Wareysi: Afhayeenka gudiga ciidanka Badbaado Qaran oo ka hadlay qorshahooda

0
Wednesday May 05, 2021 - 23:09:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wareysi: Afhayeenka gudiga ciidanka Badbaado Qaran oo ka hadlay qorshahooda

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Guddi saraakiil ah oo ay iska dhex magacaabeen ciidamada dhawaan gudaha u soo galay magaalada Muqdisho ee difaacyada ka sameystay xaafado ka tirsan degmooyinka Cabdicasiis, Hodan iyo Howlwadaag, ayaa shuruudo ku xiray inay dib ugu laabtaan xeryahoodii.

Guddigan oo ka kooban sedex Janaraal iyo afar Korneyl ayaa dalbaday in madaxweyne Farmaajo wareejiyo mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, maadaama uu mudo xileedkiisii dhamaaday, iyagoo ku eedeeyey inuu iska hor keenay ciidamada qalabka sida ee dalka.

Gaashaanle Diini Rooble Axmed oo ah afhayeenka guddiga ciidamada ka gadooday mudo kororsigii Farmaajo oo u waramay BBC ayaa sheegay inay sii joogi doonaan difaacyada ay ka sameysteen gudaha magaalada Muqdisho, inta xal looga helayo waxyaabihii markii hore ay ka gadoodeen.

"Anagu markasta waxaan ilaalineynaa sareynta sharciga iyo ku dhaqankiisa, Soomaaliya waxaa u degan dastuur ay ku heshiisay, waxaana markii aan aragnay in sharciyadii wadanka la lunsaday go’aansanay inaan badbaadino dowladnimada Soomaaliya, u jeedkeenu waxa uu ahaa hor istaaga mudo kororsiga iyo in lagu soo laabto miiska wadahadalka,” ayuu yiri Afhayeenka guddiga ciidanka Badbaado Qaran Gaashaanle Diini Rooble Axmed.

Sidoo kale Afhayeenka guddigan ayaa ku dooday in Farmaajo ciidanka uu ka dhex abuuray qalalaase, isla markaana ay khasab tahay inuu iska wareejiyo mas’uuliyadda ciidamada Qaranka.

"Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday sidii umaddu rajeyneysay mudo kororsiga ugama uusan hadlin, sida noo muuqatay qeyb waa ka tanaasulay, qeybna weli waa ku dhimantahay. Ammaanka dalka madaxweynuhu kama sii ahaan karo masuul, sababtoo ah waxa uu sababay in ciidankii qalabka siday ee Soomaaliya uu iska hor yimaado, sidaas darteed anagu waan sii joogi doonaa gudaha Muqdisho, inta kala dambeyntii dalka ay dib uga soo noqaneyso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray sarkaalkan.

Mar wax laga weydiiyey sababta ay u qaadan waayeen amarkii Ra’iisul wasaaraha ee ahaa inay dib ugu noqdaan xeryahooda ayuu ku jawaabay, "Ra’iisul wasaaraha xil-gaasiinta waan maqlay hadalkiisa, laakiin shalay markii aan soo geleynay magaalada waa uu joogay, muhiimadeenuna waxay tahay in sababtii aan shalay u soo galnay magaalada ee aheyd inay sharciyadu sareyso ay weli wax ka dhimanyihiin.”

Wareysi: Afhayeenka gudiga ciidanka Badbaado Qaran oo ka hadlay qorshahooda


Hoos ka dhageyso wareysiga



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip