Safaaradda Soomaaliya Ee Boqortooyada Sacuudi Oo Ka Warbixisay Xujeyda Waxyelada Ay Soo Gaartay
Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya mudane Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay tirade Soomaalida ee sanadkani soo xajiyay, isagoo sheegay in sanadkani ay xajiyeen in ka badan 7000 oo Soomaali ah. Safiirka ayaa tilmaamay in ay ku dhinteen dalkaasi dad Soomaaliyeed
oo gudanayay waajibaadka Xajka kuwaa oo la dumay wiish, halka kuwa kale
ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay ee Soomaalida ah, waxyeelada ay
ka soo kala gaartay wiishkii ku dumay xujeydii faraha badneyd, iyo
isbuurashadii dhacday intii ay ku guda jireen gudashada Waajibaadka
Xajka.
"Sedex Qof oo Soomaali ah ayaa ku dhimatay wiishkii ku dumay xujeydii gudanayay waajibaadka xajka, halka ay ku dhaawacmeen 2 xaaji oo Soomaali ah, dhibaatadii ka dambeysay ee isbuurashadii iyana waxaa ku dhintay 10 ruux oo Soomaali ah, halka 5 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen, weli waxaa jira 3ruux oo la la’yahay” ayuu Yiri Danjire Daahir Maxamuud Geelle.
Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya mudane Daahir Maxamuud Geelle oo sii hadlay ayaa ka warbixiyay howlaha dadka Soomaaliyeed ay ugu qabteen dalkaasi, isagoo sheegay in si hufan ay ugu qidmeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ayna siiyaan dadka raba baasa boorada, ayna u fuliyaan adeegyada asaasiga u ah dadkaasi ay safaaradda laga doonayo.
Safaaradda Soomaaliya Ee Boqortooyada Sacuudi Oo Ka Warbixisay Xujeyda Waxyelada Ay Soo Gaartay
Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya mudane Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay tirade Soomaalida ee sanadkani soo xajiyay, isagoo sheegay in sanadkani ay xajiyeen in ka badan