Xarumaha hay'ad dhaqaale siisay Al-Shabaab iyo Xamas oo weeraro lagu qaaday

0
Wednesday May 05, 2021 - 22:12:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarumaha hay'ad dhaqaale siisay Al-Shabaab iyo Xamas oo weeraro lagu qaaday

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Hay’ad lagu eedeeyey inay dhaqaale siiso ururka Xamas ee reer Falastiin iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa lagu soo rogay xayiraad dhaqaale, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, dhismaha iyo jaaliyadda dowladda federaalka Jarmalka Horst Seehofer.

Ururka lagu eedeyey inuu dhaqaale siiyey Xamas iyo Al-Shabaab ayaa lagu magacaabaa Ansaar International, wuxuuna saldhigiisa ugu weyn ku leeyahay dalka Jarmarka, halkaas oo lagu aasaasay.

Afhayeen lagu magacaabo Steve Alter oo Arbacada maanta qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa yiri "Shabakadda Ansaar International waxa ay maalgelisaa ururoargagixiso oo ka dhisan qeybo kala duwan oo adduunka ku yaalla.”

Afhayeenka ayaa sido kale sheegay in tallaabada kaliya ee ururada argagixisada lagula dagaalami karo ay tahay in laga jaro dhaqaalaha.

"Haddii aad dooneysid in aad la dagaalantid argagixiso, waa in aad ka jartaa ilaha dhaqaalaha,” ayuu yiri Steve Alter.

Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka ayaa sidoo kale ururkaan Islaamiga ah ku eedeeyay in dhaqaale badan u diro ururo ku kula sugan dalal kala duwan sida Al-Nusra oo Syria ka aas-aasan, Xamas oo Falastiin ah iyo Al-Shabaab oo Soomaaliya ka dhisan.

Ciidamada ammaanka Jarmalka ayaa howlgallo ka dhan ah ururkan waxay maanta ka fuliyeen 10 dowlad goboleed oo kala ah: Rhineland-Palatinate, Baden-Württemberg, Bavaria, Berlin, Brandenburg, Hamburg, North Rhine-Westphalia, Lower Saxony, Schleswig-Holstein iyo Hesse.

Ururka Ansaar International ee xayiraada dhaqaale lagu soo rogay ayaa dadka mutadawiciinta ah waydisato inay bixiyaan lacago loogu deeqayo dadka ku nool waddamo kala duwan oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Falastiin, Lebanon iyo Sudan.

Xarumaha hay’ad dhaqaale siisay Al-Shabaab iyo Xamas oo weeraro lagu qaaday




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip