Nimcaan Hilaac oo kiciyay shucuurta dadweynihii ka qeyb galay furitaanka ciyaaraha gobolada Somaliland Sawirro +
Waxaa si rasmi ah u furmay ciyaaraha gobolada Somaliland, iyadoo kooxihii ugu horeeyay ee lagu furay tartanka ay ka kala yimaadeen gobolada Howd iyo Awdal ayaa waxaa ka soo qeyb galay kumanaan dadweyne oo ka kala yimid dhammaanba gobolada Somaliland.
Fannaanka caanka ah Nimcaan C/raxmaan Hillaac oo ka mid ah fannaaniinta kooxda Xiddigaha Geeska Afrika ayaa isagu halkaasi ku soo bandhigay hees ku saabsan tartankaasi iyo qiimaha uu u leeyahay bahda Isboortiga.
Dadweynihii ka soo qeyb galay ayaa iyagu si weyn ula dhacay, ka dib markii ay shucuurtooda kicisay murtida xambaarsan dareenka Isboorti jacaylka ee uu fannaanka u qabay ciyaaraha Somaliland.
Nimcaan Hillaac oo ka mid ahaa fanaaniin dhowaan lagu xiray magaalada Hargeysa ayaa lagu waayay wax dembi ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu Muqdisho tegay, iyadoona arrintaasi ay saameyn xooggan ku yeelatay hay’adaha amniga Somaliland.