HALKAAN HOOSE KA AKHRISO :-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AXAD 11-KA ABRIIL 2021-KA AH.
XOG: SABABTA KEENTAY KALA-SHAKIGA DF IYO BEESHA CAALAMKA
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warqad shalay u dirtay Golaha Ammaanka ee QM uga digtay in faro-gelin lagu sameeyo doorashada dalka ee la isku mari la’yahay.
Qoraalka ayaa lagu yiri "Dowladda fe-deraalka Soomaal-iya waxa ay u arag-taa fargelin kasta oo dalal shisheeye, mid si toos ah loogu fara-gelinayo arrimaha gudaha dalka iyo ku tumasho qaraarada golaha ammaanka, heshiisyada iyo qawaaniinta dowliga ah.”
Arbacadii ayey aheyd markii dowladda federaalka ah ay sheegtay inuu fashilmay shirkii horudhaca ahaa ee Afisyooni uga socday dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iya-da oo eedda dusha ka saartay Puntland iyo Ju-baland.
Wararka ayaa sheegaya in todobaadkii hore uu jiray kulan dhex maray beesha caala-mka iyo xukuumadda federaalka ah kaasi uu hareeyey jawi is faham la’aan, kaasi oo la rume-ysan yahay inuu ka carreysiiyey dowladda
Kulankaas ayaa xubno ka tirsan dowla-dda waxay beesha caalamka weydiiyeen kaal-intooda, halka wakiilada beesha caalamka ku jawaabeen keliya in aanan mas’uuliyad ka saa-rneyn amniga hey’adaha dastuuriga ee ay sidoo kale mas’uuliyadoodu tahay in ilaaliyaan in aan dummin waxa dhisan, lana qabto cidda waxy-eeleeneysa.
Waxaa muuqato in beesha caalamka ay ku daashay arrimaha doorashada Soomaaliya taasina ay keentay inuu xumaado xiriirka ay la leeyihiin Villa Somalia, ayada oo taasina ay keentay in dowladda federaalka ah ay aaddo golaha ammaanka.
Qoraalka loo diray golaha ammaanka waxaa ku xusan in amniga doorashada lagu wareejin doono xukuumadda, tilaabadan oo hal dhinac ah oo aan lagala tashan maamul gobol-eedyada oo dood ka qabo sida loo maareynayo amniga doorashada.
Lama oga sababta ay dowladda federa-alka u doonayso iney beesha caalamka faraha kala baxdo doorashada Soomaaliya, iyada oo leh maal-gelinta doorashada, sugidda amniga iyo bixinta qoondada miisaaniyadda dowladda 40%.
SHIR DHEXMARI LAHAA MADAX GOBOLEEDYADA IYO FARMAAJO OO BAAQDAY + SABABTA
Waxaa shalay la filayay in madaxda do-wladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni, balse sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wa-reedyo, waxaa baaqday kulankaas.
Dowladda Federaalka ayaa dhawaan sheeg tay in wadahadalladii socday ay burbureen, halka labada madaxw-eyne ee Puntland iyo Jubaland ay beeniyeen warka ay dowladda faafisay. Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka dhawaajiyay ineysan ogeyn meel uu ku baaqday shirka, isla markaana ay diyaar u yahiin wakhti walba iney dib ugu laa-btaan teendhada Afisyooni.
Shalay ayaa la filayay iney madaxda dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni islamarkaana ay sii wadaan wadahallada dhexdooda ah, kana arrinsadaan sidii la isugu imaan lahaa shir weyne looga heshiinayo hanaanka doorashoo yinka.
Si kastaba, dowladda oo markii hore beesha caalamka ka ogolaatay in kulan uu shalay dhaco ayaa lagu warramayaa inay xilli dambe sheegtay inaysan ka qeyb-gali karin, mana soo sheegin wax sabab ah oo ay sidaas u sameysay.
Baaqashada kulanka shalay ayaa imane ysa ayada oo dowladda ay shalay u dirtay Golaha Ammaanka QM digniin ku aadan inay faraha kala baxaan arrimaha doorashada Soo maaliya, taasi oo loo fasirtay inaysan dowladda diyaar u aheyn wada-hadal dambe.
Madaxweyne Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa la rumeysan yahay inay mar hore go’aan ka ga areen ka qeybgalka shirkii ka socday Afisyooni, mana jirto ififaalo muujinayo in mar kale shir la isugu imaan karo.
DOWLADA OO SHEEGTAY IN AMNIGA DOORASHA DA UU LA WAREEGAYO RA’IISUL WASAARE ROOBLE
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arri-maha Dibadda dowlada federalka oo loo direy Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xuk-uumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roo-ble lagu wareejinayo Amniga doorashooy-inka.oo
Wasaarada Arrimaha Dibadda oo qoraalkan ku sheegtay dhowr qodob ayaa qodobkiisa saddex-aad waxaa uu qornaa sidan;
"Cabashada ammaanka doorashada si loo xalliyo, dowladdu waxay xaqiijinaysaa in Guddiga Amniga Doorashada Qaranka uu hoggaankeeda qaban doonno Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo la wareegi doona xalka arrimaha amniga.”
Midowga Musharixiinta ayaa waxa ay hore u sheegeen in amniga doorashada aan lagu aamini karin Madaxweyne Maxamed Cab-dullaahi Farmaajo iyagoo ku eedeeyay in ciid-amada uu siyaasad u adeegsaday, iyaga oo dalbaday in lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha.
Hase yeeshee qaar ka mid ah dala-byada Midowga Musharaxiinta iyo Maamulada Jubbaland iyo Puntland ee arrimaha dooras-hoyinka ayaanay weli dowladu aqbalin.
SHEEKH SHARIIF OO FARRIIN U DIRAY MADAXWE YNE GEELLE OO LA DOORTAY
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti ee uu ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle.
Sheekh Shariif oo Qoraal soo saaray ayuu ugu hambalyeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad ku guuleystay doorasho ka dhacday dalkaas, isagoona helay Codad gaaraya 98.41% codadkii dadweynaha Jabuuti. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariifka ayaa Madaxweyne Geelle Alle uga baryay inuu la garab galo xilka culus ee shacabka Jabuuti u doorteen, isla markaana u rajeeyay horumar iyo barwaaqo.
"Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxw-eynaha dalka Jabuuti walaalkeen Ismail Omar Guelleh oo markii shanaad loo doortay inuu sii hogaamiyo dalka aan walaalaha nahay ee Jab-uuti. Waxaan leeyahay Allaha kula garab galo xilka culus ee shacbiga Jabuuti ay kuu doort-een, waxaana u rajeynayaa guud ahaan Jabuuti horumar iyo barwaaqo” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doo-rashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siy-aasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa bar-aha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.
MAXAA LAGA FAHMAY WARQADII AY DOWLADDA U DIRTAY QM?
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay warqad ka koobneyd dhawr qodob ah u dirtay Golaha Ammaanka QM, waxeyna kaga digtay faragalin lagu sameeyo doorashada dalka. Warqadda ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble loogu wareeji-yay amniga doorashada dalka, inkasta oo aan faah-faahin laga bixin, ayada oo qodobkan uu ahaa mid ka mid ah arrimaha ay isku hayeen dowladda iyo dowlad gobolee-dyada.
Warqaddii ay dowladda dirtay ayaa siy-aabo kale duwan loo fahmay iyadoo dadka siyaasadda taxliiliya ay arrimo dhawr ah ku sif-eeyeen.
Xeel-dheerayaasha qaar ayaa ku macn-eeyey inay ka turjumeyso rabitaanka madaxwe-ynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ah inuu dalka ka qab-to doorasho aan loo dhameyn, oo aysan heshiis ku aheyn dhinacyada Siyaasadda, islamark-aana aysan jirin cid ka hadli karta.
Sidoo kale xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya ayaa aad ula yaabay warqadii ka timid Villa Soomaaliya xilli ay suga-yeen iney teendhada kusoo celiyaan madaxda Soomaalida, balse warqadda dowladda ayaa loo fahmay inay xirtay wadahadal dambe oo lala galo Axmed Madoobe iyo Deni.
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxaa miiska u saaran in laga wada hadlo awoodaha madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday, am-niga guud ee dalka iyo ka qeybgalka shirarka ee saamileyda siyaasadda.
Filashada laga qabo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay ayaa sii yaraaneysa, waxaana muuqata in hogaamiya-yaasha Soomaalida uu qof walba ku dhagan yahay qodobadiisa.
Iyadoo ay taasi jirto ayey hadana bees-ha caalamka si weyn ugu cel-celisay ineysan ogolaan doonin doorasho hal dhinac ah, kuwa isbarbar socda iyo muddo kororsi intaba.
Waxaa muuqata in madaxda Soomaal-ida aysan wax tanaasul ah ka muuqan, taasna waxey dheereyn kartaa rajada laga qabo iney
dhacdo doorasho la wada ogol yahay.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO DHAMBAAL HAMBAL YO AH U DIREY MADAXWEYNE ISMAACIIL CUMAR GEELLE
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder-aalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdu-llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madax-weynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jamb-uuti ismaaciil Cumar Geelle oo markale dib loo doortay.
” aa guul xoojinaysa horumarka iyo xasill-oonida gobolka,Wax-aan ku kalsoonahay in aad dardargelin doonto horumarka iyo wax wada qabsiga dalalka gobolka” ayaa la-gu yiri warqoraal ah oo lagu dabacay twitter Maxadweynaha,” ayuu yiri madaxweyne Farm-aajo.
Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle ayaa markii shanaad loo doortay xilka madaxtinimo ee Dalka Jabuti,isagoo helay codad gaaraya boqolkiiba 98 ,sida lagu sheegay warar la shaaciyay shalay oo Sabti ah.
SACIID DENI OO SHAACIYEY LABA QODOB OO DF AY AAD U DIIDAN TAHAY INAY OGOLAATO
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ee waqtigeeda dhamaaday tan iyo markii la doortay qorshah-eeda koowaad inuu ahaa in la kala dhantaalo dowladdaha xubnaha ka ah federaalka damac-eeda dhabta ahna uu ahaa in la burburiyo ma-amulada jira.
Deni oo wareysi siiyey Dalsan TV ayaa ku amaanay dowladdii hore ee Xasan Sheekh heshiisyadii iyo qodobada ku saleysan federaalisimka inay hirgelisay, balse cunaha la qabtay, wuxuuna tilmaamay in Xasan Sheekh uu ku guuleystay in guud ahaan maamulada dalka dhiso, marka laga reebo Somaliland oo gaar ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdii Xasan Sheekh ee KMG-nimada dalka ka saartay kana shaqeysay in kheyraadka dalka la qeybsado.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha murugsan ee doorashada iyo shirarkii maalmihii lasoo dhaafay ugu socdayMuqdisho madaxda maamulada iyo madaxw-eynaha mudu xileedkiisa dhamaaday Mxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa faah-faahiyay laba qodob oo dowladda federaalka aysan jecleysan islamarkaana keentay sababta ay u shaacisay inuu fashilmay shirkaasi, laba-daasi sabab oo maamul ahaan u arkaan inay noqon doonaan daawo dhayeyso booggaha jira iyo shakiga ay qabaan.
labadaasi qodob ayuu ku sheegay in ay kala yihiin in dowladdu ay shar u aragtay in shi-rka looga hadlayo doorashada lagu casuumo madaxdii hore ee dalka gaar ahaan Shariif She-ekh Axmed iyo Xasan Sheekh iyo qodobka kale ee ah in beesha caalamka goob joog ka ahaado furitaanka shirka, waxaana raaca qodob kale oo qeexaya sugitaanka amniga doorashada maad-aama uu sheegay inaysan jirin kalsooni shaki badana uu jiro kadib dhacdadii 19-kii Febra-ayo."Qodobka ugu cuslaa ee dowladdu diiday waxay tahay in maalmaha furitaanka shirka lagu casuumo dad Soomaaliyeed oo saameyn ku leh dalka iyo dadka, inay madaxda Soomaaliyeed kala qeyb galaan shirka si ay bulshada Sooma-aliyeed ugu tebiyaan in doorashadaani tahay mid xalaal ah oo jawi fiican ku dhacda.
Si gaar ah waxay u diidanaayeen labadii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo ka tirsan golaha murashaxiinta, in ay yimaadaan oo la dhageysto maadaama ay qa-baan tabasho iyo xadgudubyadii 19-kii Feb-raayo dowladdu kula kacday madaxdaasi, ima-atinkoodana wuxuu daawo u noqon lahaa in la dhageysto. Iyo qodobka kale oo ah in beesha caalamka oo Soomaalida ku dhex wareertay, oo dowladdu diiday inay kulamada kasoo qeybgal-aan, sababtana ma garan karo,” ayuu yiri Deni oo tilmaamay in beesha caalamka gacan weyn ku leeyihiin doorashada oo dhaqaale ay ku bixinayaan.
"Waayeel caanaha hortiisa ayaa lagu barxaa,” ayuu yiri Saciid Deni oo dalbaday in dowladdu ee waqtigeeda dhamaaday wax bad-an qarineyso, isagoo ku adkeystay in shirka uusan fashilmin, heshiis buuxa oo dadka Soom-aaliyeed iyo dalka maslaxadiisa ku jirta in lagu gaari doono.
Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo wareysigiisa uu ku difaacay dadaallada iyo dhex-dhexaadinta beesha caalamka ka wado arrimaha doorashada lagu murunsan yahay, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay xubnaha UN-ka, door weyna ay ku laheedahay arrimaha Soomaaliya iyo dadka kala aragtida duwan.
"Waxaan rabaa inaan dadka Soomaa-liyeed u sheego in UN-ka iyo Midowga Africa ma ahan dal shisheeye, Soomaaliya xubin ayay ka tahay Qaramada Midoobay iyo AU marka caalamkaa ka tirsanahay, ma nihin dad caal-amka ka baxsan, shaqada ay gudanayaanna waa shaqadoodii ay annaga noo hayeen, laakin siyaasadda marar badan la alifaayo dadka lagu marin habaabinaayo laga dhigaayo in shisheeye gacanta nala soo galay, arrintaasi arrin jirta ma ahan dadkana in lagu marin habaabiyo ma ah-an, dad faquuqan ama bulsho meel gaar ah de-gan ma nihin, shalayna anagaa ugu fakhri ba-dan caalamka,” ayuu yiri Saciid Deni.
Saciid Deni ayaa beeniyay in magaal-ada Muqdisho uu ku joogo culeys iyo amar beesha caalamka saartay inuusan bixi karin ilaa heshiis ay gaaraan madaxda Soomaalida.
"Anigaa Muqdisho imid, waxaana u imid danta ummadda Soomaaliyeed, waana u jog-ayaa ilaa ay ka dhamaaneyso, cid i fartayna ma jirto, cid aan ugu tegaayo danta iyo shaqada aan leeyahay ma jirto meelnana uma socdo, markeey ii dhamaatana meeshii aan shaqada ka lahaa iyo xafiiskeyga ayaa ku noqonayaa,” ayuu yiri Saciid Deni.
Madaxweyne Deni ayaa carabka ku ad-keeyay in aysan jirin cid gaar ah oo is hayso balse laga wada hadlaayo danta qaranka oo aysan jirin cid gaar ah oo danta qaranka leh, ujeedadiisana ay tahay "Sidee dalka Soomaa-liyeed jiho loogu yeelaa aan hadhow hurgumo iyo is-qabqabsi ka imaan nidaamkii lagu hes-hiiyayna weesac ay ku jirto.”
NATIIJADA BAARITAANKA DILKII GUDDOOMIY IHII DEGMADA HODAN OO LOO GUDBIYAY XEER ILAALINTA MAXKAMADDA CIIDAMADA
Guddigii xukuumaddu xilgarsiinta u saa-rtay baaritaanka dilkii guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dheg-ajuun oo Shalay galka Baa-rista kiiskaas ku wareejiyey xafiiska Xeer ilaalinta Max-kamadda Ciidamada Qala-bka sida. Guddoomiye kux-igeenka dhinaca Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Warsheere oo kamid ah Ehellada Guddoomiyihii degmada Hodan ayaa sheegay in baaritaanka dhacdada lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan ay bilaabeen 28-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan, isla markaana natiijadii soo baxday ay u gudbiyeen xafiiska Xeer ilaalinta Maxka-madda Ciidamada.
Waxaa uu hadalkiiss uu intaasi ku daray in dhacdadii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan aysan aheyn mid la qaadan karo ka maamul ahaana ay daba socon doonaan ilaa uu cadaalad ka helo.
Dhinaca kale Wasiirka Amniga Xukuum-adda xilgaarsiinta Xasan Xundubeey Jimcaale aya sheegay in muddo laba Bilood ah ay ku qaadatay baaritaanka dilkii Guddoomiyihii deg-mada Hodan, kaas oo uu sheegay in meel wan-agsan ay soo gaartay.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in Hay’ad-aha garsoorka dalka ay Shaqadooda qabsan doonaan ayna bilabi doonaan qadiska dacwa-dda Kiiska uuna rajeeynayo inay Cadaalad heli doonaan Qoyska guddoomiyihii degmada Ho-dan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dheg-ajuun.
DOWLADDO DIB U DEJIN U SAMEYNAYA QAXOOT IGA LAGA XIRAYO XERYAHA DHADHAAB & KAAKUMA
Hay’adda UNHCR oggolaatay in ilaa 100,000 oo Qaxooti ku nool Dhadhaab iyo Kaakumo dib loo dejiyo dalal kale, sida Maraykanka, Canada, Ethiopia iyo South Sudan.Qorshaha UNHCR waxaa lagu qeexay in 5,000 oo Qaxooti si gaar ah Dib-u-dejin loogu samayn doono dalka Maraykanka.
UNHCR waxaa kaloo u qorsheysan Fulinta Dib-u-rarka Qaxootiga:-
1- In 10,000 oo Qaxooti dib loo dejiyo dalka Somalia,
2- In 5,000 dib loo dejiyo Ethiopia,
3- In 5,000 oo Qaxooti dib loo dejiyo South Sudan,
4- In 3,500 Qaxooti dib loo djeiyo ama loo raro dalka Burundi dabayaaqada sanadkan 2021-ka.
5- In 2,500 Qaxooti Sharciga Degananshaha (Residency Status) ka heli doonaan dalalka ku bahoobay Urur-gobaleedka Bulshada Bariga Afrika ee The East African Community ee EAC, kuwaasi oo kala ah: Uganda, Tanzania. Bur undi, Kenya, Rwanda iyo South Sudan.
Haddaba, Warbixinta UNHCR baahisay oo lagu daabacay Warbaahino Kenyan ah iyo kuwo C aalami ah ayaa waxa uu Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi si faahfaahsan u qoray Dulucda Hadalka Qoraalka ee ka soo baxay Ma daxa Xafiiska UNHCR ee Kenya, Fathiaa Abdalla.
MASAR OO SHURUUD KU XIRTAY TURKIGA & INAY CIIDDANKOODA KALA BAXAAN DALALKA CARABTA
Dowladda Masar ayaa waxay shuruudo adag hor-dhigtay Dowladda Turkiga, si ay labada dal u bilaabaan wada-xaajoodyada lagu xalinayo Farqiga asaaska u ah Khilaafkooda Diplomaasiyadeed.
Dowladda Masar ayaa la sheegay inay hakisay Wada-xaajoodyada lagu caadiyeynayo Xiriirka Turkiga ilaa Fahfaahin dheerad kadib.
Kulan u qorsheysnaa inay Saraakiil ka kala socda labada dal kuyeeshaan magaalladd Qaahira dhamaadka bishan April ayey Dowladda Masar laashay, sida ay shegeeen Ilo-wareedyo Fiidnimadii habeen hore oo Jimco ahayd la hadlay Telefishinka Al Arabiya TV ee Sacuudiga laga leeyahay, balse ay Xarumihiisa Dhexe ku yaallaan magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka.
Ilo-wareedyada waxay intaasi ku dareen inay Masar hakisay wax kasta oo Wada-hadalo lagu hagaajinayo Xiriirka labada dal, tan iyo inta ay Turkiga ay Ciiddanka Calooshood-U-Shaqeystayaasha ah ka soo saarayso dalka Libiya.
Shuruuddaha ugu adag ee ay Dowladda Masar ku xirtay caadiyeynta Xiriirkooda waxaa ka mid ah:
1- inay Dowladda Turkiga sida ugu dhaqsaha badan u fuliyaan Codsiyada Masar, oo ay ka mid yihiin in Tallaabo laga qaado Kanaalladda ay Ururka Akhwaanu-Muslimiinka ama (Muslim Brothershood) ee laga mamnuucay Masar ku leeyihiin gudaha Turkiga.
2- Ilo-wareedyada waxay kaloo tilmaamayaan inay Dowladda Turkiga codsatay in waqti dheerad ah la siiyo sidii ay La-taliyayaashooda Ciiddanka iyo Xubnooda looga soo daad-gureyn lahaa dalka Libiya.
3- Isla Ilo-wareedyada ayaa muujiyey inay Dowladda Turkiga hakisay dhaqdhaqaaqyada tiro ka mid ah Ururka Akhwaanul-Muslimiinka, balse Dowladda Masar ayaa codsatay Tallaabooyin joogto ah iyo in loo soo gacan-geliyo Yaxye Muusa iyo Calaa Al-Samaaxi, balse, Turkiga waxay codsatay in arrintasi diyaar u ahayn oo hoos loo dhigo.
4- Dowladda Masar waxay kaloo sheegtay sida ay daruuriga u tahay in Ciiddamada Turkiga laga wada daad-gureeyo dalalka Carbeed ee ay ku sugan yihiin iyo Ixtiraamka Madax-bannaanida dalalka Carbeed.
Turkiga waxay Ciiddamo iyo Saldhigyo Milliteri ku leeyihiin Somalia, Qatar iyo Libiya.
Dhinaca kale, Ilo-wareedyada la hadlay Telefishinka Al-Arabiya TV waxay kaloo sheegeen inay Turkiga ballan qaadeen inay Tallaabooyin dheeraad ah ka qadi doonaan Janalada Telefishinadda Ururka Akhwaanul Muslimiinka ka hor curashada bisha barakaysan ee Ramadaan, balse, Dowladda Masar waxay Turkiga ku wargelisay in loo baahan yahay in la dedejiyo Tallaabooyinkaasi.
HAY’ADDA UNICEF OO WAKIIL CUSUB U SOO MAGACAABATAY SOOMAALIYA
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Xukuumadda xilgaarsiinta Balal Maxamed Cusmaan, ayaa shalay oo Sabti ah kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho waraaqaha aqoonsiga wakiilka cusub ee UNICEF ee Soomaaliya, Dr. Mohamed Ayoya.
Mudane Balal Cusmaan ayaa u caddeeyay sida uu diyaar ugu yahay fududeynta howlaha UNICEF ay ka fulinayso dhammaan gobollada Soomaaliya iyadoo loo marayo hey’adaha kala duwan ee dowladda.
HALKAAN HOOSE KA AKHRISO :-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AXAD 11-KA ABRIIL 2021-KA AH.
..