Qabiilka Moobleen iyo Amxaaro maxaa isku keenay?

0
Thursday April 07, 2016 - 09:38:47 in Maqaallo by
  • Visits: 4068
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Qabiilka Moobleen iyo Amxaaro maxaa isku keenay?

    Waa muhim in aanan adiga lagaa qarin taariikhda somalida, geesi kasta ama koox kasta oo Somali ah oo maalin un la dagaalay cadaw somaali waad ku faani kartaa.waxaa laga yaaba in adigaba isticmaarku kaa qariyay taariikh deegaankaaga somaliya ah ka dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa muhim in aanan adiga lagaa qarin taariikhda somalida, geesi kasta ama koox kasta oo Somali ah oo maalin un la dagaalay cadaw somaali waad ku faani kartaa.waxaa laga yaaba in adigaba isticmaarku kaa qariyay taariikh deegaankaaga somaliya ah ka dhacday ama awoowa yaashaa qayb ka ahaayeen.kaa raadi oo soo ururi,balse marka hore illa fiiri Aboowe/Abaayo tixraacan.
Amxaaradu mar kasta waxa ay ku hamineeysay in ay qabsato xeebaha Banaadir. Fiiri Marqaati Buugga (SHAPING OF SOMALI SOCIETY) ee uu qoray Dr. LEE V. CASSANELLI, University of Pennsylvania-USA. bogga 200aad kaa oo leh dabayaaqadii garnigii 19aad waxaa jiray cabsi laga qabay ilaa Banaadir in Amxaaradu soo Weerarto, xataa sanadkii 1897-dii sarkaal Talyaani ah oo gaadmo lagu dilay Magaalada Marka, Talyaanigu wuxuu aaminsanaa in falkaasi Marko ka dhacay ay Amxaaro ka dambeysay ka Fiiri Marqaati buugga( RICORDI DEL BANADIR) ee uu goray GIORGIO SORRENTINO 1910-kii. isala buugga Dr. Lee bogga 77-81aad wuxuu leeyahay waxaa la isla dhex marayay hadalo leh Amxaaradu Banaadir ayeey u soo socotaa, Arrinta in Amxaaradu Xamar u soo soctay waxa ey rumowday xagaagii, 1905-tii markii kumanyaal ciidan ltoobiyaan ah oo ay ku jiraan guutooyin fardooley ah ay weerar soo qaadeey iyagoo soo raacay hareeraha Wabiga Shabeelle ilaa ay soo gaareen Magaalada BALCAD. Fiiri Marqaati buuga kale ee ( GLI ABISSINI NELLA SOMALIA), ee uu qoray GLULIAN BONACCI 1908-dii bogga 42-46aad duulaanka Amxaarada oo socday muddo saddex sano ah, Amxaarada waxaa jabiyay Qabiilka Moobleenka ee dagga deegaanka YAAQLE, Fiiri Marqaati isla baarigaraafka saddexaad ee bogga 200aad, socodkaa dheer ee Amxaaradu wuxuu ka soo bilowday JIGJIGA waxeyna soo mareen dhulka OGAADEENKA oo dagaal ku qabsaday,kadibna KARINLE badan oo la dagaalamay intii ay soo socdeen amxaaradu ayaa lagu laayay gooba badan oo ay isaga horyimaadeen Karinle iyo Amxaaro.



Qabaa’il ka kale ee Amxarada ay dagaal iska hor yimideen waxaa ka mid ahaa qabaa’ilka JIDLE iyo JEJEELE labadaba dad badan ayaa uga dhintay dagaaladaa, ayuu yiri: Dr. Lee, kaddibna waxey yimaadeen Deegaanka JIICIYOW oo wabiga u dhow, kaddlibna waxa ay u soo gudbeen deegaanka JIBBIRROW, hakaa oo Amxaarada markeeda aad loogu jabiyay. Hase yeeshee Dr. Lee wuxuu leeyahay Amxaaradu waxa ay xoog ugu jabtay deegaanka YAAQLE, oo Ciidamadii Moobleenku ugu dambeyntii ku jebiyeen Amxaarada, halkaana waxaa ku baaba’ay hamigii Amxaarada ee ahaa iney gaaraan oo ay gabsadaan xeebta Banaadir, qoraagu wuxuu qoraalkiisa ku daray: waxaa la yiraa Moobleenka waxaa gacan siinayay sixiroolayaal GOOBROON ah, Moobleen waxey ku yiraahdeen qoraaga, Amxaarada kaddib gaalo kale oo cad cad ayaa timid, taa oo muujineysa in dagaalka Armaarada iyo Moobleenku ka horeeyay soo gelitaankii Talyaaniga ee dhulka Moobleen. markii ciidamada Moobleen ay dagaalkaa ku daaleen kaddib ayaa isticmaarku tegay deegaanka Moobleen, Dr. Lee wuxuu leeyahay Amxaarada soo socodkeeda waa la sii ogaa oo Moobleenku waa u sii diyaar garoobeen, Moobleenku wuxuu aaminsanaa in Amxaaradu ka daran tahay isticmaarka kale ee cadaanka ah ee berigiisa laga sheegayay in uu soo fidayo .


Waxa la yiraahdaa Moobleenka waxaa dagaalkaa aad ugu dhiirgeliyay kaddib markii addoonsiga la mamnuucay oo qaarna ay ka baxsadeen, ayuu go’aansaday Moobleenku in Amxaarada oo Xabashi loo yaqiin ay addoon ahaan u qabsadaan, ciidamada Moobleenka qaar ka mid ah ayaa Xargo watay si ay ugu soo xirxiraan maxaabiista , Amxaara badan oo ay dagaalka ku qabsadeen ayeyna ka dhigteen addoon beeraha u tacabta dharkana u sameysa.


TALO: Degmeda cabdi casiis-Mogadishu, qaybta ka soo horjeeda dekeda duqda ah waxaa loo yaqaan illaa hadda kaamba Amxaaro,darbi ayaa ku wareegsan ,waxaana weli ku dhax yaal sadaax guri oo ah dhismo qaab Amxaaro u dhisan oo ka haray guryihii ay dhiseen maxaabiistii dambe ee Amxaarada ee talyaanigu ku xareeyay. Halkaasi waxa ay ku habooneed in taariikh ahaan loo dhaafo waqtigan aan joogno, si dhalin yarada xeebta liido u socota ay u daawadaan haraagii taariikhda ee xabsiga kaamba Amxaaro.


FG: Iga raali Noqo hadaan kugu badiyay qoraalka,wixii aan ka tagay ku dar, wixii aan qaldayna iga sax, ma ihi taariikh yaqaan, walaala kale oo somaliyeed oo maad adaa ku takhasusay ayaa jira haka raali ahaadeen wixii aqoonyaro ii geeyso.
Qore: Yahya Amir

xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip