Muxuu qofku u jecel yahay in la ammaano ama uu is-ammaano?

0
Thursday March 31, 2016 - 11:31:35 in Maqaallo by
  • Visits: 1253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu qofku u jecel yahay in la ammaano ama uu is-ammaano?

    (Qaybtii Labaad) Shaki kuma jiro ka jawaabidda su'aalahani ay garan karaan dadka ahlu cilmiga ah iyo dhalabul cilmigaba,waxayna ku jawaabayaan:ma jecelni in nala ammaano mana jecelni in aan is-ammaano,waxaase dhici karta in ka jawaabidda su

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Qaybtii Labaad) Shaki kuma jiro ka jawaabidda su'aalahani ay garan karaan dadka ahlu cilmiga ah iyo dhalabul cilmigaba,waxayna ku jawaabayaan:ma jecelni in nala ammaano mana jecelni in aan is-ammaano,waxaase dhici karta in ka jawaabidda su'aalahaasi ay ku adkaato dadka caamada ah oo iyagu la jaan qaada hadba sheekh ay la joogaan oo ay wax ka dhegaystaan waxna ka bartaan,haddii uu sheekhoodu is-ammaano iyaguna wey is-ammaani,haddii sheekhooda la ammaanana,iyaguna waxay doonayaan in la ammaano,waxaana xaqiiqo ah in haddii dadka lagu barbaariyo qaalallaahu iyo qaalarrasuulu sallallaahu caleyhi wasallama,iyaguna waxay leeyihiin qaalallaahu iyo qaalarrasuulu sallallaahu caleyhi wasallama.

Allah wuxuu yiri:qofkii is daahiriyana,wuxuu isu daahiriyay naftiisa,xagga Rabbi ayaana loo ahaan (suuradda Faadhir,aayad lambar 18),nafsadda oo la daahiriyana waa in khayr lagu abuuraa lagana nadiifiyaa waxyaabaha xun xun,sida shrikiga iyo bidcada,Allah wuxuu yiri: waxaa liibaanay,qofkii naftiisa daahiriya,waxaana khasaaray qofkii naftiisa xumaan dhexgeliya (suuradda Ashams,aayad lambar 9 iyo 10),dabcan waa la wada garanayaa waxyaabah nafsadda u soo jiidaysa oo xumaan iyo wanaagba ka kooban,xumaatada ugu weyn waxaa ka mid ah:shirkiga iyo bidcada iyo niman iyo naago in la isku daayo oo la yiraahdo isla wada cayaara,caami iyo culumo ku sheegna ha idin daawadaane,dadkana in loogu sheekeeyo in munkarkaasi uu yahay,dhaqan iyo caado,maahmaah ayaana oraneysa:Ninka caado ceeb ka yeelay cimrigiisaas ku cayaaray ama cilmigiisaas ku cayaaray,maahmaah kalena waxay leedahay:Caado la gooyey caro Allay leedahay.

Allah wuxuu yiri:waxaa liibaanay oo aflaxay,qofkii daahir noqda oo iska daahiriya gaalnimda iyo fisqiga,magaca Allahna xusa,salaaddana tukada,sidaas ma’ahee waxay dadku doorteen nolosha adduunka,macnaha quruxda adduunka waxay ka doorteen nicmada aakhira, aakhiraase khayr badan baaqina ah (suuradda Al-Acla,aayado lambar 14 ilaa 17), aayadahaasina maalin walba oo jimce ah ayaan maqalnaa,waxaana la aqriyaa khudbada jimcaha kaddib oo khadhiibka ayaa dadka salaadda ku tujiya,inkastoo wadaaddo badan oo khudbada jimcaha aqriya,haddana waxay ka tagaan in salaadda jimcaha ay ku aqriyaan labada suuradood ee Hal ataaka iyo Sabbixisma,haddii ay ku aqri waayaana,waxay la macne tahay iyagoo ka tagay sunnaha rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama.

Qof kasta oo daaci ah waa in uu aad u taxadiraa,waa in uusan nafsaddiisa soo bandhigin kana dhigin mid dhowrsan oo daahir ah,mu’minka dhabta ahna si kasta uu u dadaalo,camal wanaagsana u sameeyo,munkar oo dhanna ka fogaado,ma’ahan in uu nafsaddiisa ka dhigo mid nadiif ah oo daahirsan,xumaan oo dhanna ka fog,Allah wuxuu yiri:ha ammaanina naftiina,macnaha ha ugu marqaati kicina in naftiina ay tahay mid daahir ah oo bari ka ah dunuubta iyo xaaraanta,Allah wuu og yahay,qofka taqiga ah oo ka baqaaya ciqaabtiisa kana fogaanayo macsidiisa (suuradda Annajm,aayad lambar 32),ibnu Kathiir wuxuu tafsiirkiisa ku sheegay aayaddan waxay ku soo degtay Yuhuudda iyo Christianka,markay yiraahdeen,Rabbi wuxuu yiri:Yuhuudda iyo Christianku waxay yiraahdeen innagu waxaanu nahay carruurta Allah iyo dadka uu jecel yahay (suuradda Al-Maa’ida,aayad lambar 18),waxay kaloo yiraahdeen:jannadu geli maayo qof aan Yuhuud iyo Nasaari ahayn (suuradda Al-Baqara, aayad lambar 111),Cumar bin Al-Khadhaab Allaha ka raalli noqdee ayaa yiri:qofkii yiraahdo anigu mu’min baan ahay,wuxuu yahay gaal,qofkii yiraahdana isagu waa caalim,waa jaahil,qofkii yiraahdana:isagu wuxuu ku jiraa jannada,wuxuu isagu ku jira naarta,intaas ayuu ibnu Kathiir ku soo afjaray tafsiirka aayaddaasi.

Sunnooyinka ibnu Maaja,waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Mucaawiya bin abi Sufyaan,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:waxaan idinka digaya is-ammaanidda,maxaa yeelay waa gowricid,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay kitaabkisa saxiixul jaamic lambar 2674,saxiixul Bukhaari lambar 6060 iyo saxiixu Muslim lambar 3001 waxaa ku xusan in abi Muusa uu yiri:nebiga sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu maqlay nin oo nin kale ammaanayay,ammaantiisana uu ku talax tegay, markaasuu yiri:waad hoogteen ama waxaad goyseen ninka dhabarkiisa.

Sharci ma’ahan mana bannaana in qof uu qof kale ku ammaano ammaanadiisa ama akhlaaqdiisa ama diintiisa ama cilmigiisa ama wanaagga caqiiddadiisa,mana bannaana in qofka dhaalibul cilmiga ahi uu sheekhiisa ammaano oo uu ku talaxtago ammaantiisa ama uu ku xadgudbo ammaantiisa,ammaanta waxaa ehel u ah Allah subxaanahu watacaala,saxiixu Muslim lambar 3000 iyo Adab Al-Mufrad oo uu qoray Bukhaari lambar 253,waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abi Bakrata,wuxuuna yiri:nin ayaa nin ammaanay,rasuulka sallallaahu caleyhi wasallamana goob joog ayuu ahaa,markaasuu rasuulku yiri:weyxak (waa hadal xanuun badan),waxaad goosay luqunta saaxiibkaaga,wuuna ku soo celceliyay rasuulka eraygaasi,imaam Nawawi oo sharxaaya xadiiskan wuxuu yiri:waxaad goosay luqunta saaxiibkaaga,macnaha waad hoojisay,luqun goyntana waxaa laga wadaa dil.

Ibnu Mascuud Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:qofkii wax garanaayo ha sheego,qofkii aan wax garanaynina ha yiraahdo:Allaahu aclam,maxaa yeelay:cilmigu waa in aad tiraahdaa haddii aadan garanayn Allaahu aclam,hadalkan qiimaha leh wuxuu Bukhaari ku soo saaray saxiixiisa lambar 4809 Muslimna wuxuu ku soo saaray saxiixiisa lambar 2798,Cadha’ bin abi Rabbaax oo taabici ah,wuxuu yiri:ma garanayo waa cilmiga barkiisa,Adahabi ayaa hadalkan qiimaha leh ku soo naqliyay kitaabkiisa siyar aclaam annubula’.

Innagu xaggeen ka joognaa aayadahan iyo axaadiistan aan soo tilmaanay,bal u fiirso wadaaddadeena qaarkood,marka ay muxaadaro ama dersi soo jeedinayaan,marka hore iyagaa is-ammaanaya ama waaba la ammaanaya.

dhammaad

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Waa inoo markale iyo mowduuc kale hadduu Allah idmo

Den Haag/Holland





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip