Guurka kadib Maxaa keena bur burka deg dega ah ee ku dhaca guriga cusub ee ay dhiseen lamaanaha isdoortay ?

0
Wednesday March 30, 2016 - 18:59:58 in Maqaallo by
  • Visits: 2339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guurka kadib Maxaa keena bur burka deg dega ah ee ku dhaca guriga cusub ee ay dhiseen lamaanaha isdoortay ?

    Guurka waa wax waajib ku ah dhalinyarada Islaamka Maxaa yeelay wuxuu hor istaagaa sinada,wuxuuna asaas adag u noqdaa bulsho nolosheedu ku saleysan tahay akhlaaq iyo ku toosnaan dhaqanka suuban ee islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guurka waa wax waajib ku ah dhalinyarada Islaamka Maxaa yeelay wuxuu hor istaagaa sinada,wuxuuna asaas adag u noqdaa bulsho nolosheedu ku saleysan tahay akhlaaq iyo ku toosnaan dhaqanka suuban ee islaamka.

Allaah SW wuxuu aayadiisa qur”aanka kariimka ku yiri u guuriya xaaslaawayaasha idinka midka ah iyo adoomada kuwooda wan wanaagsan rag iyo dumar, rasuulka SCW wuxuu yiri isguursada oo tarma UMadaha ayaan idinkugu faanayaa maalinta qiyaamaha waxaana si cad u muuqaneysa ahmiyada guurku inoo leeyahay.

Rasuulkeena SCW haweenka ku guursada Maalkeeda, Quruxdeeda ,Nasabkeeda iyo Diinteeda, waaxaana ugu wanaagsan in diinta lagu guursada, guurkeena wuxuu intiisa ku yimaadaa 3- nooc oo kala ah Dhuuni raac , Dhaban raac iyo Dhaqan raac.

Guurka ku yimaada in qofka lagu door to qurux ama dhaqaale wuxuu noqdaa mid aan asaas adag laheyn oo si fudud ku bur buri kara sababtoo ah wuxuu aad qofka ku raacday baa bi’i kara guurkase ku yimaada diinta( dhaqankaIslaamka ) wuxuu noqdaa mid lagu baraaro oo nolol farxad iyo jaceylka dhab ah ku waara.

Hadaba aan Hadii aan udaadegno bartilmaameedkeena ah MAXAA KEENA BURNURKA DEG DEGA AH EE KU CUSUB DHISEEN LAMAANAHA ISDOORTAY ? waxaan qabaa in qodobada soo socdaay asaas u yihiin arintan1. Kool koolinta guurka kahor ee lunta 2.Ceebaha iyo iimaha oo dib isoo fooca ( baxa ) 3. Cidleynta ama dayacaada 4. Beenta xero gelinta.

KOOLKOOLINTA : rag badan ayaa gabadha diiradu u saaran tahay u sameeya , wax uu awoodi karo iyo qaar uusan xamilo karin si uu u fuliyo codsi kasta oo gabadha dhinaceeda ka yimaada iyadoo ujeedadiisa ugu weyni ay tahay in uu gacanta ku dhigo gabadha laakiin aqal galka kadib Hab ay caro ku jirto ayuu u hor istaagaa codsiyada gabadha ka yimaada taas oo lumisa kalsoonidii gabadha horseedna mararka qaar unoqota bur bur ku yimaada guriga cusub.

CEEBAHA iyo IIMAHA oo la daboolo xiliga xod xodoshada dibna usoo fooca ( baxa ) aqal galka kadib ayaa sabab u noqda bur bur deg deg ah oo guriga cusub ku dhaca , nin maseyr badan oo maryihiisa ka didaya, nin xir xiran oo caro badan, nin bakheyl ah oo baahi ku dilaya gabadha iyo kuwo kale oo lamid ah ayaa keenaya in ay lunto kalsoonidii gabadha taas oo ugu dambeyn horseeda burbur deg deg ah.

CIDLEYNTA iyo DAYACAADA GABADHA rag ayaa xiliga xod xodoshada jecel in waqti badan la qaataan gabadha iyadoo mashquulsan oo aan fursad heli karin ayeyna ku qasbaanin ay kulmaan , gabadhuna wey ogolaataa si ay u qanciso gacaliyaheeda, aqal galka kadibse rag badan ayaa waqtigooda intiisa badan ku qaata sheeko macno dari ah waxeyna gurigooda dib ugu soo laabtaan saacadaha dambe taas oo keenta in gabadhu dareento cidlo joogto ah oo kubeerta shaki ay ka qaado lamaanaheeda, gabadha markii ay gurigooda joogtay waxaa ku hareereysnaa Hooyadeed , Gabdho walaalaheed ah iyo kuwo saaxiibadeed ah Laakiin marka looga dhex tago qol cidlo ah oo habeen walbo saacado badan ku kaliyowdo kuna fekerto waxaa ku dhacaya isbadal sabab unoqda ,xuubur deg deg ah.


BEENTA XERO GELINTA rag badan ayaa aaminsan oraahda ah NAAG BEEN WAA LAGU XERO GELIYAA RUNA WAA LAGU DHAQAA , jiifka guriga oo aad soo tabal caareysatay todobaad kadibna dib lagaaga ceshedo beentaadi Maxaa laga dhaxlay ?run aad hada sheegto marnaba dib uma soo celineyso kalsoonida luntay ee gabadha waxaan hubanti ah in Aadan mar kale dib u kasban karin qalbiga aad dhaawaca weyn u geysatay ee gabadha , waxaana gaba gabadii soo bandhigayaa DOOD FURAN oo ku aadan cinwaanka qormadeyda oo ah Guurka kadib Maxaa keena bur burka ku dhaca guriga cusub ee ay dhiseyn lamaanaha isdoortay.
QALINKII QORAA SARE ;
Muse Mohamed Osman{Musekimiko}



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip