Puntland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadalkii Madaxweyne Farmaajo

0
Friday April 16, 2021 - 20:29:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadalkii Madaxweyne Farmaajo

    Qoraal uu soo saaray Afhayeenka madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu sheegay in farmaajo uu wado marin habaabin busho iyo in uu khiyaaneyay shirkii Afisyooni. "Madaxweynaha Wakhtigu ka dhammaaday Farmaajo fashi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu sheegay in farmaajo uu wado marin habaabin busho iyo in uu khiyaaneyay shirkii Afisyooni. "Madaxweynaha Wakhtigu ka dhammaaday Farmaajo fashil ka weyn ma jiro inaa sharci daro kursiga kusii fadhido, Waxba ha ku marin habaabin bulshada faragelin baa la inagu hayaa, iyada hadii ay noqotona adaa koobka ku qaaday markii aad qof Soomaali ah wadan kale u dhiibtay! Waxaa kale oo nasiib daro ah inaa been ku ololeyneysid, waana caalamadaha guul darada marka qofku uusan sharci ku fadhin, meelno laguma oran Dowladda ha la dumiyo. waxaa keliya ee lasoo jeediyey madaama 17 Sept kadib uu adiga wakhtiga ka dhacay in aad Doorashada u qabato Sidii Madaxweynihii ka horeeyay"Afhayeenka madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland. Qoraalka oo dhinacyo badan taabanayay ayaa waxaa uu inta ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu si ku tala gal ah shirkii Afisyooni u fashiliyay, waxaana uu sheegay in dhowr maal mood ay soo jeediyeen Puntland iyo Jubbaland in shirka dib la isugu soo laabto, balse taasi uu diiday Madaxweyne Farmaajo."Markii noogu kaa danbeysay adiga oo muuqaal diyaarsan jeebka ku haysta ayaa la Shirtay Madaxda, Khiyaano iyo Fashilin Shir inay ahayd cidkasta waa ogaatay! Waxaa tiri aan isu soo laabano, kadibna markiiba waadigii amray in la baahiyo in Shirka Fashilmay, maalmo ayaana lagu laha soo laabo Shirka ha fashilin" ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip