HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 29-MAY 2021

0
Saturday May 29, 2021 - 11:19:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 29-MAY 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada oo Saxiixay Heshiiskii ay gaareen

R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roo ble iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa saxiixay heshiiska laga gaaray murankii ka taagnaa qabashada doorashooyinka dalka.

Qoraal Shalay uu baahiy ey xafiiska Rooble ayaa lagu yiri "R/Wasaaraha XFS Md. M.Xuseen Rooble iyo Madax weyneyaasha D/goboleedyada dalka & Guddoomiya ha G/Banaadir ayaa saxiixay heshiis ku aaddan do orashooyinka dalka, iyadoo Shalay la soo xiray Shirkii G/Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho .” Intaasi kadib wasiir kuxigeenka W/Warfaafinta C/maan Yuusuf Al-Cadaala ayaa Warbaahinta u akhr iyay heshiiska doorashada ee lagu gaaray Shirka Te endhada Afisiyooni uga socday

Ra'iisul Wasaare Rooble oo khudbad ka jeedi yey Xiritaanka Shirka Wadatashiga Qaranka ee Doorashooyinka

R// Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble & Madaxda /Gobol eedyada Puntland, Md.Siciid C/hi Deni, Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye Jubbaland Md. Axmed M.Islaam, K/Galbeed, Md.C/Casiis Xasan Maxamed, Hirshabelle Md.Cali C/hi Xuseen Guudlaawe iyo G/G/Banaadir Md.Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan doorashooyinka dalka.

R/Wasaaraha oo hadal ka jeediyey xaflada xiri taa nka shirka golaha wadatashiga qaran ee dhamayst irka heshiiskii 17-kii sebteembar ayaa u mahadceliyey dhammaan dhinacyada ay khusaysay arrinta doora shada oo muujiyey tanaasul, u-turid, iyo in danta dalka laga hormariyo tan gaarka ah, waxana uu si gaar ah ugu mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyed.

Eng. Rooble ayaa sheegay in laga heshiiyey dhamm aan qodobadii lagu kala aragtida duwanaa, sida arrin ta G/Gedo, Hannaanka doorashada Gobollada Waqo oyi, turxaan bixinta qaab-dhismeedka guddiyada doo rashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-gobleed iyo sidoo kale amniga doorashooyinka dalka.

R/Wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in xukuuma ddiisu ay dadaal walba ku bixinayso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo nabdoon, isagoo ku baaqay in dhammaan dhinacyada daneeyayaasha doorashada iyo bulshada Soomaaliyeed ay qaybtooda ka qaataan sidii ay loo hirgelin lahaa doorashada, isla markaana uu dalku uga baxi lahaa caqabadaha siyaa sadeed iyo amni ee ku geedaaman.

Ilaalinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin goleyaasha dowladda ayuu tilmaamay R/l Wasaaruhu in xukuumaddiisu ay xil iska saarayso.

Madaxweyne Qoorqoor "Heeshiiskaan Waxaa Uu Naga Baajiyay Qalalaase Iyo Fowdo”

Madaxweynaha Maamul G/Galmudug Axmed Ca bdi Kaariye Qoorqoor oo ka hadlayay Munaasabadda xiritaanka Shirkii Wadatashiga Qaran ayaa sheegay in heshiiska lagu gaaray Muqdisho uu yahay mid ku yi mid isu tanaasul iyo juhdi ay sameeyeen Madaxda ku shirtay Afisyooni, waxaana uu u maahad celiyay dha mmaan dhinacyadii ka qayb qaatay shirka.Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxaa sidoo kale uu tilmaamay in dadaal dheraad ah ay sameeyeen si dhinacyadu ugu qancaan heshiiska.Waxaa uu baaq u diray dhammaan saamileyda siya asadeed ee dalka, isagoo ka cod saday mas’uuliyiinta in aysan soo noqon khiaalfaad dambe oo caqabad ku noqda doorashada, waxaana uu sheegay in loo baaa han yahay sida ugu dhaqsiyaha badan dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo dhinacyada siya asadda ay ku qanacsan yihiin. Shirka wadatashiga Qaran oo maalmihii danbe ka socday M/Muqdishu ayaa Shalay lasoo gaba-gabe eyay kadib xaflad si weyn loo maam uusay oo lagu soo xiray shirka.

Ugu danbeyntiina waxaa la gaaray heshiis iyo afg arad buuxa oo ay saxii xeen R/Wasaaraha XFS iyo dhamaan Mada xweyneyaasha D/Goboleedyada iyo G/ G/Banaadir.

Saciid Deni"Waxaan u baahanahay inaan ka wada shaqeyno sidii dalku aadi lahaa…..”

Madaxweynaha D/Goboleedka Puntland Siciid C/hi Deni oo khudbad kooban ka jeediyey shirka lagu soo xiraayo heshiiskii ay wada gaareen ma daxda Dowl adda Soomaaliya iyo dow lad gobole edyada dalka ayaa waxa uu ka hadlay arinta ah wadahadalada Soo maali land iyo soomaaliya isaga oo sheegay iney muh iim tahay in laga shaqeeyo midnimada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Siciid Deni oo ka hadlay arrimaha doorashada ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in dal kan ay ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay taas oo ku dhacda si nabdoon.

Madaxweynaha Puntland ayaa mar kale yiri "Waxa an u baahanahay inaan ka wada shaqeyno sidii dalku u aadi lahaa doorasho xor iyo xalaal ah taas oo lagu wada kalsoon yahay "

Hadal Jeedinta Axmed Madoobe "Iima Muuqa to Dano Gaar Ah Oo Siyaasadeed”

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Isla am Axmed Madoobe oo ka hadlayay gunaanadka shi rka Wadatashiga qaran ayaa sheegay in xal laga gaa ray qodobadii sida weyn looga hadlay, waxaana uu si gaar ah ugu mahadceliyay R/Wasaare M.X.Rooble.

Waxaa uu sheegay in Madaxda Afisyo oni ku shiray ay ahaayeen kuwo isku tanaasul iyo dul qaad sameeyay, wa xaana intaa ku daray in xal laga gaaray dhammaan waxyaabihii la siku hayay oo dhammaantood quse eyay arrimaha doorashada dalka.

waxaa dhammaan dhinacyada ay quseyso siyaas adda dalka uu ugu baaqay in ay ku dadaalaan sidii ay ku dhaqan galin laahayeen hannaanka doorashada, ayna dhaqan galiyaan qodabada kasoo baxay shirka, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin masiirka doorasho dalka ka dhacda oo xor iyo xalaal ah.

Cumar Filish” Heshiiskani Waxaa Uu Muhiim U Yahay Umadda Soomaaliyeed”

G/G/ Banaadir Cumar Maxamed maxamuud Cum ar Filish oo ka hadlayay Munaasabadda lagu soo gu nanadayay Shirka Wadatashiga qaran ayaa ka dhawa ajiyay arrimo muhiim oo looga had lay shirka maaml mahaan u so cday Dwol adda dhexe, Maamul Gobole edyada iyo Gobolkani Banaadir.

Waxaa uu sheegay Cumar Filish in shirku uu ku dhi snaa isu tanaasul iyo isku laab xaarnaan, waxaana uu u nahad celiyay dhammaan ka qayb qaatayaashii shir ka, oo ay ugu horreeyaan shacabka Caasimad da.Cumar Filish ayaa tilmaamay in heshiiskani uu mu hiimad gaar ah u leeyahay umadda So omaaliyeed, gaar ahaan shacabka Mu qdisho, kuwaasi oo uu sheegay in ga rab istaag weyn ay muujiyeen,

Sidoo kale dhammaan ka qeybgalayaasha kul anka Wadatashiga Qaran ayaa ka hadleeniyagoo ba llan qaadfay in ay ka dhabeyn donaan heshiiska ay ga areen Waxaan Md. Gudlaaye iyo Md. Lafta gareen ay soo jeediyeen guusha kulankaasi in ay hrgelin doon aan

Xalka arrinta Gedo: Kaalinta Rooble, Axmed Madoobe iyo AMISOM (Faah-faahin) War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii G/W/tashiga Qaran ayaa waxaa si gaar ah loogu faah-faahiyey

qaabka looga heshiiyey arrinta Gedo, oo qeyb ka ah

eyd qoddobada ugu adkaa ee heshii ska laga gaaray.

Golaha ayaa go’aamiyay abuurida guddi dib u heshiisiineed oo ka koob an DFS iyo D/goboleedyada oo aysan ku jirin Jubb l and, guddigaas oo lagu soo magac aabayo 3 maalmo od gudah ood, taasi oo ka bilaabaneysa maalinta he shiiska la saxi ixay.Madaxda shirweynihii doorashada ayaa go’aa miyay in Rooble uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u he shiisiinta G/Gedo, xili ay hore ugu sugnaay een ciida mo si gaar ah uga amar qaata madaxweyna ha waqtigi isa dhamaaday.

Go’aanka ay mas’uuliyada doorashada Gedo u sa areen Rooble ayaa lagu sheegay si ay habsami uga dhacdo doorashada xildhibaannada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la siiyey awooda magacaabista xubno maamul cusub oo ay yeelato de gmada Garbahaarey, kuwaas oo lagu wado inay usoo gudbiyaan guddiga dib u heshiisintu.

Shaqada loo igmaday guddiga dib u heshiisiinta Gedo ayaa lagu sheegay inay tahay dhameystirka qor shada xasilinta gobolka iyo jawiga qabsoomida doora shada Garbahaarey oo loo muddeeyay muddo 30 ci sho oo ka bilaabanaysa maalinta la magacaabo, sida ku qoran war-murtiyeedka.

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in Ciidamada bool iska AMISOM la geeyo Garbahaarey, kuwaas oo sug aya amniga magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashada.

Heshiiska laga gaaray arrinta Gedo ayaa inta bad an waadaqsan soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo Waxaa xusid mudan in heshiiska doora shada ee qeybta ka tahay arrinta Gedo in la gaaray ay ada oo ka maqan yahay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, oo ay xiisada gobolkaas si gaar uga dhaxeysay Axmed Madoobe.

Si kastaba, dalka ayaa u jiheystay dhanka iyo door asho kadib is-qab-qabsi badan oo ka dhashay khilaa fkii doorashooyinka oo kal hore caasimada ka riday qalaalase amni.

Cabdi Xaashi oo war kasoo saaray caruurta tababarka ciidan loogu qaaday Eritrea

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/hi ayaa noqday mas’uulka kaliya ee xiritaanka shirka G/ Wadatashiga Qaran kusoo hadal qaaday cabashada ay qabaan qaar ka tirsan waalidiin Soomaaliyeed oo ilmahooda la sheegay in loo qaaday tababar, balse aysan ka war heyn halka ay ku sugan yihiin. Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalmahaan ay warbaahinta ka maqlayeen cabasho xooggan oo ka ti mid waalidiintaas oo ilaa hadda aan loo sheegin, halka la geeyey ilmahoo da iyo waqtiga ay dib u midoobi doon aan.

GuddoomiyeXaashi ayaa sheegay in waalidiinta cabanaya ay sheegayaan in qaarkood ilmahooda ay san arkin muddo 2 sano ah, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado oo u baahan in xal deg deg ah loo helo.

Madaxda sare ee dalka ayuu gudoomiyaha Aqalka Sare ka codsaday inay u jawaabaan waalidiinta caba naya ee aan caruurtooda war iyo wacaal midna ka haynin. Waxaa uu sheegay in haddii laga jawaabin ay ka dhalan doonto in ay sii waddaan banaanbaxyada dowladda uga soo horjeeddaan.

Hadalka G/C/Xaashi ayaa kusoo aadayo xilli maa lmihii dambe ay soo xoogeysatay cabashada ka imaa neyso waalidiinta ilmahooda loo sheegay in tababar loo qaadayo balse aan ilaa hadda nolol iyo geeri mi dna lagu heyn.

Ilmaha warkooda la raadinayo ayaa la rumeysan ya hay in tababar ciidan loogu qaaday dalka Eretria, wa xaana jirto cabsi ku aadan in qaarkood ay dhinteyn, qaar kale ay ka baxsadeyn xirooyinka tababarka halka

qaarka kalana ay ku jiraan nolol aad u dhib badan.


FARMAAJO oo codsi u diray madax gob oleedyada kadib heshiiskii doorashooyin ka

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa codsi u diray madaxda maamul goboleedyada Soom aaliya kadib heshiiskii laga gaaray doorashooyi nka ee Dorraad lagu saxiixay Muqdisho.Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda saxiixa heshiiska ayaa sheegay in heshiis kaliya aanu muhiim aheyn balse loo baahan yahay in la fuliyo, wuxuuna ugu baaqay madax goboleedyada inay hirgeliy aan, ayada oo ay jirto in dhowr he shiis oo horey loo gaaray ay gadaal ka fashilmeen.

"Madaxweyneyaasha dowlad gobo leedyada iyaga waxa aan rabaa in aan la dardaarmo. Jidkan waa aan soo marnay, khibraddeedada waan le ennahay. Waxaan idinka codsanayaa, ummadda So omaalyeedna idinka codsanaysaa, sidoo kale Madax dii halkan soo istaagtey idinka codsatay, in hawshan la idiin xilsaaray aad hore u dhaqaajisaan,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

"Doorashadan heshiis waa laga gaarey, balse waxa ay u baahan tahay hirgelin, waxa ay u baahan tahay dhaqan gelin iyo dhammaystir. Runtii mas’uuliyaddan idinka ayaa iska leh, idinka ayaa ay hadda idinku soo wareegtay. Aniga iyo shacabka Soomaaliyeed kaalint ayadu waa in aan idin baritaarno oo idiin ducayno, oo aan idiin kugu tufno, waana idiin barakaynay. Waxa aan idiin kugu ducaynay in hawshan Alle idiin fud de eyo oo doorashadani inoogu dhammaato si nabad ah, hufan oo xalaal ah, qofkasta oo muwaadin ah oo doo naya in uu dalkiisa iyo dadkiisa u adeegona aanu xuquuqdiisa idinka waayin oo aad u caddaalad sam aysaan.”

Farmaajo ayaa heshiiska doroashada ku tilmaam ay guul weyn. "Maaha guul innaga oo keliya inoo soo hoyatay, waa guul u soo hoyatay ummadda Soomaali yeed meel kasta oo ay joogan, taas oo hammigoodii iyo rejadoodii kor u qaadday,” ayuu yiri.

"Waa inaan fahannaa dadka Soomaaliyeed waxa ay doonayaan. Waxa ay doonayaan degenaansho, wa xa ay doonayaan doorasho, waa ayna u diyaarsan yi hiin. Runtii, Waa aan idiinkaga mahad celinayaa juhdi gii aad geliseen in aad Shalay ummadda Soomaa liyeed kaga farxisaan.”

Jabuuti oo madaxda Soomaalida ku boorisay inay si buuxda u fulliyaan Heshiiska ay gaareen.

Dowladda Jabuuti ayaa soo dhoweyneysaa he shiiska ay wada gaareen madaxda Dowladda Federa alka Soomaaliya iyo hoggaamiyeya asha maamul goboleedyada, kaasi oo lagu go’a amiyay in 60 maal mo od gudah ood lagu qabto doora shooyinka.

war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrim aha dibada ee Jabuuti ayaa waxaa madaxda Sooma lida lagu boorriyay inay si buuxda u fulliyaan heshiiska ay gaareen.

"Jabuuti waxay ku dhiiri galineysaa dhamaan dane eyayaasha siyaasada Soomaaliya inay si buuxda u ful iyaan heshiiskan si looga hortago xasilloonida iyo am ni darrada. Jabuuti waxay taageereysaa howshan wax ayna muujineysaa rajada ay ka qabto in Jamhuur iya da aan walaalaha nahay ee Soomaaliya ay sii waddo dadaalkeeda ku aadan wadada xasiloonida, nab dda iyo horumarka.” ayaa lagu yiri war-saxaafad eedka wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti.

 

Ciidanka dowladda oo la wareegay deeg aano badan, kadibna gubay xarumo Shabaab lahayeen

Ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo xoogan ka wada deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe. Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay iney gubeen xarumo aay ku lahaayeen gobolka Sh/ dhexe dhaqdhaqaaqa Al-shabaab sida uu sheegay Af hayeenka ciidamada xoogga dalka Gaashaanle Sare Cali Xaanshi.

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka oo la hadlayay Iddaacada ku hadasha afka ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in ciidamada xoogga aay ka guuleyst een Al-shabaab, kana saareen fariisimo muhiim u aha a oo aay ku lahayeen gobolka Sh/dhexe.

" Waxay ciidamadu gubeen saldhigyadii iyo xarumi hii kooxda Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanada laga saaray sida deegaanka War Ciise iyo deegaano kale” ayuu yiri afhayeenka ciidamada G/le sare Cali Xaanshi.

Afhayeenka ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in cii danka xoogga dalka aay wadaan howlgalo kale oo lagu sii baacs anaayo Al-shabaab, waxaana ho wlgalkaasi hoggaaminaayo Taliy aha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage. Deegaanada la sheegay in howlgalada aay kula wa reegeen ciidamada xoogga dalka waxaa ka mid ah deegaano ku yaala Bariga magaalada Jowhar oo kala ah War ciise, Gaal leef, War dhagax, Jilable, Cali Fool dhoore, & Qoordheere. Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaat ay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden

R/ Wasaaraha Somaaliya Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden Mudane Per Olsson Fridh oo booqasho ku yimid dalka.

R/Wasaare Rooble oo kulan ka ay ku weheliyeen Mad axda D/goboleedyada iyo Maamu mlka G/Banaadir ayaa uga mah adceliyay dowladda Sweden taa geeradeeda dalkeenna ay la gara btaagan yihiin, gaar ahaan dhina cyada horumarinta, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, RW iyo Madaxda kulanka ku wehelisay ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago shacabka Soomaaliyeed geeddi socod ka dimuqradiyadeed iyo dowlad dhiska dalka.

Dhankiisa, Wasiirka ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee Shalay la ga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaq an gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.

Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska oo qarax ka badbaaday

Maxamed Daahir oo kamid ah saraakiisha sar sare ee ciidanka booliska Soomaaliya ayaa Shalay qa rax xooggan oo Miino ahaa lagula eegtay nawaaxiga Kontrolka KM4 ee laga ilaaliyo garoonka Muqdisho.

Sidda ay goobjoogayaal noo xaqiijiyay taliyaha ayaa ka badbaaday Qaraxa.

Gaari Proof ah oo uu watat ayey miinada qabsat ay, waxaana uga dhaawacmay mid kamid ah ilaaa ladiisa. Maxamed Daahir ayaa horay u soo noqday tal iyaha Saldhig Galbeed, Wiyow Cadde iyo Saldhiga de gmada Hodan, waxaana hadda uu ka mid yahay Sar aakiisha si dhow ula shaqeysa taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska.

Guddoomiyaha G/ Banaadir Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Dowladda Sweden

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md.Cumar M. M. (Cumar Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hogg aaminaayay Wasiirka Iskaash iga iyo Horumarinta Caa lami ga ah ee dalka Sweden Per Olsson Fridh oo boo qasho ku jooga Magaalada Muqdisho .

Kulankaan waxaaay goob-joog ka ahaa u qaab ils anaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden ee dhi naca Africa, Safiir Ku xigeenka Sweden, Xoghay aha Guud ee Maamulka G/Banaadir, Agaasi meyaal iyo La-aliyeyaal.

Guddoomiyaha G/ Banaadir ayaa ugu horeyn waxa uu ugu Mahadceliyay D/Sweden Taageerida ay la gar ab taagan tahay Soomaaliya, isigoo dhinaca kale ugu warbixiyay Horumarada ka socda Caasimada Sooma aliya, arrimaha narakacayaasha, shaqo abuurka dhal inyarada iyo qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca horumarinta iyo adeegyada Bulshada.

Wasiirka ayaa bogaadiyay Horumarada muuqda ee ka socda Caasimada, isigoona ku amaanay Maam ulka Gobolka Banaadir Howlaha dib-u-dhis iyo midka adeegyada Bulsho ee ka socda Gobolka Banaadir. waxaana uu Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caa lamiga ah ee Sweden Per Olsson Fridh ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqeyn doonaan Maamulka Gobol ka Banaadir isla markaana ay ka taageeri doonaan xa ga horumarinta, dib-u-dhiska iyo adeegyada BulshO

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa waxa uu Wa siirka Guddoonsiiyay haddiyado isugu jira shahaado sharaf iyo dharka hiddaha & dhaqanka Soomaaliya.

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Shalay tegey xeebta Liido Madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay shir ug aga socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa xeebta Liido ay kula qadeeyen Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxa med Xuseen Rooble ayaa qado sharaf mahadcelin ah

 

u sameeyay.

Qado sharafta uu Ra’isul Wasaare Rooble u sam eeyay Madaxda dowlad goboleedyada iyo gudoomiya ha Gobolka Banaa dir ayaa ka dhacday Ho tel weyn oo kuyaala xeebta Liido ee degmada Cabdi Casiis.

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad go boleedyada ayaana qadada kadib daawasho u tagay xeebta Liido oo xiligaas ay joogeen boqolaal dadwe yne ah, waxa ayna madaxda gacamaha u haatiyeen shacabka damaashaadka u tagay Xeebta Liido.

Qarax xooggan oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo Shalay ka dhacay Baydhaba

Faah-faahino dheeriya ayaa kasoo baxaya qarax dhi masho sababay oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa qaa dka lagu iibiyo ee bartamaha maga alada Baydhabo, xili ay ka taagneyd saxmad aad u badan, sida ay Caasimada Online u sheegen dad goo bjoog ah.

Qaraxa oo la dhigay goobta Suuqa ayaa waxa uu sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 7 qof kale, sida ay laamaha amaanka inoo xaqiijiyeen.

Khasaaraha dhimashada ayaa saacadaha soo socda kordhi karta, sida ay sheegen mas’uuliyiinta degmada Baydhabo, maadama lasoo warinayo in dhaawacyada ku jiraan qaar aad u culus.

Qaraxa ayaa kusoo aaday xili ay saxmad badan ka jirtay suuqa lagu iibiyo qaadka, illaa haddana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas

 


AQRISO: QODOBADA HESHIISKA DOORASHADA OO DHAMEYSTIRAN


Waxaa Shalayeyd war-murtiyeed laga soo saaray shirkii Madasha wadatashiga doorashooyinka ee maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho uga socday Ra’iisal wasaare Rooble, Madaxda dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

War-murtiyeedka ayaa lagu faah-faahiyey dham aan qoddobadii heshiiska laga gaaray, kadib dood dheer oo ay madaxdu ka yeeshen maalmihii lasoo dhaafay.

Heshiiska oo ay qalinka ku duugeen Rooble iyo saxiixayaasha kale ayaa waxa xal kama dambeys ah looga gaaray khilaafkii mudada badan soo jiitamayey ee ka taagna qabsoomida doora shooyinka.

Qodobada heshiiska doorashada ee xalka laga gaaray, islamarkaana lagy soo bandhigay ayaa waxaa ugu waaweyn:

1: In Dib u eegis lagu sameeyay soo jeedintii guddiyada farsamo ee kal hore ku shiray magaalada Baydhabo.

2: In xafiiska Ra’iisal wasaaraha loo gudbiyo gudiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashada kajirto muddo saddex malmood gudahood ah.

3: In guddiga Doorashooyinka ay dhexdooda iska soo doortaan guddoonkooda.

4: In Gudoomiyaha Garbahaareey iyo maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubbaland, ayada oo amniga sugayaan ciidamada booliska AMISOM.

5: In guddiga doorahada Somaliland uu 6-xubnood uu soo magacaabo Gudoomiyaha aqalka sare, halka inta kale la siiyey Mahdi Guuleed.

6: In ciidamada aysan ku milmin siyaasadda, sida kal hore dhacday.

7: In 60 maalmood gudahood ay ku dhacdo doorashada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in shirweynaha uu arinta Somaliland u xilsaaray ra’iisal wasaaraha, isaga oo ka duulaya la tashiyo uu la sameynayo gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ra’iisal wasaare ku-xigeenka, Mahdi Guuleed.

HOOS KA AQRISO WAR-MURTIYEEDKA OO DHAMEYSTIRAN.


Puntland oo shaacisay in ay dishay 20 xubnood oo katirsan Daacish oo uu ku jiro sarkaal ajnebi ah

Ciidanka amniga Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa howgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen buuralayda gobolka Bari waxay sheegeen in ay ku dileen Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan Kooxda Daacish.

Qoraal lagu

daabacay baraha bulshada ee ciidd anka PSF ayaa sidoo kale lagu she egay in howgalkaas lagu qaarajiyay 20 xubnood oo katirsan Daacish, sidoo kalena lagu burburiyay saldhig Daacish qaraxyada kasoo abaabuli jirtay.

Sarkaalka ajnebiga ah ee la sheegay in weerarkas lagu dilay waxaa lagu magacaabaa, Khaalid Jaamac Maxamed (Abu Usama Al-muhaajir). Wuxuu u dha shay dalka Pakistan, wuxuuna Daacish u qaabilsana sahanka iyo tababarada.

Taliska PSF waxay sheegeen in howlgalkan uu ka dambeeyay xog ay bixiyeen xubno katirsan Daacish oo gacanta lagu dhigay.

Lama sheegin wax khasaare ah oo dhinaca ciidanka kasoo gaaray howlgalkan

Muxuu yahay CODSIGA loo diray maamu lka Biden ee la xiriira dadka Soomaalida?

Afar xubnood oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa maamulka madaxweyne Joe Biden u diray codsi ku saabsan in dib loo soo cusbooneysiiyo sharcigga badbaadinta ku-meel gaarka ah ee loo yaqaan TPS ee dadka Soomaalida aan sharciga ku laheyn Marey kanka.

Madaxweyne Biden ayaa sharcigan dhowaan dib ugu cusbooneysiiyey dadka kasoo heeda dalalka Myanmar iyo Haiti, laga billaabo 25-ka May. Hase yee shee waxaan weli kala caddeyn xaaladda sharciga ee dadka Soomaalida ah oo uu ka dhacayo 17-ka Sep tember.

Afarta xubnood ee Congress-ka

, oo ay ku jirto Ilhaan Cumar, oo laga soo doorto Minnesota ayaa saxiixay warqad ay ugu baaqayaan maamulka Biden inuu mu ddada sharciga u dheereeyo Sooma alida.

Sharciga TPS ayaa ka hortagaya in Mareykanka la ga masaafuriyo dadka kasoo jeeda dalalka qaar ee loo arko kuwa halis ah in lagu laabto. Dadka haysta sharcigan ayaa sidoo kale la siiyaa sharci kale oo u ogolaanaya inay dalka Mareykanka ka shaqeystaan

"Tani waa xaalad nolol iyo geeri u ah dad badan oo degan degmadeyda iyo dhammaan Mareykanka,” ayey Ilhaan ku tiri qoraal ay u dirtay wargeyska Sahan Journal.

"Xaaladda Soomaaliya aad ayey uga fog tahay amni, islamarkaana dad badan oo haysta sharciga TPS waxay ku nool yihiin cabsi iyo walaac, ayaga oo aan ogeyn inay dalka sii joogi doonaan iyo in kale.”

Saddexda xubnood ee kale ee Ilhaan la qaba wala acan ayaa ah Pramila Jayapal iyo Adam Smith oo la ga soo doorto gobolka Washington, iyo Yvette Clark oo laga soo doorto New York.

"Baabi’inta TPS waxay cawaaqib burbur leh ku yeelan doontaa carruur Mareykan ah oo ay dhaleen Soomaalida haysata sharciga, sababtoo ah waalidiinta waxay wajihi doonaan kala doorasho aan macquul aheyn oo ah inay caruurtooda ka tagaan ama u kaxe eyaan dal halis ah,” ayey ku yiraahdeen warqadda.

Warqadda ay qoreen xubnaha congress-ka ayey u direen Xoghayaha Amniga Gudaha Alejandro May orkas iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken.

Mareykanka iyo IGAD oo soo dhaweeyay guu sha uu ku dhamaaday shirkii Madaxda Soomaaliya.

Waxaan bogaadineynaa dadaalka raiisel wasaare Roble waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyaasha soomaaliya in ay ilaaliyaan wadashaqeynta iyo tana asulka la muujiyey intii lagu jiray wadaxaajoodka todobaadkaan.

Waxaan ku dhiirigalinaynaa dhinacyada Soomaal iya inay si dhaqso leh ugu dhaqaaqaan fulinta heshi iska,Waxaanna xageyna rajeyneyneynaa inaan sii wadno taageerada aan siineyno ho wshaas.

Dhinaca kale,Madaxda IGAD wa xay soo dhaweynayaan heshiiska ay gaareen madaxda Soomaalia ee ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka qaran iyadoo loo marayo wadahadal dhab ah oo ay Sooma alidu horseed ka tahay .

IGAD waxay ku amaaneysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shir madaxee dka iyo sida hufan ee uu hoggaamintiisa u gaarsiiyay suurtagalinta doorashooyinka.

IGAD waxay rajeyneysaa inay sii wado la shaqeyn ta wax ku oolka ah ee ay la leedahay dhammaan dhin acyada ay khuseyso si ay u taageerto fulinta dhaqsaha leh iyo fulinta.

SHARMA BOY iyo Maslax Mideeye oo galay shil gaari

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee xa runta maamulka Puntland ayaa sheegaya induleedka magaaladaas shil gaari ku galeen koox fanaaniin ah oo uu horkacayey fanaanka da’yar ee Sharma Boy.

Shilka ayaa waxaa ku geeriyood ay ilaa inta la xaqiijiyey hal qof oo du mar ah, ayada oo dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray ku dhawaad 3 qof oo kale.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in fanaan Sharma Boy uu soo gaaray dhaawac fudud, ayada oo lagu soo waramayo in uu Sharma uu waday baabuurka shilka galay.

Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in Maslax Mideeye uu kamid ahaa kooxda fanaaniinta ah ee shi lka galay, waxayna dhawaan safar faneed ku tageen magaalada Garoowe isaga iyo saaxiibkii Sharma Boy oo muddooyinkii dambe ka wada shaqeynayey ban dhig faneedyo.

Sawiro laga soo qaaday gaariga shilka galay ee ay saarnaayeen fanaaniintu ayaa muujinayey inuu gaar iga rogday. Waxaa goobta shilka gaaray Ciidamada booliska Puntland

Ollolaha doorashooyinka wakiilada iyo deeg aanka Somaliland oo soo idlaaday

Ollolihii doorashooyinka deegaanka iyo wakiilada Somaliland oo bilaabmay 23 bishan May, ayaa Shalay soo idlaaday, waxana soo afmeeray xisbiga Wadd ani, oo maa lintiisi ugu danbay say isku soo baxay.

Xisbiga Waddani oo soo afm eeray ollolaha lixda cisho ah aa, ayaa isu soo baxyo ka sam eeyay dhamaan gob olada iyo degmooyinka Soma liland.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo maalinta ugu dan baysa ee ollolaha kaga qayb galay magaalada gana csiyeedka Tog-Wajaale, ayaa sheegay in doorasha dani qiimo weyn ugu fadhido Somaliland.

"Doorashadani Somaliland qiimo badan ayay ugu fadhidaa, wakhti badan bay qaadatay in lagu heshiiyo, dunida oo dhamina way soo eegaysa, safiiro badan ay aa inoo imanaya markii ugu horaysay” ayuu yidhi.

Ollolaha doorashooyinka deegaanka iyo waakiiilada ee Somaliland, oo socday muddo 6 cisho ah (23-28 May), ayaa waxa ka qayb qadanayay musharixiin ka kala socda xisbiyada Waddani, UCID iyo Kulmiye.

Maal maha ollolaha doorashooyinka ayaa doorkan aad u koobnaa oo ahaa 6 maalmood oo kaliya oo xi sbi kasta lasiiyay 2 maal mood, halka barigii hore oll olaha doorashadu socon jiray ugu yaraan 21 maa lmood.

Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Mid oob ey guddi baaris ah u saaraya xadgudub yadii ka dhacay Gaza

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu isku raacay in la furo baaritaan caalami ah oo furan oo ku saabsan xadgudubyada intii lagu guda jiray dagaalkii 11 maalmood socday ee u dhexeeyay Israa’iil iyo kooxaha Falastiiniyiinta ee Gaza, iyo xadgudubyo "nidaamsan” oo ka dhacay dhulka Falastiin ee la haysto iyo gudaha Israa’iil.

Codeyn ay qaateen 24 dowladood ayaa lagu taageeray, 9 ka mid ah ayaa diiday, 14 ayaa ka aamustay, madasha oo ka kooban 47 xubnood ayaa meel marisay qaraar ka dib fadhi gaar ah oo maalintii oo dhan socday maalintii Khamiista oo ay keeneen Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo wafdiga Falastiiniyiinta.Qaraarku wuxuu ku baaqay in la abuuro Guddi joogto ah oo baaris ah si ay ula socdaan ugana warbixiyaan xadgudubyada xuquuqda ee Israa’iil, Gaza, iyo Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ee la haysto.

Sida ku xusan qoraalka, guddiga ayaa sidoo kale baaraya "dhammaan waxyaabaha salka ku haya sababaha keena xiisadaha soo noqnoqda, xasillooni darrada iyo sii socoshada isku dhaca” oo ay ku jiraan takoorid iyo caburin.

Baaritaanka waa inuu diirada saaraa sameynta xaqiiqooyinka iyo aruurinta cadeymaha dacwadaha sharciga ah, waana inuu hadafkiisu yahay in la aqoonsado kuwa geysanaya si loo hubiyo in lala xisaabtamo.

Beesha Caalamka oo soo jeedisay in si deg deg ah loo qabto hanaanka doorashada Soomaaliya

Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DFS-DXDF) ee guusha ku soo idlaaday magaalada Muqdisho.

Waxay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Roo ble bogaadinayeen sida uu u hogaamiyay geeddi-so codkan, iyo sidoo kale Madaxweynayaasha Dow ladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gudd oomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo siya asiyiinta kale ee sida habsanida leh ee wax ku oolka ah uga qaybqaatay wadahadallada.

Waxaan Mahad u soo jeedinayeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ oo ku baaqay 1dii bishan Maajo in lagu laabto hanaanka do orashada 17 Sebtembar ee heshiiska ku saleysan.

Waxay hadda ugu baaqeen dhammaan saamilleyda in ay si degdeg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhanyahay oo daahfuran oo dib u dhac la’aan ah.

Beesha Caalamka madaxda Soomaaliyeed ugu ba aqday inay wadahadal caadi ah oo dhexmara saxiixa yaasha Heshiiskii 17kii Sebtembar ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee mustaqbalka yimaada.

Saaxiibada Beesha Caalamku waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taag eeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah.

.


 

Operations Analyst

 


Job categories Project Management, Programme Management

Vacancy codeVA/2021/B5001/21823

Level ICS-8

Department/office NYSC, Peace and Security Cluster

Duty stationMogadishu, Somalia

Contract tyInternational ICA

Contract leve lIICA-1

Duration Ongoing contract (Open-ended, subject to organizational requirements,

availability of funds and satisfactory performance)

Application period 25-May-2021 to 08-Jun-2021



Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.

 

Background Information - PSC

 

Peace and Security Cluster

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other mine action partners. It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients. TheDirector is responsible for administering and providing oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.

UNMAS

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.

UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor.

Functional Responsibilities


*CANDIDATES WITH NO UN OR UNOPS EXPERIENCE ARE ENCOURAGED TO APPLY *Qualified fe...

Competencies

.
Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...

Education/Experience/Language requirements


Education A First Level University Degree (Bachelor’s Degree or e...

Contract type, level and duration

.
Contract type: International Individual Contractor Agreement (IICA) Contract lev...

Additional Considerations


Please note that the closing date is midnight Copenhagen time Applications ...

Background Information - UNOPS

.
UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful imp...



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip