Caalim ayaa yiri: waxaan la yaabay Saddax..=Nasashadda Jimcaha.Q- 248=

1
Friday April 16, 2021 - 11:06:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalim ayaa yiri: waxaan la yaabay Saddax..=Nasashadda Jimcaha.Q- 248=

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

     1. Rasuulkeena Muxamed SCW ayaa Saxaabta ku yiri:

a) Ma idinku jiraa maanta Qof Soomay? Sayid Abubakar RC, ayaa yiri: Aniga.
 
b) Ma idinku jiraa Qof Maanta Janaasu Mayd Raacay? Sayid Abubakar RC, ayaa yiri: Aniga.
 
c) Ma idinku jiraa Qof Maanta Quudiyay Miskiin? Sayid Abubakar RC, ayaa yiri: Aniga.
 
d) Ma idinku jiraa Maanta Qof soo Booqday Qof Xanuunsan? Sayid Abubakar RC, ayaa yiri: Aniga.
 
         Rasuulkeena SCW ayaa yiri: Ma jiro Qof intaa kulansaday Hal maalin oo aan galeyn Jannada. Xadiithkaan waxaa soo wariyay, Muslim. fiiri Muuqaalka (F.M: 1aad).
 
      (Adigu Saan filayo Maanta waadba sooneed ee 4taa ma kulansatay? Annigu Maanta waxaan kulansaday Saddaxda hore oo kaliya. Allaah ha naga dhigo kuwii Maalin kulansada Afartaa Allana u aqbalo. Aamiin).
 
       2. Nin Tababare ka ahaa, Mid ka mida Xarumaha Dadka lagu tababaro, si Jirkooda loo dhiso ee Dalka Holland ayaa yiri: Haddii Maalin kasta mid ka mid ah Saddaxdaan Jimicsi aad sameeyso 10 Daqiiqo oo xiriir ah waxaa ey leeyihiin Faa’iidooyin caafimaad oo kala ah:
     1.Jilba jabsiga : a) waxa ey caafimaad u tahay Dhabarka 37%. b) faraha 17%. c) jilbaha 53%.
 
2.Rugmashada: a) Dhabarka 18%. b) Calaacasha 31%. c) Jilbaha 63%. d) Faraha 22%. e) Feeysha Qoobka 32%.
 
3. Foolka oo dhulka la dhigo. a) Dhabarka 24%. b) Ciribta 27% Suulka 13%. Jilbaha iyo Calaacasha.( F.M: 2aad).
 
      (Waxay Hadda Dadkooda u sheegayaan iney Faa’iido Caafimaad leedahay soow waxa ey sheegayaan ma ahan Sujuudda, Rukuucda iyo Fadhigga Ataxyaadaka ee Salaadda ee Allah nagu waajibayay).
 
       3. Sayid Cali bin Abii Daalib RC ayaa yiri: a) Sirtaada Laba kaliya u dhaaf in ey ogaadaan Naftaada iyo Allaah. b) Laba ha ka Cabsan Risqigaaga iyo Waqtiga Geeridaada Labaduba waxa ey ku jiraan Gacanta Raxmaankii ku abuuray. c) ku dadaal in aad Labo Raali gareeyso inta aad nooshahay Aabahaa iyo Hooyadaa. d) Haddii aad dhibaato la kulanto Labo kaalmeeyso Samirka iyo Salaadda. e) Labo weligaa ha sheeg sheegin Ixsaanka aad Dadka u sameeysay iyo Dhibaatada Dadku ey kuu geeysteen. Labo weligaa ha hilmaamin, Allaah iyo Daarta Aakhiro. (F.M: 3aad)
 
      4.,Dareema yaasha Dadka oo dhami weey hurdaan oo nastaan intaan Mid kaliya ka aheyn waana Maqalka, Haddii Qof hurdo aad gacantaada u dhaweyso ma kacayo, Haddii Qof jiifo aad Qolka ugu buufiso Barfuun ama Sunta Dadka disho waxaa dhici karto in uu ku neefsado oo uu ku dhinto isaga oo aan dareemin. Haddise aad Cod dheer la maqashiiso waxaa dhici karto in uu hurdada ka tooso, sababta oo ah Maqalku waa Dareenka kaliya ee aan nasan, marka dareemayaasha kale ey nasanayaan sida Aragga.
 
        Mucjisooyinka Qur’aanka waxaa ka mid ah markii laga hadalayay Hurdadii Asxaabul Kahfi, Aayadda Qur’aanku waxa ey leedahay "waxaan qabanay Maqalkooda” intii ey hurdayeen oo ka badan 300 sanno lama sheegin Dareema yaasha kale ee qofka hurdada ka toosin karo.( F.M: 4aad).
 
      5.Caalim ayaa yiri: waxaan la yaabay Saddax: a) waxaan la yaabay Qof, Maalka daba ordayo, haddana Maalka ka tagayo. b)Qof Irsaqiisa ka walwalayo "Allaah Rasaaq” ah ayaana Balan qaaday Risqigiisa inta uu noolyahay. c) Qof dhisayo Guryo dhaadheer Haddana Qabri dhax dagayo. ( F.S:5aad).
 
      6. Nin Ku safrayay Dhul ey ku badanyihiin Burcadda Wadooyinka, ayaa waxaa qabtay Burcadii oo wajigu u wada daboolan yahay si aan loo aqoonsan. Waxa ey ka qaateen Hantidii uu watay oo dhan. kadibna mid ayaa yiri: hala dilo.
 
Ninkii ayaa ku qeeyliyay: Yaasiinoow, Yaasiinoow Adigaan isku kaa haleynayay .
        Ninkii Burcadda u Madaxda ahaa ayaa ku yiri: Bucadii kale sugga, Ninkaan u celiya Hantidiisa iskana daaya.
 
Kadibna Ninkii ayuu ku yiri: Siddeed igu fahamtay, weli ma arag intaan wax dhacayay Qof i fahamtay, hadana sideed ku ogaatay in magaceeyga Runtaa Yaasiin la yiraa, xatta Tuugadan ila socoto magaceeyga Runtaa in uu yaasiin yahay uma sheegin.
 
       Ninkii ayaa yiri: Magacaaga ma aqaan ee waxaan ku qeylinayay Suuradda Qur’aanka ee Yaasiinka oo aan Mar kasta Aqrin JirayJiray.
 
      (Badi Akhrinta Qur’aanka mar kasta Gaar ahaan Bishaan Ramadaan).
 



FG:Bisha Ramadaan Qoraaladeena Nasashada Jimcuhu sidaan ayeey u badnaan doonaan, Inshaa a Allaah, wixii aan ka khaladay iga sax wixii iga dhimaana ku dar.
 

Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip