Wararkii ugu dambeeyay kulamada Madaxda maamulada qaar iyo Musharaxiinta

0
Friday April 16, 2021 - 10:42:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay kulamada Madaxda maamulada qaar iyo Musharaxiinta

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynayaasha maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa kulan la qaatay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa ka dhacay guriga Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo Madaxda u sameeyay afur.

 

        Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo kulankaan ayaa looga hadlay arimaha doorashooyinka gaar ahan muddo kordhintii dhawaan ay sameeyeen Xildhibaanada Muddo xileedkoodii dhammaaday ee Golaha Shacabka.

       Wararka qaar ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta iyo labadda Madaxweyne ay ka qaateen go’aan rasmi ah Muddo kordhinta taasoo ah in aan la aqbalin oo ay si wadajir ah uga soo horjeestaan.

     Waxaa lagu waddaa in ay soo saaraan war ku saabsan go’aankooda xilli horay maamulka Galmudug ay u caddeeyeen in aysan aqbali doonin wixii ku saabsan muddo kordhin loona baahan yahay in doorasho la aado.

       Haddii ay dhacdo in labada Madaxweyne ay kasoo horjeestaan waxay u badan in muddo kordhinta ay fashil kusoo dhamaato.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip