HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 1-APRIL 2021
Ciidamada
ammaanka oo xiray qaar ka mid ah waddooyinka MUQDISHO
Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Shalay
xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyaga oo
hakiyey dha q-dhaqaaqa gaadiidka dadweynaha & midka gaarka loo leeyahay.
Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa
xiray jidad dhowr ah oo isku xira waddooyinka Wadnaha & Maka Al-Mukarama oo
u muhiim u ah isticmaalka dadweynaha.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay wa ddooyinkaasi
ka celinayaan gaadiidka noocya diisa kala duwan, iyada oo loo ogol yahay kaliya
dadka lugeynaya.
Xirnaashaha waddooyinkan ayaa waxaa loo
sababeynayaa kulanka Shalay ee baarlamaan ka oo ah mid xasaasi ah, islamarkaana
laga ma mnuucay xildhibaanada qaar.
Arrintan ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku
yeelatay shacabka M/Muqdisho oo aan horey lo ogu war-gelin xirnaasha
jidadkaasi.
"Ciidamada ammaanka ayaa xitaa Gaadiidka
Ardayda u diiday inay ka gudbaan waddooyinka u xiran, Dadka da’aad kala duwan
ayaa lugeyn aya, qof weliba waxa uu ku weydiinayaa sabab ta loo xiray balse
qofba wax ayuu ku sheegay aa, waxaa dib u dhac waqti ku yimid shaqaala ha,
Ardyada & Dadka u socda Goobaha Caafim aadka,” ayuu yiri qof ka mid ah
dadka deganka.
Mahad
Salaad "Ciidamada na celiyay waxaa hoggaaminayay Saraakiil Qaraabada ah”
SHALAY MAXAA DHACAY. MAXA ASE
NALA GUDBOON?
Isgoyska Dabka iyo Ceelgaabta oo ah irdaha
Madaxtooyada laga galo marka loo socdo xarun ta Golaha Shacabka ayaa Shalay
nagula celiy ay aniga iyo Xildhibaano kale oo u socday shir kii Golaha
Shacabka.
Ciidamada na celiyay waxay ahaayeen kuwa
Booliska waxaana hoggaaminayay saraakiil qar aabada ah oo sida la ii sheegay Habeen
Hore la soo xu lay,malaha Farmaajo wuxuu islahaa hadii wax dhacaan kuwa
dhimanaya iyo kuwa laga dhima nayo isku iyaga ha noqdeen. Ciidamada kale Fa had
iyo Farmaajo ku talagaleena waxaa la ii sheegay inay dhoobnaaye en irida
Madaxtooya da ilaa Villa Hargeysa oo ah Xarunta Golaha Shacabka!.
Nasiib wanaag ciidamadii nala socday iyo ku
wii meesha aan ugu nimid dad qaraabo ah oo is garanaya ayay ahaayeen.
Saraakiishii ciidama daas watay waa noo yimaadeen, mana rabo in aan ka
faalloodo wixii ina dhex maray lkn waxa an rabaa inaan u mahadceliyo, kuna
amaano shaqada ay dalka u hayaan iyo fahamkooda ku aadan marxalada siyaasadeed
iyo mida amni ee dalku ku suganyahay.
Haddaan u soo laabto biyadhaca hadalkeyga
markaan oo kale Soomaalidii hore waxay dhihi jireen
"NINKII LOWGA KAA GUBA XAGASHA AYAA LAGA GUBAA”.
Rag
aan isdayno wuxuu ku dhaamo la waa ee shirarka jaraa’id iyo sheekadaan aan
dhama ad ka lahayn inta la iska dhaafo, hayin hala noq do ama heeryada Farmaajo
hala iska dulqaado! W/Q.
Xildhibaan Mahad Salaad
Xildhibaanada
Golaha Shacabka Oo Goor Dhow Ansixiyay Laba Xubnood
Xildhibaanada G/Shacabka BFS ee muddo xil eedkoodu
dhammaaday ayaa Maata waxaa uu kulan uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa ee M.
Muqdisho.
Ajenadaha kulanka Xildhibaanada ayaa wax aa
uu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19, U codeynta laba xubnood oo kamid
noqonaya Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha.
Guddoomiyaha GSh.Md.Maxamed Mursal Sh.
C/raxmaan iyo labadiisa ku-xigeenka ayaa ku ankaan shir guddoominaya, isla markaana waxaa goobjo og
ka ah 139 Xildhibaan.
Xildhibaanada G/Shacab ka ayaa
ansixiyay laba xu bnood oo kamid noqo na ya Guddiga Madaxa-bana an ee
Xuduudaha, kuwa asi oo kala ah Axmed Zeylici Muuse iyo Maxam ed Cusmaan
Cabdullaahi Xamza
136 Xildhibaan ayaa ogolaaday in labada
xubno od ay ka mid noqdaan Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha, waxaana diiday
saddex Xildhib aan, mana jiro Xildhibaan ka aamusay, sida uu shaaciyay
Guddoomiye Mursal.
Kulanka ayaa waxaa ka maqan 15 Xildhiba an
oo horey Guddoomiye Maxamed Mursal la jo ojiyay ka qeyb galka kulamada
Baarlamaanka, kadib markii Xildhibaanada ay sameeyeen fo wdo iyo buuq kulankii
sabtida.
Gudoomiyaha
Golaha Shacabka oo cafis u fidiyay Xildhibaanadii la ganaaxay
Xildhibaanadan ayaa Sabtidii lagu
eedeeyay in is hortaag ku sameeyeen kulan uu xilligaa Go laha Shacabka ku lahaa
Xaruntooda M/Muqdi sho, xilli Xildhibaanadu ka biyo diidaneyd qor she socday oo
sida ay sheegeen muddo kordh in loogu sameynayo Baarlamaanka iyo Madaxt ooyada. Xildhibaanadan ayaa Shalay la ga hor istaagay
inay ka qaybgalaan kulan ay Xildhibaa nada Golaha Shacabka ku yeesheen Xarunta
Vi lla Hargeisa, ka dib markii ciidan fara-badan la gu soo daadiyay barraha
kontoroolada ee laga ilaaliyo Aqalka Madaxtooyada iyo isg oysyada qaar ee M.Muqdisho. Xubno uu horkacayay Gu doomiyihii hore
ee Baarlamaanka Somaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoo be) oo la
kulmay G/G/Shacabka ayaa ugu baaq ay in Guddoonka uu cafis u fidiyo Xildhibaana
dasi, taasoona uu Gudoomiye Mu rsal aqbalay.
Xildhibaanadan ayaa la filayaa inay ka
qaybg alaan kulanka maalinta Sabtida ay Golaha Shac abka ku leeyihiin Magaalada
Muqdisho, haddii aanu qorshuhu waxba iska bedelin.
Da’daallada
ay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ka wadaan MUQDISHO
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sh.Shariif
Sh.Axmed iyo Xasan Sh.Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Midowga Mu sharaxiinta
ayaa 7aadkii la soo dhaafay ka sha qeeyay sidii loo xalin lahaa muranka ka
taagan doorashada Soomaaliya.
Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in waq tiyada
qaar ay goobjoog u noqdeen ka gudbidda qodobo la isku mari waayay inkaatoo ugu
damb een shirkii uu istaagay.
Isu keenida iyo u kala dab qaadida dhinacya
da siyaasadda Soomaaliya waa howl u taala Ma daxweynaha muddo xileedkiisa
dhamaaday ee Maxamed C/hi Farmaajo iyo dowladiisa balse waxaa soo baxaya warar
sheegaya in uu qeyb ku leeyahay khilaafyada dalka.
Dad badan ayaa qaba in Madaxweynayaa shii
hore ee Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tir san mucaaradka ay qaateen doorkii
Madaxwey naha Soomaaliya Md.Farmaajo, doorkaas oo ahaa isku wadida dalka iyo
dadka.
2da
madaxweyne hore ayaa ka go’an in xal laga gaaro khilaafyada jira, si dalka uu u
galo doora sho, taasi oo haddii aysan dhici horseedi karta qalalaase amni.
Al-Shabaab
oo go’aan rasmi ah kasoo saar tay tallaalka AstraZeneca ee CVOID-19
Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay ka ha
dashay tallaalka ka hortegga Covid-19 ee Astra Zeneca, kaas oo la keenay dalka. Bayaan ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxa
ay shaki weyn uga muuj iyeen waxtarka iyo badqabka tallaalkan oo horey u
joojiyeen qaar ka mid ah wadamada reer Yurub.
Sidoo kale Al Shabaab ayaa shacabka Sooma aliyeed
uga digtay inay isticmaalaan tallaalka ka hortegga Coronavirus ee loo yaqaano
Astra Zeneca. Al-Shabaab ayaa sidoo kale ugu baaqd ay shacabka in Alle ba ri ay
sameeyaan, si loo helo tallaal ammaan ah oo waxtar leh.
Ugu dambeyn bayaankan Al-Shabaab ayaa waxaa
lagu sheegay in DFS aysan awood u la heyn hubinta tallaalkan, maadaama aysan
heys an sheybaar casri ah.
Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iya da
oo Soomaaliya uu soo gaaray tallaalka Astra Zeneca, kaas oo isticmaalkiisa laga
bilaabay qeybo badan oo ka mid ah dalka.
Maxaa
looga hadlay kulankii Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen?
Waxaa Shalay M/Muqdisho kulan ku yee shay
madaxweynayaasha Galmudug, K/Galbe ed iyo Lafta-gareen oo ayagu isku mowqif ka
ah xiisada doorashada dalka oo meel xasaasiya mareysa. Madaxweynayaasha 3da ah ee
Gobol oo xulufo dhow la ah madaxweynaha
waqtigiisa dhamaaday ayaa waxay ka wada-hadleen khila afka doorashada iyo
kulamadii u dambeeyay ee ay la qaateen mdaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Sida
ay Ogaatay Warbaahintu, Axm ed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdi casiis
Lafta-gareen ayaa kulankaan diirada ku saaray si dii meel dhexe la isugu keeni
lahaa ma dax weynaha waqtigiisa dhamaaday iyo madaxwey na yaasha Puntland &
Jubbaland oo ay si weyn is ku hayaan.
Sidoo kale waxaa looga hadlay kulankaan si dii
uu u qabsoomi lahaa shirweynaha doorasho oyinka ee madaxda dowladda iyo kuwa
maamu lada dalka oo xiligan ku gudban yihiin caqabado hor leh.
Kulankaan ayaa imanaya xili ay hakad gale en
wada-hadaladii gooni-goonida ahaa ee u dha xeeyay shanta madaxweyne, kadib
markii ay Ax med Madoobe iyo Saciid Deni shuruudo ku xi reen ka qeyb-galka
shirweyanahaas.
Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabee lle
iyo K/Galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay isku dayey inay qanciyaan
madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, si ay uga qeyb-galaan shirka Teendhada
Afisyooni.
Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa wax ay
kalsooni darro ka muujinayaan hab-dhaqan ka guracan ee Farmaajo, kadib dhacdada
weer arkii 19-kii Febraayo, waana mida keentay in wa x is-faham buuran ah laga
gaari waayo kulama dii u dambeeyay.
Doorashada
Soomaaliya: Sababta aysan Bee sha Caalamka u khasbi karin Madaxda Soomaalida
Madaxda Soomaalida ayaa muddo dheer is ku
fahmi la' hannaanka doorashada waqtigeeda ka dib dhacday, xilli beesha
caalamkuna ay da daal ugu jirto sidii dhinacyada kala aragtida duwan la isugu
soo dhaweyn lahaa.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa M/ Muqdisho
ku wada sugan dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo federaalka, inkastoo aan
lagu guuleysanin in shirkii la filayay ay dhammaant ood ka wada qeyb galaan.
Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka, oo in
muddo ahba xal u raadinayay xaaladda ismari waaga ah ee doorashada Soomaaliya
ayaa dho wr isbuuc ka hor ku qanciyay madaxda Jubal and iyo Puntland in ay
tagaan Muqdisho, walow ay ku guul darreysteen in ay ka dhaadhiciyaan ka qeyb
galidda shirka loo fadhiyay.
Beesha
Caalamku ma khasbi kartaa mada xda Soomaalida?
Barfasoor Ibraahim Faarax Bursaliid, oo ah
khabiir falanqeeya arrimaha siyaasadda Soom aaliya, ayaa BBC-da u sharraxay
dhowr sababo od oo uu fikir ahaan qabo in beesha Caalamku aysan cadaadis xad
dhaaf ah ku saari karin siy aasiyiinta khilaafku u dhaxeeyo.
Ugu horreyn wuxuu Prof Bursaliid qeexay in
hadda laga soo gudbay xilligii Beesha Caalam ku ay hoggaanka u heysay masiirka
Soomaali da. "Beesha Caalamka ee la sheegayo waxay noqon karaan waddamo ay
Soomaaliya u wada haddli karaan dal ka dal ama waa urur gobole edyo heer gobol
ama heer qaaradeed ah ama waa ururro caalami ah sida Qaramada Midoob ay iyo
wixii la mid ah, marnaba Soomaalidu ku ma khasbana Jamhuuriyad ahaan iyo ka
dowlad ahaanba in xaanshi loo soo qoray ay ku dhaqan to ama ay raacdo.
"Waxaad mooddaa in lasoo dhaafay
xilligii xukuumadda Soomaaliya ay ku jirtay ku meel gaarnimada oo laga
caawinayay dal dhiska, na badeynta iyo dib u mideyntiiba. Tan iyo doora shadii
2012-kii waxaad mooddaa in laga baxay kmg-nimadii, sidaas darteedna ay tahay in
la xu rmeeyo gobanimada iyo madax bannaanida siy aasadeed ee Jamhuuriyadda,"
ayuu yidhi Prof Bursaliid.
Waddada kale ee u furan beesha Caalamka
ayuu Prof Ibraahim Bursaliid ku sheegay mid qallafsanaan ku imaan karta.
"Dal walba wuxuu ku sabsan
yahay inuu Soom aalida ku xurmeeyo go'aannadooda masiiriga ah, sida uu
Shiinuhuba caddeeyay. Laakiin had iiba ay noqoto in talooyin gurracan la siiyo
waa in loo qariyo oo si hoose oo saaxiibtinnimo leh loogu sheego ama si
hanjabaad ah loogu she ego, haddiiba uu jiro dal tun buuran sida Mare ykanka,
Ingiriiska iyo Turkiga."
'Sababta
aysan Beesha Caalamku waxba u qaban karin'
"Sabab ugu muhiimsan ee aysan Beesha
Ca alamku aanay dhinacyada isugu soo dhaweyn karin, wax weynna aysan u qaban
karin waa ina anay dooneynin in danihii ay dalka ka lahaayen xukuumadda markaas
jirta ay wax kaga waaya an ama maamul laga yaabo barito in laftigiisa uu
muhiimad gaar ah yeesho ay diidayaan inay aad u cadaadiyaan," ayuu yidhi
Barfasoor Burs aliid oo la hadlayay BBC-da.
Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo
waqtigoodu ahaa 8-dii bishii February ayaa ilaa hadda u xayiran inay qabsoonto
doorashada ka horreysa ee baarlamaanka.
Mudada xilheynta madaxweyne
Maxamed C/hi Farmaajo oo 4 sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku
waxay sheegeen ina ysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in
madaxweynahu xilka he yn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cu sub. Ma jiro
waqti la og yahay oo ay doorasha du dhici doonto.
Maxaa
dhici kara haddii madaxda Puntland iyo Jubaland ay ka baaqdaan shirka?
Madaxweyne Farmaajo, R/Wasaare Rooble,
madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Gal mudug, Hirshabeelle, K/Galbeed iyo
guddoomi yaha G/Banaadir ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa shirka wada
tashiga qaran, iyagoo su gayay inay kusoo biiraan madaxda Puntland iyo
Jubaland.
Arrimaha dhici kara haddii madaxda qaar
ay shirka ku gacan seyraan waxaa ka mid ah dhib u dhac hor leh, sida uu BBC-da
u sheegay Jibriil Cali Aw Maxamed oo wax ka dhiga Jaamacad da Ohio ee dalka
Mareykanka, sidoo kalena fala nqeeya siyaasadda.
"Maadaama ay madaxda Puntland iyo
Juba land dhagaha ka fureysteen baaqii madaxwey ne Farmaajo, Beesha Caalamka
ayaa hadda u heellan inay shirka soo fariisiso, heshiisna lagu gaaro in la
hirgeliyo doorashadii lagu heshiiyay bishii September, 2020.
"Runtii haddii ay Deni iyo Axmed Madoobe ka baaqdaan shirkan waxaa
dhici kara inay door ashadii sii jiitanto, murankanina uu sii daba dhe eraado,"
ayuu yidhi Jubriil.
Lama saadaalin karo waddada kale ee furan
haddii uu fashilmo shirka wali qabsoomi la' ee ra jada laga qabo inuu Muqdisho
ku dhex maro ma daxda Soomaaliya, kaasoo ujeeddadiisu tahay in lagu
dhammeystiro heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii bishii September ee
sanadkii 2020-kii. Xigasho:BBC
Kiisaska
cudurka Karoonaha ee Soomaaliya oo sii kordhay
Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soo maaliya
ayaa faahfaahisay kiisaskii ugu dambee yay ee cudurka Karoonaha.
Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baa ray
COVID-19 guud ahaan wadanka: 1010
o Somaliland: 41
o Puntland: 37
o Banadir: 9
o Hirshabelle: 7
o Jubbaland: 6
o Galmudug: 6
o Lab: 58
oDhimasho: 8 (Somliland:6,
Banadir:1, Puntl and:1)
o Bogsashada: 24
Tirada Guud ee Laga Helay: 11,398
Bogsashada Guud: 4,819
Dhimashada Guud: 529
Dowladda
Soomaaliya & Uk oo ka wada hadlay Amniga doorashada
Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta
Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa M/Muqdisho waxaa uu kula kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya.
Kulanka oo saacado kooban qaatay ayaa 2da
dhimac waxaa ay kaga wada hadleen
xaalada Amniga doorashoo yinka iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee Amn iga
Dalka iyo iskaashiga labada dal.
Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey ayaa uga
mahad celiyau dowladda Ingiriiska taageera da dhinaca Amniga oo ay siiyaan
Dowladda Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay inay kor dhiyaan.
Safiirka Uk ee Soomaaliya ayaa dhankeeda
sheegtay in ay joogteyn doonaan xiriirka ay la le eyihiin dowladda Federaalka
Soomaaliya, isla markaana ay ka taageeri doonaan dhinacyo ba dan.
Madaxweynaha
Somaliland oo xil ka qaadis iyo Magacaabis sameeyay
Madaxweynaha Somaliland, Md.Muuse Biixi Cabdi waxa uu
wareegtooyin Madaxweyne uu xilkii kaga
qaaday Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada kuna mag acaabay
masuul cusub.
Ku: Cabdi Maxamed Rodol, Maareeyihii Gu ud
ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaa rada
Ujeeddo:
Xil Ka-qaadis
Sida aad la socoto, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo
hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan ga rtay in laga
bilaabo taariikhda Shalay aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga
mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.
Ujeeddo: Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka
90aad,
Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’a dda
Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhism aha;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa,
iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan Arkay: In uu Hanan Karo Masuuliy adda
ka Dhalanaysa Xilkan;
Waxaan
Go’aamiyey;
In Mudane, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan
Qalinle laga bilaabo taariikhda Shalay uu ahaa do Maareeyaha Guud ee Hay’adda
Duulista iyo Garoomada Somaliland.
Puntland
oo digniin u dirtay Shaqaalaha Hay’adaha UN-ka
Waxaa
uu ka dalbaday Xeer ilaaliye kuxige enka Puntland in Afarta Xubnood ay Canshuur
ta ku waajibtay ku bixiyaan ugu dambeyn
Can shuurta 4/3/2021 hadii ay bixin waayaana Max kamad la horgeyn doono.
Ugu dambeyn Xeer ilaaliye kuxigeenka Punt land
waxaa auu sheegay inay jiran 5 Ruux oo kale oo ka tirsan alaha UN-ka ee ka
howlgalla Gobolka Karkaar, waxaana uu ka dalbaday
HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 1-APRIL 2021
.