Galmudug oo duulaan ku ah deegaanada ka maqan gacantooda

0
Friday October 09, 2015 - 10:38:38 in Wararka by
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo duulaan ku ah deegaanada ka maqan gacantooda

    Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Max'ed Cabdi Xaashi,oo ka hadlayay magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug ayaa sheegay ka dib kulan ay yeesheen Wasiirada maamulkaasi la isku afgartay in gacanta maamulka lagu soo celiyo deega

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Max'ed Cabdi Xaashi,oo ka hadlayay magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug ayaa sheegay ka dib kulan ay yeesheen Wasiirada maamulkaasi la isku afgartay in gacanta maamulka lagu soo celiyo deegaanada iyo degmooyinka maqan lana sugo amaankooda.
Wuxuu sheegay Max’ed Cabdi Xaashi madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug in deegaanada qaar ay ka jiraan amni xumo kana taliyaan ururo kale,islamarkaana ay isla garteen sidii deegaanadaasi loo gaari lahaa ,isagoona dhanka kale sheegay iney jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo socda.


Sidoo kale,madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada maamulka Galmudug diyaar u yihiin soo celinta deegaanada gacantooda ka maqan ee hoos yimaada maamulka Galmudug oo ay ka taliyaan ururo kale sida Ahlu suna iyo Al-shabaab.



Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud loona asteeyay iney xarun u noqoto maamulka cusub ee Galmudug ee C/kariin majaraha u hayo waxaa ka taliyo ururka Ahlu suna oo dhankooda ku dhawaaqay maamul uu yeesho gobolada dhexe kaasi oo ka dhan ah maamulka lagu dhisay Cadaado.

Sidoo kale,degmada Guriceel iyo deegaano kale oo Galgaduud ka tirsan ayaa ka maqan gacanta maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa si arintaasi ugu dhaqaaqo wuxuu dhiira gelin u sameeyay Ciidamada maamulkaasi oo loo bilaabay in la siiyo mushaarkooda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip