HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 2-JUNE 2021

0
Wednesday June 02, 2021 - 09:08:24 in Wararka by
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 2-JUNE 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Rooble oo xilal cusub magacaabay, kuwa kalena ka qaaday

Wareegto kasoo baxday xafiiska R/wasaaraha X/xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa agaasimayaal loogu magacaabay Wasaaradaha Gaanshaandhigga iyo Caafimaadka Xukuum adda Soomaaliya.

Rooble ayaa agaasimaha guud ee Wasaarad da gaashandhigga Xukuumada Soomaaliya u magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, waxaana xilkaas laga qaaday Maxamuud Axm ed Cali Fanax oo si ku meel gaar ah u hayey ka dib markii wasiirka Gaanshaandhigga uu xilkii agaasimaha guud ka qaaday Axmed Cabdi Kooshin.

Agaasimaha cusub ee W/ G/ dhigga ayaa Soomaaliya safiir u ga soo noqday waddamo bad an, sidoo kalana wuxuu mar u ta rtamay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Gal mudug.

Sidoo kale, R/wasaaraha ayaa Agaasimaha Guud ee W/Caafimaadka iyo Daryeelka Bulsha da loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraa him, waxaana xilka laga qaaday Cabdullahi Xaa shi Cali .

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri "Wareegto uu soo saaray R/Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasima ha Guud ee W/Gaashaandhigga loogu magacaa bay Xasan Maxamed Saciid Samatar, halka Ag aasimaha Guud ee W/Caafimaadka & Daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhta ar Ibraahim.”

Magacaabista uu sameeyey Rooble ayaa ima aneyso kadib markii dhawaan R/wasaaraha uu awooddii ay xilal ku magacaabi lahaayeen ka qa aday wasiirada Xukuumaddiisa."Iyada oo la tix-gelinayo marxladda uu dalku ku jiro lana darda rgelinayo habsami u socodka iyo iska warqabka laamaha Dowladda, si loo fududeeyo wadasha qeyntooda, ayaa waxaa la farayaa dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowl adda oo ay warqaddaani sida tooska ugu socoto In aan la gaari karin lana shaacin karin go’aan cu sub oo aan oggolaasho looga helin xafiiska R/wasaaraha XJF/Soomaaliya,” ayaa lagu yiri waraaq 26-kii May kasoo baxday Xafiiska Roob le.

Rooble ayaa warqaddiisa ku caddeeyay in go’ aankaan uu fududeynayo wada-shaqeynta & isla xisaabtanka Laammaha Dowladda si Xafiiska R/Wasaaraha XF/Soomaaliya uu ula socdo howl aha la qabanayo.

"Go’aankani wuxuu fududeynayaa wada-shaq eynta iyo isla-xisaabtanka laamaha Dowladda iyo inaan la qaadan xilligan go,aano ku yeelan kara dalka saameyn Siyaasadeed, amni, maam ul iyo mid dhaqaale, wuxuuna xaqiijinayaa inaa nu dhicin xad gudub ku saleysan ku takrifal awo odeed” ayaa sidoo kale lagu yiri waraaqda.

Wasiirka arrimaha dibadda DF oo xog cusub ka bixiyey xiriirka Soomaaliya ee Jabuuti iyo Kenya

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda feder aalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxam uud ayaa warbaahinta dowladda siiyey wareysi dhinacyo badan taabanaya, kaas oo uu uga had lay dhinacyada doorashooyinka, arrimaha gobol ka, khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, xiriirka xum aaday ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo arrimo kale.

Doorashooyinka: Ugu horeyn wasiirka oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa she egay in waxii dhacay oo dhan hadda la iska cafi yey, isla markaana la gaaray heshiis la isku hal eyn karo, isagoo tusaale u soo qaatay cafiskii ay xafladii saxiixa heshiiska ay ku dalbadeen gudd oomiyaha midowga musharaxiinta Sheekh Shar iif iyo madaxweyne Farmaajo.

Isagoo ka hadlay dhaqaalaha ku ba xaya doorashooyinka dalka waxa uu sheegay in loo dhigi doono sed dax weji oo kala ah, mid ay bixiso dow laddu, mid ka soo xarooneysa musharaxii nta iyo qeyb ay ku kabeyso beesha caalamka.

Xiiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti: Wasiir Max amed Cabdirisaaq oo wax laga weydiiyey mad-madowga soo dhex galay xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa sheegay in Jabuuti ay muhiim u ta hay Soomaaliya, balse ay jirto cabasho la kala tir sanayo.

"Jabuuti waa dal aan walaalo nahay, deris na hay oo aan Soomaali isla nahay, ma rabno in ma rarka qaar warar xanaf leh oo dowladuhu is dha afsadaan ay sameyn ku yeeshaan shacabka wa laalaha ah ee labada dal, waa jirtay in Jabuuti warbixin qortay, kadib markii guddi xaqiiqo raad in ah ay soo dirtay, taas oo dowladda Soomaali yeed aysan ku farxin, markaasna jahadii nala gudbooneed ayaan marsiinay, laakiin Jabuuti xiri ir aad u wanaagsan ayaa naga dhaxeeya, waatii Ra’iisul wasaaruhu caleemo-saarkii madaxwey naha Jabuuti ka qeyb galay, waa la kala caban karaa, taasna jidkii noo furnaa ayaan u marnay,” ayuu yiriWasiirka arrimaha dibadda Soomaa liya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya: Wasiirka oo wax laga weydiiyey kaalinta dowladda Qatar ee soo celinta xiriirka labada dalka iyo waxa ka jira warar sheegaya in Qatar ay abuureyso fursad la xariirta in Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan kheyraadka ku jira badda la isku heysto ayaa sheegay in Soomaaliya ay sugeyso oo kaliya go’aanka Maxkamadda ICJ oo wax gorgortan ah uusan ka furneyn arrinta badda, isagoo qiray in uu jiro dadaal la xarira arintaasoo ay Qatar wado

"Waa jirtay in Ergey ka socday Qatar uu yimid Soomaaliya, kaas oo ka shaqeynayey sidii laba da dal ay u soo ceshan lahaayeen xiriirkooda, ka as oo Amiirka Qatar uu soo diray, anaga kaliya na nooma soo dirine, Kenyana waa loo diray, 2da dal arrintaas waa ka jawaabeen, waana ogol aadeen in xiriirka la soo celiyo,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in hadda ay socdaan dada llo lagu xalinayo khilaafka weli jira ee labada dal, "Waxaan xaqiijinayaa in dadaadalaas ay socda an oo mar hore ay soo bilaawdeen.”

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda Sooma aliya oo wareysigaan uga hadlay arrimaha Gees ka Afrika iyo kaalinta ay Soomaaliya uga jirto ay aa sheegay in dalkeena oo door muhiim ah ku la haa aas-aaskii urur goboleedka IGAD uu hadda kaalin firfircoon ku leeyahay wax wada qabsiga wadamada ku bahoobay ururkan.

Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal kadhacay gobolka Hiiraan

Iska horimaad hubeysan oo u dhexeeya ciid am ada Milatariga iyo dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ayaa ka dhacay deegaan u dhex eeya magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buuloburte ee gob olka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada DFS ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shab aab ay ku leeyihiin deegaanka Ce elbacad ee go bolka Hiiraan, wax aana ka dhacay dagaalka fool ka fool ah oo la’isku adeegsaday hub ka noocyad iisa kala duwan.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliy eed, Gen.Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan deegaano ka tirsan Hirshabelle ayaa sheegay in dagaalkan kooxda Al-Shabaab looga dilay ugu yaraan illaa 25 dagaalame, welina ay wadaan ti rakoobka khasaaraha dagaalkaasi.

Dagaalo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab ayaa sidoo kale ka dhacay dee gaano ka tirsan gobolka Shabelaha Dhexe.

Axmed Madoobe oo R/W Rooble u gudbiyey xubnaha Jubaland ee guddiyada doorashada

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-ga arsiinta waxa uu u soo gudbiyay xubaha maa mulka Jubaland uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer federaal, he er dowlad-gob oleed iyo xallinta khilaafaadka.

Axmed Madoobe ayaa wareeg tada uu ku ma gacaabay 12-qof oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jub balanad, kuwaas oo uu sheeg ay inuu magicaab istooda u cuskaday la tashiyo uu sameeyey iyo fulinta heshiis kii 17-kii September.

Guddi uu dhawaan R/wasa are u xil saaray in ay soo baara an liiska xubno ku jira guddiya da doorashada ee horay loo soo magacaabay, isla markaana ay cabasho ka soo gudbiyeen musha raxiinta mucaaradka ah ay aa Shalay shaaciyey liiska 67 xubnood oo la do onayo in la bedelo.

Jubbaland ayaa noqotay maamulkii u horeey ey ee qaaday tallaabo lagu fulinayo heshiiskii ma almo ka hor lagu kala saxiixday Muqdisho, kaas oo meesha ka saaray mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doorashooyinka Soomaaliya.



Deni oo isu-diiwaan geliyay doorasho qof & cod ah

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shalay iska diiwaan-geliyay xaafadda Kaambo ee degmada Qardho, si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee soo so cota ee maamulkaas.

Deni oo hore u ballan-qaaday hirgelinta nidaam ka dimuqraadiyadda ee doorashada qof iyo cod ayaa Shalay qeyb ka noqday dadka is diiwan-geliyey si ay uga qeyb qaatan doorashada goley aasha deegaanka.

Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyay guddi ga doorashada iyo guud ahaan howl-wadeenada diiwaan-gelinta, Ciidamada amniga sugaya iyo saxaafad Waxa uu ku dhii ri-geliyay qeybaha kala duwan ee bulshada in laga wada-qeyb qaato hir -gelinta qorshaha ah in awooda shacabka loo dhoweeyo oo shacabku ay madaxdooda doortaan.

Hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntl and ayaa hadda u muuqda mid hirgalay, wuxuu na kamid ahaa yoolashii uu hore ballan qaaday Madaxweyne Siciid Deni.

Bulshada Puntland ayaa si weyn usoo dha weeyay in Puntland u jiheysato doorasho qof iyo cod ah, ayada oo laga dhabeeynayo in bulshadu ay doortaan wakiiladooda ku metelaya goleya sha maamulkaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee tirinta codadka doorashadii SOMALILAND ka dhacday

Doorashada goleyaasha wakiiladda iyo dee gaanka ee Somaliland ayaa Dorraad si habsami leh usoo gaba-gabowday, waxaana Habeen hore fiidkii hore bilaabatay tirinta codadka oo ilaa hadda so cota, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gaba-ga beeyaan tirinta codadka doorashada ee gobola dda qaar, waxayna si hordhac ah u shaacin do onaan natiijada doorashada oo si weyn loo wada sugayo.

Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan Komishanka doorashooyinka Somali land, ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee do orashada goleyaasha wakiilada iyo deegaanka ayaa qaadan karta in ka badan 7-maalmood, ba lse waxa uu guddigu si hordhac ah u shaacin doona natiijada doora shada.

Doorashada ayaa no oceedu ahaa mid ku cu sub Somaliland, maada ma ay dadweynaha halmar u wada codeeyen xu bnaha deegaanka iyo wakiilada, waxaana xusid mudan in doorashooyinkaan ay dhowr jeer ku yi maadeen dib u dhacyo.

Ilaa iyo hadda majirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleystay aql abiyadda kuraastii loo tartamay, hase yeeshe wa xaa soo baxaya warar sheegaya in xisbul xaa kimka Kulmiye iyo xisbiga mucaaridka ah ee Wa ddani ay codad isku dhow ka helayaan doorash ada.

Doorashadii Dorraad oo aheyd mid si weyn u soo jiidatay indhaha caalamka ayaa waxay qiya astii 55% codbixiyeyaasha is diiwaan-galiyay ay da’doodu ka yareyd 25-jir, waxayna xogta tibaaxeysa in 53% codbixiyeyaashu ay ahaay een rag, halka ay 47% dumar ahaayeen dadka codeeyay Dorraad.

Waxaa ka qeyb qaatay doorashada dad ka badan hal milyan oo qof, waxayna socotay code yntu hal maalin oo keliya, midaasi oo xiiso gaar ah u yeeshay doorashada, ayada oo ay kor-joog teynayeen wakiilo ka socday beesha caalamka.

Jabuuti oo rag ka tirsanaa ururka TPLF u gacan galisay Itoobiya

Wararka ka imanayaJabuuti ayaa sheegaya in dowladda dalkaasi ay Itoobiya u gacan gelisay 3 xubnood oo ay Addis Ababa ku daba joogtay oo ka tirsan ururka dalka laga mamn uucay ee TPLF.

Xubnahan oo isugu jira saraakiil ciidan iyo rayid ayaa waxaa laga dejiyey M/Addis Aba ba.

Dhanka kale arrintaasi waxaa xaqiijisay do wladda Itoobiya oo sheegt ay in raggaas cadaa ladda la horgayn doono.

Isla Itoobiyana dowladdu waxa ay xayirtay ha ntida 12 taliye oo hore uga tirsanaan jiray mila te riga dalkaas kuwaas oo ku biiray ururka la mam nuucay ee TPLF.

Xukuumadda oo shaacisay liiska magacyada xubnaha guddiga doorashada ee cabashada laga keenay

Guddiga uu Ra’iisul wasaare Maxamed Xus een Rooble u saaray xaqiijinta xubnaha cabash ada laga qabo ee Guddiyada Doorashooyinka ayaa soo bandhigay magacyada xubnaha ay ca bashada ka muujiyeen Midowga Musharaxiinta.

Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cab diraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in ay soo gaartay magacyada illaa 67 xubnood oo uu sheegay in cabasho laga soo gudbiyey.

Wasiir Al-Cadaalla ayaa sheegay in 67 qof

ee loo soo gudbiyey lagu soo eedeeyey seddex eedeyn oo kala duwan oo ah:

1- In ay ka tirsan yihiin ciidamada qaranka dow ladda federaalka Soomaaliya.

2- In ay ka mid yihiin shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

3- Iyo inay yihiin siyaasiyiin iyo xubno daacad u ah madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Afhayeenka Guddiga ayaa sheegay inay baarit an ku sameyn doonaan eedeymaha loo soo jee diyey xubnahaas ayna soo kala saari doonaan maalmaha soo socdo, kadibna ay soo gudbin doonaan natiijada rasmiga ah ee baaritaankoda.

Al-Cadaalla ayaa xusay in hubinta xubnahaan ay u adeegsan doonaan qodobo ay saxiixayaa shii heshiiskii 27 May ka dhacay Muqdisho u daj iyeen xubnaha kamid noqonayo guddiyada doo rashada ee heer federaal iyo heer gobol. Liis kaa ayaa waxaa dhawaan R/wasaare Rooble u gudbiyey xubnaha midowga musharixi inta, sida uu dhigayey heshi iskii ay Muqdisho ku gaareyn DFS & Madaxda Maamul Goboledyada

Midowga Musharixiinta oo kulan gaar ah yeeshay

Waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay mid ka mid ah hoteelada ku yaal M/Muqdisho qaar ka mid ahoggaanka ugu sarr eeya Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweyn aha.

 

Kulanka oo casha shar af iyo xog-wareysi isu gu jira ayaa waxaa ay Midowga Musharixiinta u ga ha dleen marxaladihii ugu dambeeyey ee xaa lad da Dalka iyo Doorashooyinka la filayo dhawa an inay bilaabmaan.

Sidoo kale waxaa ay Midowga Musharixiinta falan qeeyeen dadaalii faraha badnaa oo ay ge liyeen sidii loga hortegi lahaa muddo kororsiga ay Golaha Shacabka u sameeyeen Farmaajo, ka as oo guuleystay.

Ugu dambeyn Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay u mahad celiyeen dhamaan intii ka qe yb qaadatay ka hortagga muddo kororsiga oo ay ugu horreeyaan Ciidamada iyo Saamileyda Siy aasadeed ee dalka.

Kulanka gaarka ah oo Xubnaha Midowga Mu sharixiinta ay xalay yeesheen ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli shalay la soo bandhigay Maga cyada liiska xubnaha cabashada ay ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka Qaranka
GABAR lagu la’aa MUQDISHO oo meydkeeda laga dhex helay digsi weyn

Gabar yar oo muddo laba maalin ah la raadin ayey ayaa ugu dambeyntii Shalay meydkeeda la ga helay digsi weyn oo yaalla qol kamid ah gur igii ay ku nooleyd oo ku yaalla degmada Dharkey nley ee M/Muqdisho, gaar ahaan Xaafadda Waa xda Kaawo Godey.

Gabadha meydkeeda la helay oo labadii maal mood ee ugu dambeysay nolol iyo geeri laga ba afinayey baraha Bulshada ayaa waxaa lagu mag acaabaa Nafisa Cumar Cabdullaahi, waxaana meydkeeda laga helay digsi weyn oo dusha laga sii saaray digsi kale iyo Joodari si aan loo dare emin.

Ciidamada Booliska oo gaaray guriga falkaan uu ka dhacay ayaa sheegay in gabadha jirkeeda uu ka muuqday jir dil, sidoo kalana laga xiray ga cmaha iyo lugaha, halka afka loo geliyey caagga lagu shubo biyaha la warshadeeyo ee halka Liitar ah.

Gabadha oo da’deeda lagu sheegay 10 sano jir ayaa Meydkeeda la ogaaday inuu ku jiro digsi ga kadib ur laga dareemay guriga oo dhan taa soo keentay in baaritaan lagu sameeyo qeybaha guriga iyo alaabta taalo.

Guriga laga helay meydka gabadha ayaa wux uu ahaa guriga ay kula nooleyd hooyadeed iyo Aabbaheed waxaana sidoo kalana la daganaa dad kale, waxaana dhammaantood lagu xiray sa ldhigga Booliska degmada Dharkeynley.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Guhaad Sheekh Xasan oo goobta meydka laga helay ku la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkaan uu ahaa mid aad looga naxo, wuxuuna sheegay in meydka gabadha yar la geynayo Xarunta Dam bi baarista CID.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in la xiray dhammaan dadkii guriga meydka laga he lay ku noolaa oo ay kamid yihiin hooyada iyo Aabbaha dhalay gabadha la dilay.

Dadka la xiray ayaa waxay isugu jiraan ehel ka gabadha iyo dad kale oo la sheegay inay guri ga la daganaayen, welina faahfaahin lagama hel in qaabka uu u dhacay dilka gabadha yar iyo wa xa sababay.

Muddooyinkaan dambe waxaa Soomaaliya ku soo badanayey dilalka naxdinta leh ee loo gey sanayo gabdhaha yar yar, waxayna dilalkaas qa arkood ahaayeen kuwa ay ka horreeyeen falal kufis ah inkastoo aan la xaqiijin karin in gabadha an la kufsaday ka hor inta aan la dilin.

Dowlad ka digtay in Ciidanka AMISOM laga saaro Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Burundi Evariste Nda yishimiye ayaa hadalkaasi ka jeediyey Shir Jara a’id oo ay isaga iyo dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta gelinkii dambe ee Dorraad si wadajir ah ugu qabteen the State Lodge ee Magaalada Kis mu ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Burundi oo Dorraad booq asho 2 maalmood ah ku tegay Kenya waxa uu kaga qeyb galayaa Munaasabadda Maalinta Fasaxa Qaranka Kenya ee Madarka Day oo Shalay loo dabaal degayo.Madaxweynuhu waxa uu carrab ka ku dhuftay in haddii Ciiddanka AMISOM Wa da-Tashiyo la’ aan darteeda looga soo daad-gur eeyo Somalia inay taasi waxyeeli karto Guulihii ay Ciiddan kaasi horey u gaareen ee Soo-celinta Nabadda iyo Ammaanka ee Somalia iyo Mandiq adda.

" Hindise kasta oo lagu ya reyn ayo Ciiddanka AMI SOM ee ku sugan Somalia waa in la qiimee yaa Cabsi da ka imaanayso Alshaba ab, si aan loo lumin qeybo ka mid ah Xuduuda ha ay horey ula ware egeen AMISOM” ayuu yiri Madaxweynaha Bur undi.

Waxa uu sii raaciyey in dalalka ay Ciiddamad da ka joogaan Somaliya iyo Ururka Midowga Afr ika waajib tahay in La-tashiyo ballaaran ka yeesh an qorshe kasta oo lagu dhimayo C/ AMISOM.

Dalka Burundi waxa uu ka mid yahay dalalka Afrikaanka ee ay Ciiddamada ka joogaan Somal iya, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka Nabad-il aalinta ee AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee, Golaha Ammaanka ee QM waxay bilowgii sanadkanu codeeyey Qar aar Xilli-kordhinta ee Hawlgalka AMISOM, iyad oo la qorsheeyey in dhamaan Ciiddanka AMIS OM laga daad-gureeyo Soamlia bisha Decemb er ee sanadkan 2021-ka.

DF oo waqti kooban u qabatay Jaamacadaha dalka qaarkood

Qoraal war-gelin ah oo mar kale ka soo bax ay Guddiga Qaranka Tacliinta Sare ee wasaarad da waxbarashada dowladda federaalka ayaa loo gu yeeray qaar ka mid ah Jaamacadaha ka how laga gobollada dalka Soomaaliya, kuwaas oo aan ka soo jawaabin fariimo hore oo uga yimid guddigan.

Guddiga ayaa jaamacadaha aan weli ka soo jawaabin fariimahoodii hore ka codsaday inay la soo xariiraan ka hor 5-ta bisha cusub ee June, iyagoo ku goodiyey in tallaabo sharci ah laga qa adi doono jaamacaddii aan mudadaas kula soo xariirin guddiga.

"Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare wuxuu si sharaf leh uga cods an ayaa Jaamacadaha ka ho wlga la gobollada Soomaa liya ee aan weli xiriir la soo samayn Guddiga Qa ranka Taclii nta Sare in ay la soo xiriiraan guddi ga Qaranka Tacliinta Sa re ugu dambayn 05/06 /2021. Jaama caddii aan muddadaas kor ku xu san la soo xiri irin guddiga Qaranka waxaa laga qaadayaa talla abo sharci ga waafaqsan,” ayaa lagu yiri qoraalk an ka soo ba xay guddiga.

uddiga ayaa baahiyey Emailkan admin@nche. gov.so si ay ugala soo xariiraan jaamacada ha loo yeeray ee ka howlgala gobollada dalka.

Dhawaan wasaaradda waxbarashada dowlad da federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay liiska ilaa 41 jaamacadood oo ka howlaga dalka, ku waas oo ay sheegtay inay ka gudbeen wajiga 1a ad ee qiimeyntii Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare ee dalka.

Sidoo kale xilligaas wasaaraddu waxay u ye ertay ilaa 21 jaamacadood oo kale, kuwaas oo ay sheegtay in aysan weli kasoo jawaabin fariintii guddiga, balse hadda warqadan dambe laguma shaacin liiska iyo tirada jaamacadaha loo yeera yo ee aan weli la soo xariirin guddiga. Shan maalmood oo kaliya ayaa ka hartay muda da loo qabtay jaamacadaha aan weli soo jawaab in inay kula soo xariiray Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare oo u xil saran qiimeynta jaamaca daha dalka . Xigasho:-caasimadda.net

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka UGA NDA oo toogasho lagu dhaawacay

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Ugan da, horeyna u ahaa talyihii ciidanka difaaca ee dalkaasi, Gen. Katumba Wamala ayaa Shalay la gu weeraray bartamaha magaalada Kampala, ga ar ahaan xaafadda Kisota, isagoo kasoo baxay gurigiisa.

Gaariga wasiirka ayaa waxaa lagu soo war amayaa in rasaas xoogan oo khasaare dhalisay lagu furay, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee Kampala waxaa weerarkan dhaawac halis ah uu ka soo gaaray wasiirka la wareeray, sidoo kale waxaa ku dhintay gabar uu dhalay iyo darawalk iisa, iyada oo dhaawaca wasiir Katumba Wamala oo daran loola cararay isbitaalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkan oo ay fuliyeen dabley hubeysan, gaar ahaan afar nin oo watay mootooyin nooca dhug-dhugleda ah, kuwaas oo goobta ka baxsaday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo mila tari ah oo si deg deg ah ugu gurmaday Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Uganda oo bartilma ameedka uu ahaa in la khaarijiyo.

General Katumba Wamala ayaa horey uga soo shaqeeyey Soomaaliya, wuxuuna mar hogg aanka usoo qabtay Ciidamada Lugta Uganda ee ka tirsan howl-galka AMISOM.

Jananka ayaa sidoo kale sanadii 2005-tii illaa sanadkii 2013-kii soo ahaa taliyaha Ciidanka Lugta ee wadanka Uganda.

Dowladda Uganda weli kama aysan hadlin weerarka la doonayey in lagu khaarijiyo wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka ee dalkaas ee Shalay dhacay caasimada Kampala.

Markab Nooca Xamuul Qaada Oo Ku Degay Deked Iyo Xog Laga Helay

Saraakiisha dalka Yemen ayaa sheegay in Ma rkab ay QM leedahay uu ku degay Dekedda M/ Xudeydah ee kaabiga ku haysa Badda Cas.

Ugu yaraan hal qof aya ku geeriyooday Mar kabka asi oo degay xilli laga deji nayey shixnadii uu waday.

Ma cadda sababaha uuu quusay Markabkaa si, balse, Saraakiisha waxay sheegeen inuu Mar kabku ahaa mid duug ah oo muddo dheer shaq eynayey.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP kama aysan jawaabin shilka ku yimid Markabkii u wad ay Shixnadda Samafalka ee ku degay Dekedda Xudeydah.


DOORASHADA SOOMAALIYA: IS QAB-QABSI HADDA IYO KOW AH

Soomaaliya waxay dhowaan galeysaa doora sho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo lagu saleyn doono heshiiska ay Muqdisho ku gaareen dowladda fe deraalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Doorashada Soomaaliya ayaa sidoo kale soo martay heerar kala duwan, iyada oo inta badan uu yimaado is qab-qabsi la xiriira tartanka, kaas oo aan marnaba ka marneyn doorashooyinka dhacaya, oo la filayo inay hareeyaan is-qab-qa bsi, sida uu qabo guddoomiyihii hore ee baar lamaanka HirShabelle.

Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo la had lay Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday in dooda ugu badan ay ka timaado soo xulida xi ldhibaanada labada gole, isaga oo sababta ku sheegay in tartan adag ay wada galayaan mu sharraxiin la wato iyo kuwa kale oo xil doon ah.

Waxa uu xusay in is-qab-qabsiga doorasha da uu hadda un bilow yahay, lana filayo in si aad ah la isgu qabto soo xulista xildhibaanada oo dhi nacyada saameynta leh uu midba isku dayayo inuu xildhibaano soo saarto.

"Is qabqabsi kama marna doorashooyinka si gaar ah Golayaasha Shacabka & Aqalka sare, Dowladda dhankeeda waxa ay wadataa mushar ax ay dooneyso in loo doorto halka uu la tartam ayo shaqsi kale oo kursigaas damacsan balse waxa loo baahan yahay in lagu kala saaro waa wax u qabashada dadka ay metalaan,” ayuu yiri Guddoomiye Barre.

Sidoo kale wuxuu farriin adag u diray hoggaa miyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo sheegay in waajibka 1aad uu iyagu saaran yah ay, loogana baahan yahay caddaa lad.

"Waajibta ugu horreeyo waxa uu saaran ya hay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedyada oo gudbinaya liiska magacyada Musharixiinta Senat arada Aqalka sare, ilaa shan ruux waa in uu diya ariyaa kuna soo xushaa saameynta umadda uu ku dhex leeyahay si doorashada aanay u noqon mid labo ruux lagu kala xulanayo,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo ay si ra smi ah todobaadyo soo socdo u bilaaban doonto doorashada guud ee Soomaaliya, waxaana lagu horreyn doonaa soo xulista xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soom aaliya. Xigasho:caasimadda.net

SIRDOONKA TURKEY EE MIT OO HOWLGAL CULUS KA FULIYEY KENYA


Sirdoonka Turkey ee MIT ayaa dalka Kenya ka fuliyey howgal ay kusoo xireen wiil uu adeer u yahay Fethullah Gulen, sidaa y Isniintii sheegeen qoyskiiska iyo warbaahinta Turkey.

Ankara ayaa ku eedeysay Fethullah Gulen inuu yahay maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay ee Turkey ka dhacay 2016-kii, kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof, kumanaan kalena lagu dhaawacay.

Wixii markaas ka dambeeyey Turkey ayaa xirtay kumanaan qof oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Gulen.

Wakalaadda wararka Turkey ee Anadolu oo soo xigatay ilo-amni oo aan la magacaabin, ayaa sheegtay in wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka ee MIT ay soo qabteen Selahaddin Gulen, kuna soo celiyeen Turkey.Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada 20-kii May, ayaa xaaska Selahaddin waxay ku xaqiijisay in lamaanahan ay ku noolaayeen Kenya, islamarkaana aysan warkiisa maqal seygeeda oo macallin ka ahaa iskuul ku yaalla Nairobi, tan iyo 3-dii May. Shaqsiyaad iyo warbaahin xiriir la leh dhaqaaqa Gulen ayaa baraha bulshada ku sheegay in Selahaddin laga "afduubtay” Kenya,

waxayna billaabeen olole ay ku dalbanayaan sii-deyntiisa.

Selahaddin Gulen ayaa lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay "ururka argagixisada ee FETO”, oo ah magaca ay Ankara ugu yeerto dhaqaaqa Fethullah Gulen. Fethullah Gulen, oo ku nool gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka, ayaa ku adkeysta inuu madax ka yahay shabakad nabadeed oo ka kooban shirkado iyo ururo samafal, wuxuuna beeniyaa inuu wax xiriir ah la leeyahay isku daygii afgambi ee 2016.

Maxkamad Kenyan ah ayaa 6-dii May mamnuucday xariga Selahaddin Gulen iyo in loo masaafuriyo Turkey. Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in lasoo celiyo baasaboorkiisa, loona ogolaado inuu ku laabto Mareykanka, oo uu ka yimid.Selahaddin, oo ururka booliska add uunka ee Interpol uu kasoo saaray amarka cas ee lagu soo xirayo kadib codsi ka yimid Turkey, ayaa Nairobi yimid 17-kii October 2020, waana la xiray, kahor inta aan damiin lagu sii deyn laba maalin kadib. Sanadii 1999-kii, sirdo onka Tur key ayaa Kenya kasoo xiray hoggaami yihii koo xda Kurdish-ka ee PKK, Abdullah Ocalan, wuxu una ku jiraa xabsi ku yaalla Turkey.

Wixii ka dambeeyey isku daygii afgambi ee 2016, Turkey ayaa dalka kusoo celisay labataam eeyo ka tirsan shabakadda Gulen, ayada oo aan kala jecleyn cawaaqibka dibadeed ee ka dhalan karan.

Afduubka lix Turkish oo sirdoonka MIT ay 2018-kii ka sameeyeen Kosovo ayaa qalalaase siyaa sadeed ka abuuray dalkan Balkan-ka ah, wux uuna hoggaamiyey is-casilaadda wasiirkii arrim aha gudaha iyo madaxii sirdoonka

Ankara ayaa sidoo kale ku cadaadisay dalal badan, gaar ahaan kuwa Balkan-ka, Bartamaha Asia iyo Afrika inay xiraan iskuullada xiriirka la leh Gulen.Kenya ayaa 2016-kii diiday inay xirtay

lix iskuul, inkasta oo ay Ankara ku adkeysatay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip