Amb. Swan, Kenya, Norway SHidaalka Soomaaliya Maxaa kulmiyay?

1
Thursday April 15, 2021 - 21:34:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amb. Swan, Kenya, Norway SHidaalka Soomaaliya Maxaa kulmiyay?

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Xog waran:

      Shirkadda STATOIL ee ay maaligeso dowladda Norway, waa shirkada ugu aqoonta badan dhanka soo saarida bartoolka bada aad u hooseeysa ku jira, waa shirkad hanti badan leh haaysatana taageerada Dowlada Norway.

       Mudo dheer waxay aad u daneeynaysay shidaalka Soomaaliya ee bada hoosteeda, ayadoo kaashaneeysa dowladeeda waxay bilaabeen inay maal-gelin ku sameeyaan shirkii Jabuuti ee ugu horeeyay ee dowlad lagu soo dhiso burburkii dalka ka dib. Waxay aad u maal geliyeen dhanka dastuurka iyo xiriirka Soomaaliya. Ula jeedadooda ma ahayn oo kaliya inay Soomaaliya caawiyaan ee waxay ahayd inay meesha ka saaraan sharcigii bada Law No 37 oo Soomaaliya siinaayay 200 mile.

        Waxay bilaabeen inay u soo bandhigaan qorshahooda ku aadan batroolka geeska Africa, qaasatan Kenya iyo Soomaaliya dowladii Alaha u naxariisto Madaxwayne Abdulaahi Yusuf, waxay doonayeen in shidaalka laga baaro Kenya, lakiin waxay ogaadeen xirmooyinka ugu waaweyn ee shidaalka inay ku jiraan dhanka Soomaaliya qaasatan xirmadda L12 oo ah mida ugu wayn ee shidaalka ku jiro.

 

       Madaxwayne Abdulaahi Yusuf wuu diiday qorshahooda, wuxuuna ku yiri arimahaas hada dalkeena diyaar uma aha, asagoo ka baqaayay In si sahal ah loola wareego shidaalka Soomaaliya. Marka ayku wareereen Soomaaliya oo lacag badan laga cunay, waxay la yimaadeen startijiyad kale oo sahlan.

 

        Qorshahaasi oo ahaa in dhulka iyo shidaalka Soomaaliya lagu wareejiyo Kenya, dowlada Kenya marka ay maqashay lacagtaas badan ee ku jirta way soo dhaweeysay, waxayna u dejisay qorshahii lagula wareegi lahaa batroolka Soomaaliya tasoo ah in muran la geliyo xadka Soomaaliya.

       Madaxwayne Abdulaahi markuu meesha ka baxay, dowladii ka dambeeysay ayaa laga fuliyay qorshahii Kenya iyo Norway, taas waxaa cadayn u ah heshiiskii is af garadka (MOU), ee muranka geliyay bada ee ay saxiixeen Wasiirka arimaha Dibada KENYA iyo Wasiirka Qorsheeynta Soomaaliya April 2009, waxaa qoray waxaa Norwegian Ambassador on Special Mission, Mr. Hans Wilhelm Longva meesha heshiiska lagu kala saxiixanaayay waxaa joogay Amb. Hans iyo gabar la yiraahdo Ms. Rina oo ka socota safarada Norway ee Kenya.

       Ka dib Norway si aysan kaligeed ugu noqonin qorshaas waxay arinta ku casuuntay shirkadaha batroolka reer Yurub kuwa ugu waaweyn sida Total, ANI. Markeey ogaadeen inuusan qorshahaasi gaaray dacwad heer caalami, shirkado qaarkood oo la siiyay shatigii shidaalka lagu baaraayay, waxay shirkadahii dib u codsadeen in lacagtooda ay Kenya soo celiso. Waa taas mushkiladda ugu wayn ee Kenya haaysato.

         Amb. Swan asagoo isticmaalaayo awooda xafiiska UNSOM wuxuu Soomaaliya u yimid inuu dhamaystiro qorshahii Norway iyo dalka Kenya oo xaaskiisa ka soo jeedo xiriir dheer la leh dalkaas, asagoo doonaayo inuu Soomaaliya ku dhex furo qalalaaso siyaasadeed si moowqifka dacwada Soomaaliya meesha looga saaro.

         Maadaama oil ama saliida ku jirtaa xadka bada lagu qiyaasay 300 billion dollars waxaa dhici karta inuu jiro musuq loo baahan yahay inay baarto Qaramadda Midoobay.

SOOMAALI AQLI XUN INTAAD IDINKA ISKU JEEDAAN KALA GARTA SAXIIBKINA IYO CADAWGIINA. WE ARE IDIOTS

Sheiknor Qassim:



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip