaa la siiyay kooxda wad a hadalka Tunisia, oo lagu ammaanay doorkii ay ku lahaayeen sameynta nidaam ka dumuqraaddiyadda dalka Tunisia.

Guddiga abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka oo ku sugan Oslo, aayaa sheegay in ay abaalmarintu si guud ahan u leeyihiin kooxda oo idil, islamarkaasina aysan jirin shaqsi gaar si gaar loo siiyay abaalmarin ta.Waxa kooxda lagu abaal mariyay dad aalkoodi ku aaddanaa hannaanka siyaas adeed ee nabadda ku saleysan ee dalka asi iyo sidoo kale dimuqraaddiyeenta wad dankaasi, kadib kacdoonnadii ka dhacay dalalka Carabta oo Tunisaiana ay qeyb ka ahayd.Waxa lagu ammaanay kooxda inay wa da xaajoodyo lagu guuleystay ay same eyeen xilli uu dalku qarka u fuulay dagaal sokeeye.

TAARIIQDA ABAALMARINTA NOBEL.

aynisyahankii caanka ahaa ee Alfred No bel ayaa dhimashadiisi ka hor ku dar-daa rmey in hantida uu ka tegaayo ay noqoto Koonto laga abaalmariyo dadka hal-abu urka iyo aqoonta ku soo siyaadiya duni dan, ha ahaato mid aqoon ah ama hibo oyin la siiyey. Taariikhda la qoro abaalma rintii u hore ysey ee Nobal waxaa la bi xiyey 10 Dise ember 1901, markaas oo ku beegan shan sano kadib dhimashadii Alfr ed Nobel. Ma rkaas kadib waxaa abaalma rintan laga dhi gtey caado in la bixiyo sanadkasta 10 Dis eember, inkasta oo aan la bixin mud dadii ay socdeen dagaal adii aduunka ee 1aad iyo labaad isku dar Nobel-ka nadda wax aan la bixin 17 sano tan iyo sanadkii 1901.

Abaalmarinta Nobol waxaa la guddoo nsiiyaa kuwa wax cusub ku soo kordhiya aqoonta gaar ahaan Fiisigiska, Kimisterig a, Falsafadda & Dawooyinka, Suugaanta iyo Nabadda.

Afar ka mid ah abaalmarinta Nobel wax aa lagu bixiyaa dalka Sweden, halka Aba almarinta Nabadda lagu bixiyo dalka Nor way, sababtan ayaa lagu sheegey in dala lka Sweden & Norway aya ahaayeen hal dal markii uu noolaa Alfred Nobel.

Abaalmarinta Nobol-ka ayaa ahaan jir tey 10 Milyan oo Karoon lacagta Sweden ah laakiin sanadkii 2012 ayaa laga dhigey 8 Milyan oo karoon kadib markii dhaqaal uhu ku yaraadey Komishanka Nobel.

Sanadihii u dhexeeyey 1901 ilaa sanadkii 2014 waxaa Guddiga Nobel ay bixiyeen abaal marino gaaraya 567 abaal marin, waxaana kala qaatey 814 nin iyo 46 haw een iyo 22 urur.

Sanadihii dambe waxaa Komishanka No bel-ka nabaddu la kulmaayey dhaliice yn ah in aysan siin abaalmarintan dadka ista ahila, isla markaana la guddoonsiiyey dad aan nabadda u dhaq-dhaqaaqin qaarkood na lagu abaal mariyey hadal iyo niyad wa naag aan waxqabad la socon.

TALIYAHA GUUD EE CIIDANKA BOOLIISKA SOOMALIYA OO SHALAY BOOQASHO KU YIMID PUNTLAND ..

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya, Maxamed Sh. Xasan Xaamud iyo sar aakiil sar-sare oo ka tirsan isla cidianka dowladda ayaa shalay si heer sare leh loogu soo dhaweeyay magaalaa Garowe ee xarunta maamulka Puntland. Maamul ka gobolka Nugaal ,kan degmada Garowe iyo saraakiisha uga saraysa ciidamada Puntland ayaa wafdigan ku soo dhawee yay garoonka diyaaradaha, iyadoo si we yn loo ad-keeyay amniga magaalada Gar owe

"Waxaan horey uga soo shaqeeyay deg mada Eyl muddo hadda laga joogo 30-sa no ,runtii madaxda Puntland waxaan ugu mahad-celinaya sida halkan loogu soo dhaweeyay," ayuu yiri taliye Xaamud.

Taliyaha Booliiska Puntland, C/risaaq Af-guduud oo isagana warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in u jeedka socdaalka sara-akiishaan ay tahay sidii ay kormeeri lahaayeen xaaladda ciidamada Puntland, isla markaana ay u wada qaadan lahayeen shirar quseeya iskaashiga labada dhinac.

"Saraakisha shalay noo timid waxay tagi doonaan xerada tababarrada ciidanka Som-alia ee degmada Carmo oo ay kula hadli doo-naan ciidanka ku jira," ayuu yiri taliye Af-guduud oo tilmaamay in amniga Puntland hor-mar balaaran laga sameeyay.

Ciidamo isku dhaf ah oo laga soo kala xulay maamulada dalka ayaa dhawaan tababar loogu soo gunaanaday Muqdisho, waxaana tababarkaas taageerayay howl-galka QM ee Somalia. Ugu danbayn,dowladda Maraykanka ayaa dhawaan lacag gaaraysa 1-Milyan oo dollar ugu deeqday maamulka Puntland ,wax-aana lacagtaas sida la sheegay wax looga qaban doonaa arimaha ciidamada iyo qala-bayntooda.

Faysal Mohamed Hassan

Boston@hiiraan.com

UGAAS C/RAXMAAN UGAAS KHALIIF OO BULSHADA KU NOOL G/HIIRAAN UGU BAAQAY XOOJINTA NABADDA

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah duubka dhaqanka Soomaalida, ayaa ugu baaqay dadka ku nool gobolka Hiiraan nabad iyo in laga shaqeeyo daris wanaaga.Ugaaska oo xilliyadii dambe safar ugu maqnaa wadanka Turkiga, ayaa kulan uu magaalada Beledweyne kula yeeshay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in safarkiisii Turkiga uu ahaa mid la xiriiray arrimo caafimaad , laguna soo guuleystay, wuxuuna intaas ku daray in mudadii uu halkaa joogay uu kulammo kala duwan la yeeshay Soomaalida ku nool waddanka Turkiga oo u badanaa ayuu yiri araday halkaa waxbarasho u joogta. .

Sidoo kale, Ugaas C/raxmaan oo si qota dheer uga hadlay maraxladda uu shalay wadanku marayo iyo sida loogu baahan yahay in laga gudbo, ayaa wuxuu bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ugu baaqay inay is cafiyaan, sidoo kalena ay shaqeeyaan nabad ku wada-noolaasho iyo daris-wanaag.

Isagoo si gaar ah ula la hadllayay odayaashii iyo waxgaradkii uu kulanka la yeeshay ayuu sheegay in ay mas'uuliyad gaar ah ka saaran tahay odayaasha in ay bulshada u horseedaan wanaag, mar walbana ka shaqeeyaan walaaleynta iyo in leysa saamaxo."Shalay wa-xa dhagaha bulshada Soomaaliyeed kusoo dhacaya ma ahan wax wanaagsan, qaybo badan oo ka mid ah waddanka colaado ayaa ka jirra, beelo Soomaaliyeed oo walaalo ah ayaa dhiigoodu daadanayaa, ma'aha wax lagu farxi karo, siddaa daraadeed odayaasha dhaq-anka gobolka Hiiraan waxaan ugu baaqayaa in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada iyo daris wanaaga, waa in aad bulshada ku dhaqan gobollada dariska idinla ah u muujisaan niyad wanaag iyo walaalnimo, maxaa yeellay ma-s'uuliyada idin saaran Alle ayaa idin kula xisaabtamaya, siddaa daraadeed waxaan faraya in colaada meel kasta oo ay ka jirto la joojiyo, gaar ahaan deegaannada ay dagaa-llada ka jiraan odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan waxaan ugu baaqayaa in ay nabada u istaagaan, kana hortagaan waxkata oo keeni kara in dhiig la daadiyo'' ayuu yiri Ugaas Khaliif.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay isku soo arkeen duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in ay ka wadda hadlleen siddii looga wadda-shaqeyn lahaa nabada.

"Annaga doorkeena waa mid dhaqan, waa mid nabadeed, waan in aynu ka shaqeyno islaax iyo dib u hishiisiin, magaalada Muqdisho si guud iyo si gaar-gaar ah waxaan isku aragnay duubab Soomaaliyeed, annaga oo ka wada hadalnay xoojinta nabada iyo ku baraarujinta dadka in la is-cafiiyo'' ayuu Ugaasku yiri.

Ugaaska ayaa xusay in dagaal beelleedyada inta badan ka dhaca deegaannada Soomap-alida wali ku sii harsan yihiin dhulka miyiga ah

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip