xiriirka K/Kolayga Soomaaliya oo tababar garsoore heer caalami ah Muqdisho ka furay + Sawirro
Xaflada Furitanka Seminaarkan oo ka dhacday xarunta Gos waxaa kasoo qaybb galay masuuliinka socotay wasaardda dhalinyaradaiyo isbortiga, Gos, Xiriirka kubadda Kolayga iyo marti sharaf u badnayd ciyaartoydi hore.
Guddoomiyaha Xiriirka kubada kolayga Cabdulaahu Nuur Maxamed Cadaani oo xflada ka halay ayaa sheegay in smeinarkan uu qayb ka yahay ballan qaadyadi horumarinta uu xiriirka sameeyay ayna xigi doonaan qayabaha muhiim ah sida Macalimiinta, waxuuuna mahad celin usoo jeediyay Macalin Axmeed Alfalaki oo aqbalay in uu tababarkan bixiyo iyo xiriirka kubada kolayga Masar oo garsoorayaal usoo diray.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Axmed Al Falaki oo sheegay in FIBA Africa ay tabaarkan ugu talogashay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta garsoorka Afrika gaar ahaan Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gos Cabduulaahi Axmed Tarabi oo xaflada furay ayaa sheegay in garsoorka uu yahay laf dhabarka isboortiga in la horumariyana ay muhiimad gaar ah leedahay waxuuna garsoorayasha kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan.
Waa marki ugu horreysay oo ay Soomaliya marti geliso tababar dhanka garsorka kaddib 1990 ,waxay tababarkan oo ay garsoorayaasha ku baran doonan shaciyadii ugu dambeeyay kubada kolayga ayaa socon doona muddo shan cisho ah iyadoo laga qaadi doono imtixaano lagu qiimeynayo heerka garsoorka garsoorka.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafoow
Email: hadaafoow7@gmail.com
xigasho:-somaliweyn.com
xiriirka K/Kolayga Soomaaliya oo tababar garsoore heer caalami ah Muqdisho ka furay + Sawirro
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga ayaa shalay muqdisho ka furay Seminaar loogu magac daray ( Zonal referees Clinic) oo loogu talo galay garsoorayaasha wadamada soonka shanaad kumidaysan oo ay Soomaliya kujirto waxaana ka qayb gaybgalaya 2o gar