Saddax Su'aal siyaasadeed iiga Jawaab=Fallo=

1
Wednesday May 05, 2021 - 23:27:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddax Su'aal siyaasadeed iiga Jawaab=Fallo=

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

1. Beryahaan waxaa Baraha Bulshada lagu soo Yaaciyay Vedio. Nin dhalin yaro ah iyo Laba Asgari oo Somali land joogo oo Dhalinyarada weydiinayo, Muqdishu ma aadi leheyd?.

 
Dhalinyaraduna ey ku jawaabayaan. Haa, Haa. Haddana la muujinayo in eynan jirin Xuriyadda Hadalku.
 
☆ Ma waxa ey la xiriirtaa Doorshadii Somali land oo wakhtigiidu dhaw yahay, oo arrinkuba waa xafiiltan Axsaabta Siyaasadda ee Somali land ka dhexeeyo?.
 
2. Waxaa kale oo la soo yaaciyay Vedio kale oo la leeyahay Somali land ayaa ka dambeysay Burburka koofurta.
 
☆ Ma Dadka Koofurta ayaa laga jeediniyaa, dhibaatada heeysato wakhtigaan, oo lagu Mashquulinayaa Cadaawadda Somali land, maxaa mar hore loo soo bandhigi waayay Vedio- gan. Wadahadaladii labada dhinac, siyaasadaasi ma saacidee, mise waa uga sii daree.
 
3. waxaa la sheegayaa in uu soo baxay, Go’aan la leeyahay Ciidamadii soo galay Magaalada kana yimid Labada Shabeele, 48 saac ha ku noqdeen Furimaha Dagaalka, Kuwii ey ka gadoodeenna ha ka Amar qaateen.
 
Lagama soo hadal qaadin Ciidamadii kale ee la sheegay in Hiiran, Galmudug , Baay iyo Gedo laga keenay maalmihii la soo dhaafay.
 
taa oo aan ka tarjumeeyn waaqica ka jiro Magaalada, mana jiro siyaasi u sheegi karo Ciidamada, go’aanka ah 48 saac ku noqda.
 
☆ ma bilawgii kala furfurkii la sheegayaa iyo ka aargudsigii Ciidamada oo dadban.
 
Gunaanad
 
Siyaasi ma ihi, laakin wixii la rabo leeyguma shuban karo, ee haddaad siyaasi tahay Adigu, iiga jawaab Saddaxdaa Su’aal siyaasadeed oo aan si Buuxda u fahmi waayay.
 
FG:Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax.
 
Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip