WAXAAN KU DUL TAAGAN NAHAY TIIRKA TOOGASHADA.!!!

1
Tuesday April 06, 2021 - 07:40:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAXAAN KU DUL TAAGAN NAHAY TIIRKA TOOGASHADA.!!!

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dowladdu waa fiican tahay hadaad tiraahdo, mid baa ku leh maxaad dowladdii ka horeysay u dhihi weysay waa fiican tahay oo aad wax uga sheegi jirtay.


 
-Hadaad Dowlada dhaliishana, Mid baa kugu oronaya maxaad Dowladdihii hore sidaan oo kale wax uga sheegi weyday.
 
-Hadaad 2 Wasaaradood aad mid ku amaanto wax qabad keeda midna ku dhaliisho gaabiska shaqadeeda, waxaa lagu leeyahay ujeedo kalaad ka leedahay.
 
-Hadaad Madaxda Maamul Goboleedyada mid ama 2 ka mid ah ku dhaliisho siyaasad dooda ama ku amaanto, waxaa lagu leeyahay maad hebel iyo hebelna wax ka sheegtid maxaad kuwaan oo kaliya ku tusay xumaantooda iyo wanaagooda.
 
-Hadaad damacdo Xildhibaan ama Wasiir hadlay oo aysan hadaladoodu ku cajab galin inaad durto , markaas waaba laguu yaabaa ama qabiil ayaaba lagula aadayaa.
 
-Hadaad Janada iyo sifaad keeda kahadasho, Mid baa kugula soo boodaya ma adigaa tagay oo soo arkay.maad Naartana ka hadashid.
-Hadaad iyadoo shalay oo kale uu Dagaal dhacay ama Hotel la weeraray oo ay dad ku dhinteen, aad maalinta ku xigta ciyaaro iyo madadaalo ka sheekeyso, si aad isku maaweeliso, Mid gaari wata oo uu Muusig u shidan yahay, weliba dibadda laga maqlayo dhawaaqiisa, ayaa Comments kuugu soo qoraya,Sxb Maanta maalin ciyaar maaha ee waa maalin Tacsi iyo murugo,-Meel la isku deynayo oo aan la isku haysan waxaa hada ka jirta Cirka isagana waxaan ka cabsi qabaa in goor dhow ay qolo sheegato.
 
Halkaas markey taagan tahay, bulshadii aqoonta lahayd ama noo soo bandhigi lahaa fikradaha wanaagsan oo aan wax ka faaidi laheyn ama noo tilmaami lahaa mushkiladaha nagu gedaaman iyo waxyaabaha naga wada qaldan iyo sida aan ugu bixi karno, ama waxyaabaha noo hagaagsan, waxay dhamaantood noqdeen kuwa ay qarqiyeen dad wax magarato ah, markaas ayay xishood dartii la wada aamuseen qoraal ladooda iyo fikradahoodii waxtarka lahaa..
 
Ma aha qoraal kaliya waxa inta wanaagsan laga hor istaagay ee Siyaasaddii, dhaqankii, Waxbarashadii, Diintii, Dhaqaalihii, Saxaafaddii, Ilbaxnimadii, marista Wadooyinka waxaa kuligood ku soo hormaray oo qabsaday dadka kuwii ugu liitay.
 
Markaas ayaan wada dayownay oo waxaan ku dul taagan nahay isma ogine TIIRKA TOOGASHADA. weliba waan ku raaxeysanaynaa ama ku dul nasanaynaa, wax na yiraahda war halis baad daaqeysaana waan la’nahay Anaguna ma garano war meesha aan ku sugan nahay waa halise aan ka tagno..
 !!!
MAXAA YAAB IS DABAYAAL.!!!!
 
WQ: C/Qaadir Maxamed Faarax Dulyar


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip