Qiso murugo leh: Wiilkii dilay 2 walaaladii ahaa, Maxaa sababay??
Wiilki cuqadad buu qabay waxa u walaladiii u dilay Qisadii caawa jiif & joogba inoo diiday.
Hooyo ninkeedii dhintay oo haysatay laba caruur ah oo kala ah wiil & gabar ayaa waxa dumaalay nin la dhashay ninkeedii hore
Ninkii dambe waxay u dhashay laba wiil: waxay noqdeen reer haysta 4 caruur ah , Labadii hore & labadii dambe oo uu dhalay ninkii hooyada dumaalay
Ninkii markii uu ogaaday in la dacweeyay oo arintii ay maxkamad gaartay ayuu hooyadii dilay: caruurtiisii & kuwii horeba waxa uu ka dhigay hooyo la’aan
Ninkii waxa xiray dowlada kadibna waxa lagu fuliyay dil toogasho ah: caruurtii afarta ahayd ayaa isku so hartay: wiilkii caruurta u wayna ayaa xalay masaajidka hortiisa ku toogtay labadii wiil ee la dhashay oo uu ninka adeerkiis ah ka dhalay hooyadii, asagoo wali caloosha ugu haya cuqdad adeerkiis madama uu hooyadii dilay , walashiisna kufsaday
Subxanallah arintaan caawa waxa si wayn u hadal haya Soomalida reer maraykan qaasatan kuwa Kansas city : Musiibo ayaa reerkaas muslimka ah ku habsatay walaahi : Arimaha noocaan ah maaha kuwo Soomalida ka dhex-dhaca, waana mida sababtay hadal haynta wayn.
Qoraada Muna Adan
Qiso murugo leh: Wiilkii dilay 2 walaaladii ahaa, Maxaa sababay??
...