Iiga jawaab 10 kan Su'aal oo la xiriirto Xaywaanka.=Nasashada Jimcaha.Q-250=

1
Friday April 30, 2021 - 19:52:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iiga jawaab 10 kan Su'aal oo la xiriirto Xaywaanka.=Nasashada Jimcaha.Q-250=

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

1. Iiga jawaab 10 kan Su’aal oo la xiriirto Xaywaanka. Sida Qur’aanku noogu sheegay.

a) waa kuma Xayawaanka Alla oofsaday Haddana la soo nooleeyay ?
b) waa kuma Xayawaankii ugu horeeyay ee la Dilay intaan Beni Aadamka la dilin ?
c) kumuu ahaa Shimbirkii Hadlay?
d) kumuu ahaa Shimbirkii walaalkii Aasay?
e) kumuu ahaa Xayawaankii lagu eedeeyay Dambi uuna galin?
f) kumuu ahaa Xayawaankii Saaxiibadii la seexday?
g) waa kuma Xayawaankii Buriyay Sixirka?
h) waa kuma Xayawaankii Amarka Alle Xabsi ugu noqday Nabi?
i) waa kuma Xayawaankii Diiday Amarka Madaxda Boqorka isaga oo ka cabsanayo Allahii Abuuray?
j) waa kuma Xayawaankii si Buuxda muuqaalkiisa loogu Tilmaamay Qur’aanka?
FG: (F.S:1aad), Jawaabahana ka raadi halka ugu dambeeyso, Markaad Qormada wada akhriso kadib.
 
2. Nin Xakiim ahaa ayaa yiri: Hala Saaxibin Qof aan sirtaada Qarineyn, Ceebtaadana aan Astureyn, wanaagaaga aan sheegeeyn, Gafkaagana aan hagaajineeyn.
 
Haddii aad Qofkaa weyso, Naftaada oo kaliya la saaxiib. ( F.S:2aad).
 
( Ar kan Saaxib la’aan amuu na dhigaa, Qofkaasi Somaliya kuma Badno, Kaligaana Naftaada Saaxiib lama noqon kartid. Sidee la yeelaa?).
 
3. Nin Caaqil ahaa oo Gabdhiisa la dardaarmayay ayaa yiri: Gabartey, Adiga oo Gaadiid ahaan u Dul saaran DAMEER, laakin uu dhinacaaga Joogo Nin Dadnimada iyo Alla ka cabsiga yaqaan, Ayaa Dhaanto in aad Saaranyahay Gaariga "Mercedes Benz”, Laakin Dhinacaaga uu fadhiyo DAMEER aan Aqoon Dadnimada iyo Alla ka cabsiga. ( F.S:3 & 4aad).
 
( Hayeey, Gabdhoow Gaadiid kasta oo qurxan, Milkiilihiisu ma wanaagsano, Gaadiid kasta oo Xunna Milkiilihu ma xumo. ar maxaan arkay Dameer, ma soome ah oo Baabuur "Bullet Proof” ah wato, Gabarna been u sheegayo).
 
4. Xadiithka lagu wariyay kitaabka Saxiixul Muslim ee No. 482aad ayaa leh: Rasuulkeena Muxamed CSW waxa uu na yiri: Adoonku waxaa uu Allaah ugu dhawyahay Marka uu Sujuudayo, ee Ducada Badiya wakhtiga Sujuudda. Xadiith kalena Rasuulkeenu waxa uu nagu yiri: Ma jirto wax Allah uu ka jecelyahsy in lagu Xamdiyo, "Mahada celin” ee "Xamdiga” badiya. ( F.M: 5 & 6aad).
 
( Allaah Caabud oo uga mahad celi wanaaga uu ku siiyay, Dadkuna wanaaga ey kuu sameeyeen ha hilmaamin in aad ku shukriso oo aad uga mahadceliso.
 
Hadda ka hor ayaa Nin sheikh ahi igu yiri: Arrinkaasi waa mid wanaagsan ee Allaah uga mahadceli, kuna Xamdi 200.000 mar, waan akhriyay 200.000 Xamdi, Muddo kadib ayaan ogaaday in la iga rabay 50.000 kaliya, waa ku mahadsan yahay inuu wanaaga ii Afar laabay. arrinkaa wanaagsan muxuu ahaa? Su’aal maya. . ).
 
5. Ibnu Khalduun Caalimkii islaamka ahaa ayaa yiri: Dowladnimadu waxay Martaa 4 marxaladood:
 
Marxaladda 1aad: Wakhtiyada adag waxaa soo Baxo Rag karti iyo Awood leh oo u guntado iney Ummadda Samata bixiyaan.
 
Marxaladda 2aad: Raggii Awooda lahaa ummadda waxa ey gaarsiiyaan, Horumar, Deganaan iyo Raaxo.
 
Marxaladda 3aad: Raggii Awooda lahaa kadib. Barwaaqada iyo Raaxda waxaa ku dhax koro, Madax Laciif ah oo aan ogeyn wixii laga soo maray wakhtiyadii adkaa.
 
Marxaladda 4aad: Madaxddaa laciifka ah ee khabar Mooga ihi, waxa ey Ummadda dib ugu celiyaan wakhtiyadii Adkaa. Dib ayaana loogu noqdaa Marxaladii 1aad ( F.S 7aad).
 
( Yaa, yaa, Dowladnimada dhami ma iska daba meereeysiyaa, Ibnu khalduun war waa keenay).
 
6. Nin Caaqil ahaa ayaa yiri: Hadiyadaha ugu wanaagsan ee Beni Aadamka la siiyo waxaa ka mid ah Ixtiraamka. ( F.S: 8aad).
 
( Ixtiraamka ka bilaaba guriga, waalidka dhaxdiisa, waalidka iyo Caruurta, waalidka waalidkii, Deriska, Asaxaabta, qaraabada hore u sii Soco… ……
 
Ixtiraam kuu roone !!!, kuwaani Anigeeyba "Comments” Baarka iiga tumeen..kkkkk.
 
Jawaabihii Qormada 1aad:
a) Dameerkii Cuseyr RC.
b) Duke.
c) Shimirka Hud hudka.
d) Duke.
e) waraabihii Nabi Yusuf CS walaalihii ey Nabeen.
f) Eeygii Asxaabul kahfi.
g) Abeesadii Ushii Nabi Muuse CS. ogow Usha Laguma indha sarcaadin, saaxiriintu waxa ey qireen in ey isku bedeshay Abeeso run ah.
h) Malaaygii Nibiriga ahaa ee Calooshiisa Nabi Yunis CS uu ku dhax jiray.
i) Maroodigii Diiday in Kacbada lagu weeraro.
j) Qaalintii lo’ da aheyd ee Wakhtigii Nabi Muse CS.
 
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip