Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Lagu Soo Dhaweeyey Muqdisho Kadib Safar Uu Ku Tagay Gobolka Mudug

0
Friday October 09, 2015 - 10:35:59 in Wararka by
  • Visits: 677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Lagu Soo Dhaweeyey Muqdisho Kadib Safar Uu Ku Tagay Gobolka Mudug

    Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo maalmahan booqasho ku joogay gobolka Mudug ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho Khamiistii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo maalmahan booqasho ku joogay gobolka Mudug ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho Khamiistii. Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayadoo guddoomiyahana uu gacan qaaday dhammaan mudanayaashii soo dhaweeyey.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lasoo dhaweeyey kadib saxaafadda kula hadlay qeybta nasashada garoonka diyaaradaha Aadan Cade ayaa tilmaamay in safarkii uu ku tagay degmooyin ka tirsan gobolka Mudug uu guul kusoo dhamaaday islamarkaana uu kula soo kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, sidoo kalena waxa uu kasoo fuliyey mashaariicyo hormarineed.

      Hadaba ka hor inta aanu kasoo ambabixin magaalada Gaalkacyo waxa uu Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka lacag lagu dayactirayo ceel biyood guddoon siiyey maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayadoo ceelkaasina uu ku yaalo deegaan ku dhow Balibusle ee isla gobolka Mudug waxaana lacagtaasi ka guddoomay ku simaha Guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur Yare.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip