Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose oo kormeer u tagay Janaale (SAWIRRO)

0
Thursday May 06, 2021 - 09:23:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose oo kormeer u tagay Janaale (SAWIRRO)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa Arbacadii gaaray deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha ayaa waxaa deegaankaasi ku soo dhaweeyay Maamulka iyo dadka deegaanka, isagoona lacago u qaybiyay bulshada deegaanka qaybtood.

"Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa kormeer ku garay deegaanka Janaale, si uu u dhiirigeliyo Ciidanka Xoogga Dalka, difaaca iyo ciribtirka argagixisada Al Shabaab.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha ayaa xalay ku hoyday deegaankaasi, isagoona kulamo kula leh Maamulka deegaanka, Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha bulshada.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga AMISOM ayaa 16-kii bishii March ee sanadkii 2020 dagaal kula wareegay gacanta ku haynta deegaankaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip