Mooryaankii mu'adinka dilay maxaa ku dhacay?!

0
Wednesday April 06, 2016 - 11:08:20 in Maqaallo by
  • Visits: 1261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooryaankii mu'adinka dilay maxaa ku dhacay?!

    Inta badan kolkay barqadii tahay ayay xaafadaha ku daqaqami jireen, waxayna ka qaylisiin jireen dumarka oo ay u geysan jireen dhac iyo kufsi. Nin masjidka mu'adin ka ah ayaa markay dumarka ka qaylisiiyaan adin ku dhufan jirey, kolkaas ayay gurya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan kolkay barqadii tahay ayay xaafadaha ku daqaqami jireen, waxayna ka qaylisiin jireen dumarka oo ay u geysan jireen dhac iyo kufsi. Nin masjidka mu'adin ka ah ayaa markay dumarka ka qaylisiiyaan adin ku dhufan jirey, kolkaas ayay guryaha ka soo yaaci jireen. Malaha faldambiyeedka ay ku dhexjiraan ayaa iyaga iyo shaydaankii u dirayba adinka ka cararayaan.
Muddo ka dib ninkii kaaba-mooryaanka ahaa ayaa wadaadkii ku yiri mar dambe ma adimi kartid haddii kale waan ku dilayaa!. Dabcan xumaantii uu jeclaa ayaa adinku ka hor-istaagay; si uu u soo ceshadana inuu adinka joojiyo ayay la noqotay.

Maalintii dambe ayay sidii caadada u ahayd xaafadihii ka cabaadiyeen, wadaadkiina sidii caadada u ahayd buu adaankiisii ku dhuftay, kolkaas ayaa kaaba-mooryaankii oo shaydaankiisii dabada ka wado oo rooraya wuxuu yimid masjidkii laga adimayey, wadaadkii oo munaarada saaran, adinkiina afka ku ahaya ayuu xabbad kaga soo tuuray, nafna dhulka lama gaarin!.

Intaa ka dib waqti quman kama soo wareegin markii kaaba-mooryaanka kulayl rabbi ku kacshey. War biyo igu rusheeya, war meel qabopw i geeya, war dhulka ii rusheeya, mayee xeebta ii qaada, wali ma qaboobine meesha biyaha baddu ka noqdaan ee qoyan ii qoda oo i dhex galiya iwm ayuu mar walba ku hadaaqayey. Mid kasta oo uu sheegtana dhaqso ayaa loogu samaynayey.

Ma kulayl Alle keenay ayaa aadane iyo biyo qaboojin karaan?. Ilaahay daalinka wuu u sugaa laakiin kolkuu qabto ma fakiyo. Wax yar ka dibba waxaa bilowday in jirkiisii soo dhacdhaco oo kala daato, naftana waa lugu dhibay oo muddo ayuu silic ku sii noolaa, mar walbana jirkiisu waa sii kala daadanayey ilaa dadkii hayey qurmuunkiisa la joogi waayaan.

Aakhirkii wax lala rafto, marna qurunkiisa loo adkaysan waayaba naftii ayaa ka baxday isaga oo jirkiisii horay u dhamaaday oo si loo qaado oo loo xabaalo aan la aqoon. Tan kale aan looba dhawaan karin qurmuun dar la’ . Taladii waxay ku dhamaatay in gurigii uu ku dhexjirey god looga dhex qodo oo haraaga jirkiisa badeel lugu soo xaaqo oo godka lugula xaaqo.

Dad badan oo Rabbi awood siiyey (madaxnimo, xoog, tol iwm) ayaa addoomada Ilaahay dulmi joogto ah ku haya ha haado xagga nafta ama dhinaca maalka ama dhanka sharfta iyo cirdiga. Dadkaas waxaa u muuqda xooggooda ama xoogga tolkood oo gardarada ku garabtaagan. Waxay kaloo arkayaan taagdarida dadkay dulmiyayaan oo ay la tahay in aan cidna difaacayn ama u soo gurmayan, waxayna hilmaansan yihiin ama is hilmaansiinayaan in Allihii weynaa ee abuurtay joogo oo uu daalacanayo, uuna ballan ku qaaday inuu dulmanaha u hiillinayo, awood buuxdana uu u leeyahay inuu u hiiliyo xilligii uu doono, sidii uu doonana ugu hiiliyo, wixii uu doonana ugu hiiliyo.

Gabagabadii xadgudubka iyo caasi-waalidnimadu waa labada dambi ee ugu badan oo Rabbi ciqaabtooda dunida ku soo dadajiyo ee aynu ka digtoonaano carada Alle iyo ciqaabtiisa, dulmigana ka dheeraano, midkaynu horay u geysanayna ka toobadkeeno, ciddaan dulminayna xaqeeda u celino ama ka cafis dalabno.

Waxaa Qoray:


Sheekh Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip